Geeska Afrika

Nin Ibraahinow geeskan bari, garani xaalkiisa
Haddii uu dagaal gacal yidhaa, waw guntiyo xeydan
Guuldarriyo inuu ceeb mutaa, waysu garab oole
Bal si aan tusaalooyin gara, kuugu gada sheego
Goobjoog wixii dhacay ka qorey, geeddi socodkeeni
Aan taariikhda guud mare, gabaygan feenfeeno
Boqorkii galbeed iyo sharqiba, gaadhay magaciisu
Gumeystaha adduunkiyo ninkii, Yurub la guureeyey
Googoynti Barliin ninkii, gobolki loo daayey
Rabbi baan gaboobine ninkii, boqol gu’ noolaadey
Galabtuu cadhoodaa ninkay, Xabashi guulaantay
Gabla loo sujuudiyo waxay, rag u gurguurtaanba
Ninkuu gacanta saaraa waxay, guul u noqotaaba
Nabsi guradka kibir geedankiyo, geeda sare fuulka
Garta eexo waa wixi Mansiga, gaday duqoodiiye
Eritriya inay gaar tihiyo, gobanimow diidki
Oromadi garaac iyo karbaash, gibil madoobaatay
Qotidii waxay badar gureen, garabku naafoobey
Ogaadeenka geeluu lahaa, gibirka loo oodey
Shucuubtaa gu’yaal iyo gu’yaal, cadho guhaadootey
Ee ciilku gaawihi madhnaa, buuxa gabi dhaafshay
Geerida horteed bay ku ridi, maanu garaneyne
Ha gafaba nafluhu waa yaqaan, gabi dhacleyntaase
Ha ku go’aba jeelkii sidii, geesiyaal hore e
Inaan aaski galabtii cid tagin, go’aha yaw sheega
Mingistihi dagaalkaa galee, libin ku geeraarey
Dadweynihii gadoodee xornimo, meel fog laga geeyey
Garanwaa waxay goconayeen, si ay ku gaadhaane
Gacan adag wuxuu beegsadoo, kuman gumaadaaba
Guutooyin Ruushoo hubliyo, gaasas wada heegan
Gun la soo kidheystiyo wuxuu, Kuuba galiyaaba
Haba joogto guul uu dhashiyo, gacan sareynteeda
Car ha gaadho Casmara haduu, kibir nin meel geeyo
Gole shacabku doortiyo haddey, guurti talin weydo
Way sii gadoodaan markaad, ganaf la jiidhaaye
Inaan gumucu aadmiga bedelin, go’aha yaw sheega
Giir weyni iyo xoog hadduu, giijin taladaada
Geeda weynidiisii Amiin, galab ma luudeene
Wuxuu gananaf leeyiyo wuxuu, shacabka guulaaba
Gadaafiyo wuxuu gabadh rag dhalay, xumo u geystaaba
Meel dumarka gaadh laga hayoon, gees la dhuganeynin
Gunba niman u haystaa wixii, gibil madow oo dhan
Maantuu go’doon Carab ku yahay, gacal la’aaneede

Isagaa dalkiisii ganbiyey, gurubsi eedeede
Gurmad iyo in hiil loo galiyo, garab warkii daaye
In gabaahiirtaa uu ku dhiman, go’aha yaw sheega
Intaa gogoldhac waa tusmiyo, guud u hadalkiiye
Ninka gurigii horayaa mid kale, siini waa gacane
Gudaheena hoosiyo balaan, gacalki faalleeyo
Gadhwadeenkii aan taabacniyo, macallinkii geeskan
Waa labaatan guuradi Siyaad, gu’gan la joogaaye
Guul iyo wuxuu libin dhashiyo, horumarkaan gaadhnay
Dhanna gaabiskiyo wiiqmadiyo, dib-u-gurkii muuqday
Labadaa inaan kala gurraa, saw wax gar ah maaha
In qabiilku cudur guuna yahay, go’iyo hooggeena
Googooyey oo shacbigu, meel fog kala geeyey
Gomadaha dabrani waxa xujuray, een la guran weynay
Inuu yahay guntii boogta ee, guuldarrada keentay
Durba garayey geesigu inaan, godad ku aasnaaye
Ha yeeshee go’ii waa madhnaa, iilka loo galaye
Gabashada intuu laba sabaan geedo, madax saarey
