Gor-Gor

Googgaa wax muuqdow-- Gocashoy dheh cigalle
Maalmahanba guuxiyo-- Gaagaabsi baa jiray
Waxad maanka gada iyo-- Garashoy ma muranteen
Maalmihii gudbaayow-- Ma idinkaa gabaabsiyey
Gow iyo ma hurin baa-- Malaa waa guduutiyo
Gabbal dumayba muu harin-- Ma gilgilay guntiinnii
Xaajadu gondo xumaa-- Ma adduun-geddoon baa?
Mise waa geddeedoo-- Iyadaa galgalatee
Guul baa uraysoo-- Nasri geeddiyaa yimi
Gashigeedu yaab lehe-- Godol iyo ma qooq baa?

Saadaashu meel godan-- Ha inoogu gorortee
Iyadaa gendaal dhalan-- Guntayoo haddana furay
Gorgor yimi Hargaysiyo-- Geney weeye faalladu
Gacan-qaadna wuu dhacay-- Marka hore warkii guud
Inaad laba gu' iyo dayr-- Gobolkani waqooyiga
Geestiisa bidixee-- Goljanno aad ku noolayd
Na soo gaadhay sheekadu-- Marka xiga warkii gaar
Fulayahow gabbanayaa--- Ma geyaan cadkaagee
Isgalluubintaadaa--- Gibil kuu xanuunoo
Waa qaran abaal gala--- Inaad gudeyso mooyaan
Marka xigana gacalnimo-- Maalmahanba gaaridu
Gogoshaa xariirta ah--- Aday kuu guraysoo
Gaashaandhiggeedaa--- Kuu gaardiyaayoo
Gabdhihii mashxaraddaa--- Gaar kuu sugaayoo
Gurboodkiyo carruurtaa-- Ubax wada guduutiyo
Giraan kuu ruxaayoo--- Garabsaar rag weeyoo
Gole aad ku hirataa---Guddi loo xilsaaroo
Marti goor xun kuu timid--- Gabbaan laguma sooro'e
Wanan bari gurguurtiyo-- Goolal baa la qalay oo
Mirihiyo garoor baa--- Kuu suran gedaankoo
Waa gole macsuum ahe--- Kaa guddoomoo waa kane

Guntayoo haddana furay-- Gaajadii ku haysaan
U gaalgaalay hadalkee-- Kol hadduu raggu isgalo
Gar ma kala dhaqaaqee-- Maradii gondaha tiil
Waxaan geeyey lowgee-- Adiguna guntiga xiro
Ninka loo ged baxayow-- Adiguna ha gooddiyin
Fardo goonni haysiyo-- Gacamays hirdiyayoo
Leexays galaashoo--- Tiix gabano wada iyo
Yaxne geed ku naban iyo--- Gowdyahan gufaaciyo
Galaa foolanaayee--- Iska giiji shaqallada

Gorgoryahow lugteenuna--- Hal gariirtay maahee
Gudcur raacda socotiyo--- Waa guura-bahallayn
Dhulku waa gabaahiir--- Giiriyaanna wuu u haray
Weli guurku waa bixid--- Giddi habar-dugaag baa
Goonyaha ka ciyayoo--- Mas gurguuranaayiyo
Good baa shanqadhayee---- Wadnuhu yaanu galaw oran
Nafta gaajo yay qaban--- Gowdiidsi kolay tahay
Gama' iyo hurdana DAA!--- Nabarkaa gunaadka ah
Ceecaha ku gaaxdiyo--- Eel gudaha jiifiyo
Laxowgaa garaaca ah---- Halkuu GOW ka leeyahay
Dhibka jeeroo laga guro--- Gaaroodin maynee
Ha loo geliyo dambaskuun.
Guntayoo haddana furay

Gorgor dayoo dirkaagii---- Haad guudka lala iyo
Mid geed fuushan mooyee--- Awowgaaba muu gelin
Gurigan aad u hoyatee--- Maxaad uga gol-leedahay?
Gorgor xoolo raacaa--- Geyiguu u kowyee
Ri'da geeska waynee--- Siday tahay gammaan faras
Guudka aad ka fuushaa--- Waadigan gargoortiyo
Geedaha ugbaadka ah--- Afka ugu guraayee
Guunyada ka sheenee--- Ganankiyo halgaaddada
Ku soo gedlanaayee--- Ma gantaal jacayl baa
Kaa gaadhay halistoo--- Halkuu kaaga ganay baad
Gaaddada ku haysaa?-- Su'aalihii gun iyo baar
Anigoo gunaanaday--- Gorgoryahow ku soo durug
Gedbax oo i deeqsii.

Gorgorkiina wuxuu yiri-- Marka hore abaalgudid
Qarankiinu waa gobe-- Waxaad iiga geysaa
Mahad aan gaboobayn-- Marka xigana Geneyow
Aqoontaadii gabaydaye-- Shaxdaan geedka taallee
Goob iyo barbaarkii--- Way kaa gunwayntee
Garashada cilmi u doon-- Sirta Gaarriye u dhiib
Gudbantii Hadraawiyo--- Gees Cali ha loo dego
Gaarsii raggeedii.

