Garaad-Daran

Garaad-daran naftaydaay!
Geeri iyo nololeey!
Guluf lagu negaadaay!
Gabno laga dhergaayeey!
Gabbal dumay habeenoo
Hadh gadiidan yahayeey!
Lammaan aan is-geyinoo
Guri qudh ah u hooydaay!
Googgaada xaajada
Gaaxdeedu waxay tahay,
Maan garan xogtaadee,
Maxaad uga gol leedahay?

Ma wax gaar ah baad too
Goonidiisa jira oo
Garab aan u baahnayn?
Mise gobol dad-weynaha
Ka go'aynnin baad tahay?
Maadigaa ah Gaarriye?
Mise laba gudboonoo
Is-geleynin baad tiin?
Gurrac-loo-abuuryeey,
Bal geddaada ii sheeg.
Garaad-daran naftaydaay!
Gurey iyo cadceedaha
Isku gedo miyaad tiin?
Gacal miyaad wadaagtaan?
Bal Giriig warkiisiyo
Guutadii Fircoon iyo
Waxa boqor la gawracay,
Ama aad gariir iyo
Guri ba'ay u taagnayd,
Googoos u mariyoo;
Giddi waaxyahaygiyo
U galaydh xubnaha oo;
Midba gees u taagoo
Ka gur sheekadoodoo;
Malaayiin gu' oo tegey
Ku dheh gebaggebeeyoo;
Geeddigoodi dheeraa
Mid kastaa guduudiga,
Halkay galabba joogtiyo
Goorteey kulmeenee
Gaarriye sameeyeen,
Godolkeeda ii mari.
Garaad-daran naftaydaay!
Sida gacanka Waaheen
Hadba gaaf-wareegaay!
Arrin aad gorfeysiyo
Waxaad shalay u guuxdaad,
Maantana ka giigtaa
Gol-daloolo yeeshee;
Miyaad dhalan-geddoontoo
Dib bay kuu gardaadsheen?
Ma runtaa gaboowdoo
Geedkeedu waareyn?
Guul-darradu dhankay tahay?
Guud ahaan waxaad tahay
Dadku kugu go'doonyoo
Isla waa go'aanoo,
Mid baad geesi adagoo
Gabbanayn la tahayoo;
Maan-gaab lumaayiyo
Mid baa ceel ganuuniyo
Kuu haysta gocoroo;
Mid baa kugu goblama oo
Gurxankiisu damihayn
Haddii saxar ku gaadhoo;
Gaadaa wax boobiyo
Mid baad good la tahayoo;
Mid baad garab laxaadliyo
Ruux guda abaaloo,
Loo galo wanaag iyo
Gaashaan la tahayoo;
Garaadlaay xogtaadii
Cidi gaadhi waydee
Dadkan kugu gabaabsiyey
Kumaa helay guntaadoo
Gacan-qaad la siiyaa?
Miyey gabi habaabeen?
Maadigaa wax gabayoo
Hadba geed is-mariyoo,
Goobba midab la joogoo
Gallibaxa habeenkii?
Garaad-daran naftaydaay!
In kastoon gucleeyoo,
Garmaamada haldhaagiyo
Gammaankaba ka jiitoo
Cirka sare galaa-baxo,
Adigay la gooshoo
Iga gaabinaynoo,
Goobtaan is-taagaba
Adigaa galluubane,
Ma gashaygu baaqdoo
Lagu yidhi ka soo goo?
Mise gaari inan oo
Guur-u-meer ah baad tahay?
Maxaad gama' u diiddee
Iga daba-gureysaa?
Dambiyaal waxaan galo
Ama geysto fool-xumo,
Gabigoodba ceebaha
Aan gaar u leeyahay,
In kastoon is-giijoo
Weji kale gashada oo
Dadka been ku gaasiro,
Adigaa giraanoo
Gunta iimahaygoo,
Hoos ii guhaadshee;
Godobtiyo xumaantada
Inaad tahay ninkeed-gaba,
Maxaad iigu garataa?