Wallee Golihii Sare waa fadhiyey, dhawr gu’ dabadeede
Inay shacabku taa garanayeen, go’aha yaw sheega
Garoomiyo jidkaa wada goglanee, baal walbaba gaadha
Safarkaa la soo gaabiyiyo, galabba meel jooga
Ummadaha sancada heer ka galay, samada loo guuro
Aqoon bay ku gaadheen cilmiga, dhaaxa gaamuraye
Bal inoo geddoodaa hiigsado, shacabkan gurguurta
In tacliinta loo wada guntado, laysu garab yaacye
Guddigii af Soomaaligiyo, guurti taladeeda
Farta guri guddoonkii la qorey, mudane waa guule
Garashada jahliga wiiqeyoon, goyno cidhibtiisa
Gurmad iyo waxaan geedi dheer, gibilka yuuqnaaba
Ololihii miyiga gaadhay iyo, kureyga geel raaca
Ololihi guryaha loogu dhigay, odeyga guurguurta
Gurdan raacii meel fogi ma geyn, galalaftiisiye
Tayadii ma giigsamin sidii, tirada guudkaaye
Ustaadkaan gunnada loo qararay, reerka gelin deeqin
Gabankii sidee wax u baraa, waa ninkaa gubane
Xiisaddii inuu soo galaa, way gabaabsidaye
Shahaadadan ninkii gini hayaa, gadan karaa maanta
Gundhaceedu waa kaadir aan, hawsha garayneyne
Gaasiryaye inuu gudhay cilmigi, go’aha yaw sheeg
Gunta weel haddaan laga unkamin, gadow adkaan waaye
Gobannimiyo ruux gaaja qaba, waa ged kala dheere
Dhaqaaluhu intuu gaabis yahay, guul la hanan waaye
Galley iyo hadhuudh noo go’iyo, geeda midhahooda
Gool dibada loo dhoofiyiyo, giiro wanankeeda
Kalluunkaa baddeenaa gudban, buuxa gudhaeeda
Khayraadkeena gaaxsani inaan, guranno yoolkiise
Gabbal dhaciyo waa bari khudbado, lala galiilyoodey
Gu’yaashaa cusbaa waa isagii, gooha laasimaye
Guubaabadiisiyo hankaa, wadarba loo guuxye
Garri iyo gurbaan iyo ammaan, lagu galaydhyeeye
Guclihii hongow iyo hirkaan, gaadh lahayn shalaye
Garow iyo gasiin noo baxoon, guranna beenowye
Bariis doolar lagu soo gediyo, gini la soo deyntay
Guduudey galbeed laga baryiyo, gacanta loo hoorsho
Dib-u-guurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna
Gadaafooyin dheer baa jiroo, gubaya laabtiiye
Hantideeni guud daakhliga, qaranka soo gaadha
Sharcigii ku gaarraan jiriyo, gaadhyaha eega
Xil u gaar ah ooy gudan karaan, ruuxba garan waaye
Nin waliba godkii uu fadhiyey, gurey intii tiile
Gacan dhaafka goorada sariyo, kaaga yimid guudka
Gunta seed gufeys ugu xidhaa, saw ku guban meysid
Garbo siman dadweynihii ahaa, maanta kala guurye
Markuu qaar gofane naaxay yahay, gaajo qaar godaye
Kuwa gacan togleeyaa markay, war ula guureyni
Inay qaarka goomani arkaan, go’aha yaw sheega
Caafimaad geddiisaba la daa, dhawr gu’yoo tagaye
Cisbitaaladii guudi waa, meel galgalineede
Gurmad iyo alaab loo gadiyo, daawo laga guurye
Laydhkii ka go’an oo biyuhu, galin ma joogaane
Takhtarkii ma soo galo shaqada, goorti loo qoraye
Ninba goob yaroo ganacsata ah, galabtii loo aadye
Marka dibadda qaar gooshayaan, geed markay xigato
Qaar baa sariirtii ku go’ay, guri dhexdiisiiye
Inay gacalka xiga ciil gubteen, go’aha yaw sheega
Geeshkuu abaabulay colkii, guulay dariskoo dhan