Googgaa wax muuqdow-- Gocashoy dheh cigalle Maalmahanba guuxiyo-- Gaagaabsi baa jiray Waxad maanka gada iyo-- Garashoy ma muranteen Maalmihii gudbaayow-- Ma idinkaa gabaabsiyey Gow iyo ma hurin baa-- Malaa waa guduutiyo Gabbal dumayba muu harin-- Ma gilgilay guntiinnii Xaajadu gondo xumaa-- Ma adduun-geddoon baa? Mise waa geddeedoo-- Iyadaa galgalatee Guul baa uraysoo-- Nasri geeddiyaa yimi Gashigeedu yaab lehe-- Godol iyo ma qooq baa? Saadaashu meel godan-- Ha inoogu gorortee Iyadaa gendaal dhalan-- Guntayoo haddana furay Gorgor yimi Hargaysiyo-- Geney weeye faalladu Gacan-qaadna wuu dhacay-- Marka hore warkii guud Inaad laba gu' iyo dayr-- Gobolkani waqooyiga Geestiisa bidixee-- Goljanno aad ku noolayd Na soo gaadhay sheekadu-- Marka xiga warkii gaar Fulayahow gabbanayaa--- Ma geyaan cadkaagee Isgalluubintaadaa--- Gibil kuu xanuunoo Waa qaran abaal gala--- Inaad gudeyso mooyaan Marka xigana gacalnimo-- Maalmahanba gaaridu Gogoshaa xariirta ah--- Aday kuu guraysoo Gaashaandhiggeedaa--- Kuu gaardiyaayoo Gabdhihii mashxaraddaa--- Gaar kuu sugaayoo Gurboodkiyo carruurtaa-- Ubax wada guduutiyo Giraan kuu ruxaayoo--- Garabsaar rag weeyoo Gole aad ku hirataa---Guddi loo xilsaaroo Marti goor xun kuu timid--- Gabbaan laguma sooro'e Wanan bari gurguurtiyo-- Goolal baa la qalay oo Mirihiyo garoor baa--- Kuu suran gedaankoo Waa gole macsuum ahe--- Kaa guddoomoo waa kane Guntayoo haddana furay-- Gaajadii ku haysaan U gaalgaalay hadalkee-- Kol hadduu raggu isgalo Gar ma kala dhaqaaqee-- Maradii gondaha tiil Waxaan geeyey lowgee-- Adiguna guntiga xiro Ninka loo ged baxayow-- Adiguna ha gooddiyin Fardo goonni haysiyo-- Gacamays hirdiyayoo Leexays galaashoo--- Tiix gabano wada iyo Yaxne geed ku naban iyo--- Gowdyahan gufaaciyo Galaa foolanaayee--- Iska giiji shaqallada Gorgoryahow lugteenuna--- Hal gariirtay maahee Gudcur raacda socotiyo--- Waa guura-bahallayn Dhulku waa gabaahiir--- Giiriyaanna wuu u haray Weli guurku waa bixid--- Giddi habar-dugaag baa Goonyaha ka ciyayoo--- Mas gurguuranaayiyo Good baa shanqadhayee---- Wadnuhu yaanu galaw oran Nafta gaajo yay qaban--- Gowdiidsi kolay tahay Gama' iyo hurdana DAA!--- Nabarkaa gunaadka ah Ceecaha ku gaaxdiyo--- Eel gudaha jiifiyo Laxowgaa garaaca ah---- Halkuu GOW ka leeyahay Dhibka jeeroo laga guro--- Gaaroodin maynee Ha loo geliyo dambaskuun. Guntayoo haddana furay Gorgor dayoo dirkaagii---- Haad guudka lala iyo Mid geed fuushan mooyee--- Awowgaaba muu gelin Gurigan aad u hoyatee--- Maxaad uga gol-leedahay? Gorgor xoolo raacaa--- Geyiguu u kowyee Ri'da geeska waynee--- Siday tahay gammaan faras Guudka aad ka fuushaa--- Waadigan gargoortiyo Geedaha ugbaadka ah--- Afka ugu guraayee Guunyada ka sheenee--- Ganankiyo halgaaddada Ku soo gedlanaayee--- Ma gantaal jacayl baa Kaa gaadhay halistoo--- Halkuu kaaga ganay baad Gaaddada ku haysaa?-- Su'aalihii gun iyo baar Anigoo gunaanaday--- Gorgoryahow ku soo durug Gedbax oo i deeqsii. Gorgorkiina wuxuu yiri-- Marka hore abaalgudid Qarankiinu waa gobe-- Waxaad iiga geysaa Mahad aan gaboobayn-- Marka xigana Geneyow Aqoontaadii gabaydaye-- Shaxdaan geedka taallee Goob iyo barbaarkii--- Way kaa gunwayntee Garashada cilmi u doon-- Sirta Gaarriye u dhiib Gudbantii Hadraawiyo--- Gees Cali ha loo dego Gaarsii raggeedii.

Raadi