Galiilyo

Ifkay gogoshiisu hawl tay
Ogow galab noolba waa shil.
Ma oge taladii u goostay
Ma oga gurigay furayso
Galiilyada moog dambaysa.

Naftana hunguraa gadh qaada
Cakuye damacaa ku guura,
Haddana godobtiyo lurkeeda
Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
Ogow garashaa u qoollan.

Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baajo
Ishaa gibidheed ma daaho
Qofnaba gabbalkii ma waaro
Wax aan hubo geeri kow dheh.

Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
War geediya oo i qooma
Geddaafo wacaal xambaarsan
Dhegtaydu maxay guddoontay?
Intaan tebay gaan la waayey
Maxaan murugada la goohay
Barbaartii iga gablooshay
Kuwaan guruxyada u beelay?
Markaan godobtooda raadshay
Gunaadiyo ciil gadhoodhay
Miyaan gocashada ku qoomay?

Bad gawliyo gacanka xeebta
Miyaan gooddiyey guhaadshay
Gartayda miyaan bilaabay?

‘Haddaad maxastayda gawrac
Badyahay kaga gooban weyday
Inaad bir ma geydadayda
Sidaa u gashaa gar maaha.
Alleylehe waad gumowday!
Geshaan kugu leeyey qaana
Gar qaado ha soo gignaane
Ilaah naaraha ku geeye
Adaa gadhmadoobahayga
Haweenkiyo gaaridayda
Ku gaasira meel go’doon ah.

Gudhoo galabtaba abaadso
Biyuhu gororoo ku gawdhshe
Gawaan noqo meel garoon ah
Dhul geeddigu galab carraabo.’

Intay guuxday gigleysay
Hirkiyo doobtay garaacday
Waxay tidhi ‘Guurowgaagu
Gefiyo waa igu geddaafo
Ma geyo godobtaad i saartay
Aweytida aad ganayso
Miyaan galabsaday? Bal kaadso!

Adoo geyigaagu liito
Hadduu sahankaagu gaabsho
Hadduu samirkaagu guuro
Qaneecaadkuna gabnoobo
Quustoo kugu geylamaysa
Garaad hirilaa ka seexdo
Miyaan geerida shinkeeda
Horteed geedigu ku geynin?

Hablaha guday ee tahriibay
Hir gaatamayaa idleeyey
Geed ay cuskadaanna waayey
Markii gacal baajin waayey
Shariidku miyuu gasiintay?

Intuu saxaruhu go’doonshay
Halyey lagu giirtay fiicni
Intee xabsi lagu gumeeyey
Gashaantimo wada Quraysh ah
Intee guuleed tisqaaday
Raqdiisii haad ku goohay
Dhashii guuluhu ku siiyey
Dugaagu muxuu ku guusay?

Markuu huudhigu geddoomay
Markay goglanayd barbaartu
Kalluunku miyuu galiilyo
Ilmada ciil gabbax ka siiyey?
Tiiyoo xeebaha goshooda
Meydkeenii galangalcoobay
Miyaad garan weyday? Kaadso!

Xasuuqa tahriibku geysto
Gummaadiyo geeri foolxun
Hooyooyinka weerka goostay
Shilkani kugu gaaf wareegay
Waxuun baa laga guntaaye.
Miyeydaan kaba gaboobin?

Gu’goo da’ay oo gadooday
Gudgude soo galab-carraabay
Markay galawgiyo jugleydu
Ka yuusaan gelida kaynta
Miyaan garashadu dhigaynin
Dasada gibillada ku giiji?

Geel iyo geesley lo’daada
Halkii gelmi iyo dugaag le
Gelgelin gawsaha hungaysa
Miyaan garashadu dhigaynin
Inaad waaberi ka guurto?

Adoo gurigaagi iibshay
Haddaad gabankiina weydo
Adoo geboggebo u yaala
Haddaad dhiillada guddoonto
Wedkaad gini siisataaye
Haddaad geerida la jaarto
Hadduu maalkaagu gooyo
Intuu aadmigu ka giigay
Kolay waa galabsigaaye!
Maxaad gocashada ka toosin?’

Garwaaqsaday inan taraaray
Guddoon xaal idhi bal qaado.