Inuu shacabkan googa’an midnimo, goob isugu geeyo
Ciidnakii gu’yaal iyo gu’yaal, loo carbiyey guusha
Gaatan socodka xeel loo gabado, gaadistiyo shiishka
Gurdan raaca gaardiga ruclaha, geeddan socodkooda
Ciidankii Galbeed iyo Sharqiba, tababar loo geeyey
Ciidankii markay geylamaan, fiintu gama diidey
Ciidankii habeen qudha ganbiyey, Xabashi geeshkeedi
Iyo maanta goobtuu habsaday, guuldarrada haysa
Sida loo gabbaanaday nin ogi, ciil gondaha ruugye
Marka geesigii lagu bedelay, guulwadiyo daacad
Garaadaha Islaan laga gurtiyo, eexda kala geysey
Markay qaar garabaha buuxsadeen, gooman badidoode
Tusbax go’ay inuu Geeshkii yahay, go’aha yaw sheega
.Afka beesha layskuma gashee, waad ku gubataaye
Shacabkaa la kala geeyey iyo, gacalka eedoobay
Nabaddii gabaabsidey gayiga, gabi ahaantiisa
Gawaadhidu war guban wadaan, geeri iyo hooge
Afartiisa geesood dalkii, la isku guulaanye
Budhcad yari halkay goosataa, loogu gali waaye
Guuxa Xamar ku jira wuu hayaa, Gaalkacyiyo Bay e
Gadoodkii Woqooyi jirey u gudub, Gediyo Dhoobley e
Dabka gobol ka soo bixi hayaa, gaatan socodkiisa
Inuu Xarunta soo gaadhayaa, go’ah yaw sheega
Qarankaa garwaaxsaday dalkaa, gabi ka laadlaada
Guulamo dhiigliyo anoo garan, wax soo muuqda
Xaggeed galabta aadaa anoo, gama’ lileyn waayey
Gardarrada wuxuu Ina Shabeel, godobta ii taaran
Wuxuu iigu goodinihayaa, iga gab weeyaane
Eedda gaaxsantaa marbay, ganac dillaacdaaye
Godka aad qodeysaa abtoow, gurubsigaa eedda
Gunta hoos u dheeree, ninkii gala u joognee

Nin Ibraahinow geeskan bari, garani xaalkiisa Haddii uu dagaal gacal yidhaa, waw guntiyo xeydan Guuldarriyo inuu ceeb mutaa, waysu garab oole Bal si aan tusaalooyin gara, kuugu gada sheego Goobjoog wixii dhacay ka qorey, geeddi socodkeeni Aan taariikhda guud mare, gabaygan feenfeeno Boqorkii galbeed iyo sharqiba, gaadhay magaciisu Gumeystaha adduunkiyo ninkii, Yurub la guureeyey Googoynti Barliin ninkii, gobolki loo daayey Rabbi baan gaboobine ninkii, boqol gu’ noolaadey Galabtuu cadhoodaa ninkay, Xabashi guulaantay Gabla loo sujuudiyo waxay, rag u gurguurtaanba Ninkuu gacanta saaraa waxay, guul u noqotaaba Nabsi guradka kibir geedankiyo, geeda sare fuulka Garta eexo waa wixi Mansiga, gaday duqoodiiye Eritriya inay gaar tihiyo, gobanimow diidki Oromadi garaac iyo karbaash, gibil madoobaatay Qotidii waxay badar gureen, garabku naafoobey Ogaadeenka geeluu lahaa, gibirka loo oodey Shucuubtaa gu’yaal iyo gu’yaal, cadho guhaadootey Ee ciilku gaawihi madhnaa, buuxa gabi dhaafshay Geerida horteed bay ku ridi, maanu garaneyne Ha gafaba nafluhu waa yaqaan, gabi dhacleyntaase Ha ku go’aba jeelkii sidii, geesiyaal hore e Inaan aaski galabtii cid tagin, go’aha yaw sheega Mingistihi dagaalkaa galee, libin ku geeraarey Dadweynihii gadoodee xornimo, meel fog laga geeyey Garanwaa waxay goconayeen, si ay ku gaadhaane Gacan adag wuxuu beegsadoo, kuman gumaadaaba Guutooyin Ruushoo hubliyo, gaasas wada heegan Gun la soo kidheystiyo