Garaad-daran naftaydaay!
Gumaysaad ku nooshoo
Dadkaa kugu garaacdoo,
Guddoonkooda mooyee
Kaa gareysan maayaan
Waxad adigu goysee;
Maad galabsan hawlaha
Kugu gaardiyaayee,
Galbiskii adoogaa
Goco oo ilmeeyoo,
Hooyadaa u goohoo
Galabtay ku dihatiyo
Eerso uur-galkaagii

Garaad-daran naftaydaay! Geeri iyo nololeey! Guluf lagu negaadaay! Gabno laga dhergaayeey! Gabbal dumay habeenoo Hadh gadiidan yahayeey! Lammaan aan is-geyinoo Guri qudh ah u hooydaay! Googgaada xaajada Gaaxdeedu waxay tahay, Maan garan xogtaadee, Maxaad uga gol leedahay? Ma wax gaar ah baad too Goonidiisa jira oo Garab aan u baahnayn? Mise gobol dad-weynaha Ka go'aynnin baad tahay? Maadigaa ah Gaarriye? Mise laba gudboonoo Is-geleynin baad tiin? Gurrac-loo-abuuryeey, Bal geddaada ii sheeg. Garaad-daran naftaydaay! Gurey iyo cadceedaha Isku gedo miyaad tiin? Gacal miyaad wadaagtaan? Bal Giriig warkiisiyo Guutadii Fircoon iyo Waxa boqor la gawracay, Ama aad gariir iyo Guri ba'ay u taagnayd, Googoos u mariyoo; Giddi waaxyahaygiyo U galaydh xubnaha oo; Midba gees u taagoo Ka gur sheekadoodoo; Malaayiin gu' oo tegey Ku dheh gebaggebeeyoo; Geeddigoodi dheeraa Mid kastaa guduudiga, Halkay galabba joogtiyo Goorteey kulmeenee Gaarriye sameeyeen, Godolkeeda ii mari. Garaad-daran naftaydaay! Sida gacanka Waaheen Hadba gaaf-wareegaay! Arrin aad gorfeysiyo Waxaad shalay u guuxdaad, Maantana ka giigtaa Gol-daloolo yeeshee; Miyaad dhalan-geddoontoo Dib bay kuu gardaadsheen? Ma runtaa gaboowdoo Geedkeedu waareyn? Guul-darradu dhankay tahay? Guud ahaan waxaad tahay Dadku kugu go'doonyoo Isla waa go'aanoo, Mid baad geesi adagoo Gabbanayn la tahayoo; Maan-gaab lumaayiyo Mid baa ceel ganuuniyo Kuu haysta gocoroo; Mid baa kugu goblama oo Gurxankiisu damihayn Haddii saxar ku gaadhoo; Gaadaa wax boobiyo Mid baad good la tahayoo; Mid baad garab laxaadliyo Ruux guda abaaloo, Loo galo wanaag iyo Gaashaan la tahayoo; Garaadlaay xogtaadii Cidi gaadhi waydee Dadkan kugu gabaabsiyey Kumaa helay guntaadoo Gacan-qaad la siiyaa? Miyey gabi habaabeen? Maadigaa wax gabayoo Hadba geed is-mariyoo, Goobba midab la joogoo Gallibaxa habeenkii? Garaad-daran naftaydaay! In kastoon gucleeyoo, Garmaamada haldhaagiyo Gammaankaba ka jiitoo Cirka sare galaa-baxo, Adigay la gooshoo Iga gaabinaynoo, Goobtaan is-taagaba Adigaa galluubane, Ma gashaygu baaqdoo Lagu yidhi ka soo goo? Mise gaari inan oo Guur-u-meer ah baad tahay? Maxaad gama' u diiddee Iga daba-gureysaa? Dambiyaal waxaan galo Ama geysto fool-xumo, Gabigoodba ceebaha Aan gaar u leeyahay, In kastoon is-giijoo Weji kale gashada oo Dadka been ku gaasiro, Adigaa giraanoo Gunta iimahaygoo, Hoos ii guhaadshee; Godobtiyo xumaantada Inaad tahay ninkeed-gaba, Maxaad iigu garataa? Garaad-daran naftaydaay! Gumaysaad ku nooshoo Dadkaa kugu garaacdoo, Guddoonkooda mooyee Kaa gareysan maayaan Waxad adigu goysee; Maad galabsan hawlaha Kugu gaardiyaayee, Galbiskii adoogaa Goco oo ilmeeyoo, Hooyadaa u goohoo Galabtay ku dihatiyo Eerso uur-galkaagii

Raadi