Geyigeenna

Cirka oo gu’ hoorshoo
Hillaac galalacleeyiyo
Daruuruhu gufaacada
Guur guurayaano
Godolkii la hibitiqay.
Xareeddii geyiga iyo
Goglantahay jidhaanto
Godamada ka buuxdoo
Balliyadu gingimanyiin
Ubaxii gardhooboo
Gaasheeyey midabkoo
Guntimuhu sinmeenoo
Garaacayso laydhii.

Dhirtuna ay gun iyo baar
Gedafka isku haysoo
Laamaha gankoodiyo
Faraqii is gaadheen
Shinbiruhuna geestood
Hadba geesh codkoodii
Googooynayaanoo
Rahuna gaar isula baxay.

Oo labada goorood
Gabbalka iyo waagaba
Go’bo leeday dhibicdii.

Hoobaan guduudiyo
Dhafaruur go'ayso
Guudku wada casaadooy
Garabtaal midhcaanyadu.
Jinawgoo gardhooboo
Caleentii goshiisiyo
Ay guudka qarisoo
Gurnaayo uunkii.

Goryga iyo caawshiyo
Giirr qurux ugadhiyo
Garanuug idilkeed
Gaan gaanbiyeenoo
Hadaba geed magoolkii
Mayracad ku goostaan
Geeliina dhalayoo
Gees wayntu darartoo
Adhigiina godol yahay.
Xooluhuna gebigood
Isha aad la gaadhoo
Geesaan fogaynoo
Guriga ay ag daqaan.
Gabankii la jogiyo
Kureygii go'qaatoo
Intay hadhac golaysteen
Googalysi goodii
Googoostay sheekada.

Halihii gobaad iyo
Gorad ay lahaayeen
Oo nirgii ku goohoo
Darartii gubaysoo
Isu guuxay ololkii
Inta goor caweysina
Haaneedkii lala galay
Danbarkii ku gaaxdiyo
Laga gurayo ibihoo
Goroofkii la culay iyo
Gaawihii la buuxshoo
Gebiba beeshu negi tahay
Galadaan tilmaamee
Geyigeena taaliyo
Nimcadaa gadhoodhee
Geesaha ka qubatee
Cidi weli galaan darain
Allahayow na garansii.

Cirka oo gu’ hoorshoo Hillaac galalacleeyiyo Daruuruhu gufaacada Guur guurayaano Godolkii la hibitiqay. Xareeddii geyiga iyo Goglantahay jidhaanto Godamada ka buuxdoo Balliyadu gingimanyiin Ubaxii gardhooboo Gaasheeyey midabkoo Guntimuhu sinmeenoo Garaacayso laydhii. Dhirtuna ay gun iyo baar Gedafka isku haysoo Laamaha gankoodiyo Faraqii is gaadheen Shinbiruhuna geestood Hadba geesh codkoodii Googooynayaanoo Rahuna gaar isula baxay. Oo labada goorood Gabbalka iyo waagaba Go’bo leeday dhibicdii. Hoobaan guduudiyo Dhafaruur go'ayso Guudku wada casaadooy Garabtaal midhcaanyadu. Jinawgoo gardhooboo Caleentii goshiisiyo Ay guudka qarisoo Gurnaayo uunkii. Goryga iyo caawshiyo Giirr qurux ugadhiyo Garanuug idilkeed Gaan gaanbiyeenoo Hadaba geed magoolkii Mayracad ku goostaan Geeliina dhalayoo Gees wayntu darartoo Adhigiina godol yahay. Xooluhuna gebigood Isha aad la gaadhoo Geesaan fogaynoo Guriga ay ag daqaan. Gabankii la jogiyo Kureygii go'qaatoo Intay hadhac golaysteen Googalysi goodii Googoostay sheekada. Halihii gobaad iyo Gorad ay lahaayeen Oo nirgii ku goohoo Darartii gubaysoo Isu guuxay ololkii Inta goor caweysina Haaneedkii lala galay Danbarkii ku gaaxdiyo Laga gurayo ibihoo Goroofkii la culay iyo Gaawihii la buuxshoo Gebiba beeshu negi tahay Galadaan tilmaamee Geyigeena taaliyo Nimcadaa gadhoodhee Geesaha ka qubatee Cidi weli galaan darain Allahayow na garansii.
Cirka oo gu’ hoorshoo Hillaac galalacleeyiyo Daruuruhu gufaacada Guur guurayaano

Raadi