wuxuu, Kuuba galiyaaba Haba joogto guul uu dhashiyo, gacan sareynteeda Car ha gaadho Casmara haduu, kibir nin meel geeyo Gole shacabku doortiyo haddey, guurti talin weydo Way sii gadoodaan markaad, ganaf la jiidhaaye Inaan gumucu aadmiga bedelin, go’aha yaw sheega Giir weyni iyo xoog hadduu, giijin taladaada Geeda weynidiisii Amiin, galab ma luudeene Wuxuu gananaf leeyiyo wuxuu, shacabka guulaaba Gadaafiyo wuxuu gabadh rag dhalay, xumo u geystaaba Meel dumarka gaadh laga hayoon, gees la dhuganeynin Gunba niman u haystaa wixii, gibil madow oo dhan Maantuu go’doon Carab ku yahay, gacal la’aaneede Isagaa dalkiisii ganbiyey, gurubsi eedeede Gurmad iyo in hiil loo galiyo, garab warkii daaye In gabaahiirtaa uu ku dhiman, go’aha yaw sheega Intaa gogoldhac waa tusmiyo, guud u hadalkiiye Ninka gurigii horayaa mid kale, siini waa gacane Gudaheena hoosiyo balaan, gacalki faalleeyo Gadhwadeenkii aan taabacniyo, macallinkii geeskan Waa labaatan guuradi Siyaad, gu’gan la joogaaye Guul iyo wuxuu libin dhashiyo, horumarkaan gaadhnay Dhanna gaabiskiyo wiiqmadiyo, dib-u-gurkii muuqday Labadaa inaan kala gurraa, saw wax gar ah maaha In qabiilku cudur guuna yahay, go’iyo hooggeena Googooyey oo shacbigu, meel fog kala geeyey Gomadaha dabrani waxa xujuray, een la guran weynay Inuu yahay guntii boogta ee, guuldarrada keentay Durba garayey geesigu inaan, godad ku aasnaaye Ha yeeshee go’ii waa madhnaa, iilka loo galaye Gabashada intuu laba sabaan geedo, madax saarey Wallee Golihii Sare waa fadhiyey, dhawr gu’ dabadeede Inay shacabku taa garanayeen, go’aha yaw sheega Garoomiyo jidkaa wada goglanee, baal walbaba gaadha Safarkaa la soo gaabiyiyo, galabba meel jooga Ummadaha sancada heer ka galay, samada loo guuro Aqoon bay ku gaadheen cilmiga, dhaaxa gaamuraye Bal inoo geddoodaa hiigsado, shacabkan gurguurta In tacliinta loo wada guntado, laysu garab yaacye Guddigii af Soomaaligiyo, guurti taladeeda Farta guri guddoonkii la qorey, mudane waa guule Garashada jahliga wiiqeyoon, goyno cidhibtiisa Gurmad iyo waxaan geedi dheer, gibilka yuuqnaaba Ololihii miyiga gaadhay iyo, kureyga geel raaca Ololihi guryaha loogu dhigay, odeyga guurguurta Gurdan raacii meel fogi ma geyn, galalaftiisiye Tayadii ma giigsamin sidii, tirada guudkaaye Ustaadkaan gunnada loo qararay, reerka gelin deeqin Gabankii sidee wax u baraa, waa ninkaa gubane Xiisaddii inuu soo galaa, way gabaabsidaye Shahaadadan ninkii gini hayaa, gadan karaa maanta Gundhaceedu waa kaadir aan, hawsha garayneyne Gaasiryaye inuu gudhay cilmigi, go’aha yaw sheeg Gunta weel haddaan laga unkamin, gadow adkaan waaye Gobannimiyo ruux gaaja qaba, waa ged kala dheere Dhaqaaluhu intuu gaabis yahay, guul la hanan waaye Galley iyo hadhuudh noo go’iyo, geeda midhahooda Gool dibada loo dhoofiyiyo, giiro wanankeeda Kalluunkaa baddeenaa gudban, buuxa gudhaeeda Khayraadkeena gaaxsani inaan, guranno yoolkiise Gabbal dhaciyo waa bari khudbado, lala