Sareedadu may guddeene
Barbaartuna may go’deene
Badweyn iskuma gureene.
Xil baan gubin kaad u dhiibtay
Xal muu garan aayatiinle
Xaq muu gudin aad sugaysay
Halkaad u golleyd ma geynin
Hayaankiyo geedigaaga
Guubaabana wuu ka seexday
Inuu galab nool tibaaxo.

Guulguulka naftaa ku oogan
Dhallaankani sii gurmaaya
Hankaa laga wada gumaystay
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu aadmigu u guuray
Rajada gibil baa ka saaran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahay baa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabaggabaysay.

Qof baad tahay guul abuura
Qof baad tahay guri yagleela
Qof baad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo is keena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaaggixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
Dalkaagan kama go’aysid
Galbeed Yurub kuuma yeedhin
Giriigguna kuuma baahna
Gob baad tahay moog inteeda.
Adiga geyigaagu waa kan.
Gargaara faray ka hoogtay.

Ku eeg gabargaal hortaada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhallaan baa kugu gedaaman
Gidaarrada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xil baa guudkaaga saaran
Ka weyn goosoo dhaqaaji.

Ha Derderin Carrada!
Haw dayrin naftayda!
Hay dhigin daleel nacab!
Duufaan jacayl iyo
Wahsi haygu dayrin!
Duulkaan la habaabiyo
Da'day hayga reebine!
Oo doqonka reeride,
Nabsi hayga doonnine!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Doofaarka ficil li'i baa
Dabka loogu ridayaa,
Daa'imo carruurtuna
Inay ficilka garatee,
Aniguna ku doortoo
Kuma dayn karaayee,
Nacas duunyo haystiyo
Qoqon hayga raacine!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Aniguba daraaddaa
Dibedaha wareegoo,
Dadku wayla yaabuu
Doqon ii maleeyee,
Qalbigii ku doortaa
Nabarkii damqanayaa,
Dumar haygu noqonnine,
Waa in aad dadaashaa!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Ifkay gogoshiisu hawl tay Ogow galab noolba waa shil. Ma oge taladii u goostay Ma oga gurigay furayso Galiilyada moog dambaysa. Naftana hunguraa gadh qaada Cakuye damacaa ku guura, Haddana godobtiyo lurkeeda Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda Ogow garashaa u qoollan. Wedkana gamaskii ma iisho Gaashaan celiyaa ma baajo Ishaa gibidheed ma daaho Qofnaba gabbalkii ma waaro Wax aan hubo geeri kow dheh. Taniyo anigoo gurguurta Ilaa maantoo gadh leeyey War geediya oo i qooma Geddaafo wacaal xambaarsan Dhegtaydu maxay guddoontay? Intaan tebay gaan la waayey Maxaan murugada la goohay Barbaartii iga gablooshay Kuwaan guruxyada u beelay? Markaan godobtooda raadshay Gunaadiyo ciil gadhoodhay Miyaan gocashada ku qoomay? Bad gawliyo gacanka xeebta Miyaan gooddiyey guhaadshay Gartayda miyaan bilaabay? ‘Haddaad maxastayda gawrac Badyahay kaga gooban weyday Inaad bir ma geydadayda Sidaa u gashaa gar maaha. Alleylehe waad gumowday! Geshaan kugu leeyey qaana Gar qaado ha soo gignaane Ilaah naaraha ku geeye Adaa gadhmadoobahayga Haweenkiyo gaaridayda Ku gaasira meel go’doon ah. Gudhoo galabtaba abaadso Biyuhu gororoo ku gawdhshe Gawaan noqo meel garoon ah Dhul geeddigu galab carraabo.’ Intay guuxday gigleysay Hirkiyo doobtay garaacday Waxay tidhi ‘Guurowgaagu Gefiyo waa igu geddaafo Ma geyo godobtaad i saartay Aweytida aad ganayso Miyaan galabsaday? Bal kaadso! Adoo geyigaagu liito Hadduu sahankaagu gaabsho Hadduu samirkaagu guuro Qaneecaadkuna gabnoobo Quustoo kugu geylamaysa Garaad hirilaa ka seexdo Miyaan geerida shinkeeda Horteed geedigu ku geynin? Hablaha guday ee tahriibay Hir gaatamayaa idleeyey Geed ay cuskadaanna waayey Markii gacal baajin waayey Shariidku miyuu gasiintay? Intuu saxaruhu go’doonshay Halyey lagu giirtay fiicni Intee xabsi lagu gumeeyey Gashaantimo wada Quraysh ah Intee guuleed tisqaaday Raqdiisii haad ku goohay Dhashii guuluhu ku siiyey Dugaagu muxuu ku guusay? Markuu huudhigu geddoomay Markay goglanayd barbaartu Kalluunku miyuu galiilyo Ilmada ciil gabbax ka siiyey? Tiiyoo xeebaha goshooda Meydkeenii galangalcoobay Miyaad garan weyday? Kaadso! Xasuuqa tahriibku geysto Gummaadiyo geeri foolxun Hooyooyinka weerka goostay Shilkani kugu gaaf wareegay Waxuun baa laga guntaaye. Miyeydaan kaba gaboobin? Gu’goo da’ay oo gadooday Gudgude soo galab-carraabay Markay galawgiyo jugleydu Ka yuusaan gelida kaynta Miyaan garashadu dhigaynin Dasada gibillada ku giiji? Geel iyo geesley lo’daada Halkii gelmi iyo dugaag le Gelgelin gawsaha hungaysa Miyaan garashadu dhigaynin Inaad waaberi ka guurto? Adoo gurigaagi iibshay Haddaad gabankiina weydo Adoo geboggebo u yaala Haddaad dhiillada guddoonto Wedkaad gini siisataaye Haddaad geerida la jaarto Hadduu maalkaagu gooyo Intuu aadmigu ka giigay Kolay waa galabsigaaye! Maxaad gocashada ka toosin?’ Garwaaqsaday inan taraaray Guddoon xaal idhi bal qaado. Sareedadu may guddeene Barbaartuna may go’deene Badweyn iskuma gureene. Xil baan gubin kaad u dhiibtay Xal muu garan aayatiinle Xaq muu gudin aad sugaysay Halkaad u golleyd ma geynin Hayaankiyo geedigaaga Guubaabana wuu ka seexday Inuu galab nool tibaaxo. Guulguulka naftaa ku oogan Dhallaankani sii gurmaaya Hankaa laga wada gumaystay Buug guunaa yidhi ma gaadhid Halkuu aadmigu u guuray Rajada gibil baa ka saaran Runtana waa laga go’doonshay Gabnaad tahay baa asqaysay Gufaacaa lagu faruuray Kalsoonida gabaggabaysay. Qof baad tahay guul abuura Qof baad tahay guri yagleela Qof baad tahay gaar ahaantaa Ku gaajo baxoo is keena Gankaa kuma dheera caaro Aqoontaaduna ma gaabna Ma gaaggixin aayahaagu Dadkaaguna kuma giriifin Dalkaagan kama go’aysid Galbeed Yurub kuuma yeedhin Giriigguna kuuma baahna Gob baad tahay moog inteeda. Adiga geyigaagu waa kan. Gargaara faray ka hoogtay. Ku eeg gabargaal hortaada U fiirso bal goonyahaaga Gadaashaadana bal dheeho Dhallaan baa kugu gedaaman Gidaarrada dhaxanta jiifa Garaadkaagaa u hiila Qabyaa kugu gaafwareegsan Hortaa aan cidi gufaynin Xil baa guudkaaga saaran Ka weyn goosoo dhaqaaji. Ha Derderin Carrada! Haw dayrin naftayda! Hay dhigin daleel nacab! Duufaan jacayl iyo Wahsi haygu dayrin! Duulkaan la habaabiyo Da'day hayga reebine! Oo doqonka reeride, Nabsi hayga doonnine! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee. Doofaarka ficil li'i baa Dabka loogu ridayaa, Daa'imo carruurtuna Inay ficilka garatee, Aniguna ku doortoo Kuma dayn karaayee, Nacas duunyo haystiyo Qoqon hayga raacine! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee. Aniguba daraaddaa Dibedaha wareegoo, Dadku wayla yaabuu Doqon ii maleeyee, Qalbigii ku doortaa Nabarkii damqanayaa, Dumar haygu noqonnine, Waa in aad dadaashaa! Ha derderin carrada, ha duulin! Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog! Dalka lama nebcaadee, Dibedaha lamaba jeclaadee.

Raadi