galiilyoodey Gu’yaashaa cusbaa waa isagii, gooha laasimaye Guubaabadiisiyo hankaa, wadarba loo guuxye Garri iyo gurbaan iyo ammaan, lagu galaydhyeeye Guclihii hongow iyo hirkaan, gaadh lahayn shalaye Garow iyo gasiin noo baxoon, guranna beenowye Bariis doolar lagu soo gediyo, gini la soo deyntay Guduudey galbeed laga baryiyo, gacanta loo hoorsho Dib-u-guurka dhacay ceebahaa, saaran guradeenna Gadaafooyin dheer baa jiroo, gubaya laabtiiye Hantideeni guud daakhliga, qaranka soo gaadha Sharcigii ku gaarraan jiriyo, gaadhyaha eega Xil u gaar ah ooy gudan karaan, ruuxba garan waaye Nin waliba godkii uu fadhiyey, gurey intii tiile Gacan dhaafka goorada sariyo, kaaga yimid guudka Gunta seed gufeys ugu xidhaa, saw ku guban meysid Garbo siman dadweynihii ahaa, maanta kala guurye Markuu qaar gofane naaxay yahay, gaajo qaar godaye Kuwa gacan togleeyaa markay, war ula guureyni Inay qaarka goomani arkaan, go’aha yaw sheega Caafimaad geddiisaba la daa, dhawr gu’yoo tagaye Cisbitaaladii guudi waa, meel galgalineede Gurmad iyo alaab loo gadiyo, daawo laga guurye Laydhkii ka go’an oo biyuhu, galin ma joogaane Takhtarkii ma soo galo shaqada, goorti loo qoraye Ninba goob yaroo ganacsata ah, galabtii loo aadye Marka dibadda qaar gooshayaan, geed markay xigato Qaar baa sariirtii ku go’ay, guri dhexdiisiiye Inay gacalka xiga ciil gubteen, go’aha yaw sheega Geeshkuu abaabulay colkii, guulay dariskoo dhan Inuu shacabkan googa’an midnimo, goob isugu geeyo Ciidnakii gu’yaal iyo gu’yaal, loo carbiyey guusha Gaatan socodka xeel loo gabado, gaadistiyo shiishka Gurdan raaca gaardiga ruclaha, geeddan socodkooda Ciidankii Galbeed iyo Sharqiba, tababar loo geeyey Ciidankii markay geylamaan, fiintu gama diidey Ciidankii habeen qudha ganbiyey, Xabashi geeshkeedi Iyo maanta goobtuu habsaday, guuldarrada haysa Sida loo gabbaanaday nin ogi, ciil gondaha ruugye Marka geesigii lagu bedelay, guulwadiyo daacad Garaadaha Islaan laga gurtiyo, eexda kala geysey Markay qaar garabaha buuxsadeen, gooman badidoode Tusbax go’ay inuu Geeshkii yahay, go’aha yaw sheega .Afka beesha layskuma gashee, waad ku gubataaye Shacabkaa la kala geeyey iyo, gacalka eedoobay Nabaddii gabaabsidey gayiga, gabi ahaantiisa Gawaadhidu war guban wadaan, geeri iyo hooge Afartiisa geesood dalkii, la isku guulaanye Budhcad yari halkay goosataa, loogu gali waaye Guuxa Xamar ku jira wuu hayaa, Gaalkacyiyo Bay e Gadoodkii Woqooyi jirey u gudub, Gediyo Dhoobley e Dabka gobol ka soo bixi hayaa, gaatan socodkiisa Inuu Xarunta soo gaadhayaa, go’ah yaw sheega Qarankaa garwaaxsaday dalkaa, gabi ka laadlaada Guulamo dhiigliyo anoo garan, wax soo muuqda Xaggeed galabta aadaa anoo, gama’ lileyn waayey Gardarrada wuxuu Ina Shabeel, godobta ii taaran Wuxuu iigu goodinihayaa, iga gab weeyaane Eedda gaaxsantaa marbay, ganac dillaacdaaye Godka aad qodeysaa abtoow, gurubsigaa eedda Gunta hoos u dheeree, ninkii gala u joognee

Raadi