Deelayada Maansada

Deelayada maansada marbaa lagu danbaabaaye
Marna waa dariiq toosan iyo dib u heshiisiine
Marna waa dagaal oo waxbaa lagu difaacaaye
Marna waa dan kuu gaar ah iyo nin iyo dookhiiye
Dareenkayga gabay maanta waa dib u heshiisiine

Duruufaha aduunkiyo wakhtitigu dan iyo yeelkoode
Qalbigeenii daxalaystay iyo damacii dheeraaday
Darbigii u dhaxayn jiray ninkii dumiyey oo laaday
Oo nabada noo doorbidoo Daa'in garansiiyey
Dadku uma sinee ruugcadaha doorka ka ciyaaray
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaantu
Ma dafiri karaan liidarrada dib u heshiisiinta

DAroogiyo qabyaaladi ka daran furuq iyo daacuune
Dagaalada sokeeyuhuna waa dabar-go'eeniiye
Dalkayaga burburay iyo fakhriga dawlada asiibay
Degaanada nabaad-guuray iyo dahabka maaroobay
Dilka aan ujeedada lahayn iyo deriska eedoobay
Denbi nimaan lahayn oo sidii deero lagu tuujo
Maatadiyo dumarkiyo ilmaha cadowga loo daadshay
Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge
Danqashaduba waa gobonimee dan u walaalooba
Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta

Intii diir madoow baa qabiil loogu daw galaye
Dalkoo nabad ah diin lagu dhaqmiyo deris walaalooba
Oo kala danbayntiyo amniga dhidibka loo duugo
Oo danaha qarankiyo la sugo dawladnimadeena
Oon daadah iyo daadah nahay ul iyo diikreeda ah
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib-u-heshiisiine
Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta

Daruur hoortay daad soo rogmaday tog iyo dooxooyin
Oo doogga baarka leh xareed dacalka loo saaray
Oo deris biyood waa rahee dananayoo reemay
Oo daaqu meeshu ku yaal damacday laabtaadu
Oo haadka keymaha dugsaday hoos u degi waayey
Oo deeradiyo cawshu fadal dib igu soo tuurtay
Oo aan dugaag lagu ogayn dacawo mooyaane
Oo aan sebaankii la degin gu'iyo deyrtiisa
Oo ubaxa dabayluhu ruxeen udug na deeqsiiyey
Oo sahanku doorbiday inuu awrta kaga daadsho
Oo daaqsin iyo saacd leh udubka loo duugay
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta

Cirkoo da'aya oo meel dalsan ah Daa'in ku abaaray
Oo sagalku daafaha ka xidhay dirirka roobeeyey
Oo seemaweydiyo dihin logu dul joogteeyay
Oo dhibicdu danab iyo lahayn jac iyo duufaane
Oo karartu darandoorisee datrey raadkeeda
Oo kii hore u da'ay nimcadu dulundulcaynayso
Oo dlagau noo soo baxayoo darar la maalaayo
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta

Duqoowdiyo wax-garadkoow fursadan dahabiga ah qaata
Madaxdaanu soo dooranayoow shacabka daaweeya
Aqoonyahankii lagu daalayoow daynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega
Dadweynihiyo shacabkooy ayida dib u heshiisiinta
Dumarka iyo caruurtoow qalbiga nabad ka doondoona
Jabhada dagaalamahayoow damiya baaruudda
Deegaamada cadaawoobayoow dib u walaalooba
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye
Tixduu calanka ugu deeqay iyo dib u heshiisiinta
Iyo daacadnimaday nafluhu ugu duceeyaane
Denbi dhaaf Allaha siiyo iyo darajo dheeraad ah
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
Inuu door ka galay baan hubaa doqoni waa mooge

Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan kusoo duubay
Diirkiyo afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka
Iyo diir madoow baan dhamaan dib u wadaagnaaye
Anigaa diraaseeyay ooo dabin ku howlaaye
Hiddiyo deelkii duul wada dhashoo diriray weeyaane

Deelayada maansada marbaa lagu danbaabaaye Marna waa dariiq toosan iyo dib u heshiisiine Marna waa dagaal oo waxbaa lagu difaacaaye Marna waa dan kuu gaar ah iyo nin iyo dookhiiye Dareenkayga gabay maanta waa dib u heshiisiine Duruufaha aduunkiyo wakhtitigu dan iyo yeelkoode Qalbigeenii daxalaystay iyo damacii dheeraaday Darbigii u dhaxayn jiray ninkii dumiyey oo laaday Oo nabada noo doorbidoo Daa'in garansiiyey Dadku uma sinee ruugcadaha doorka ka ciyaaray Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaantu Ma dafiri karaan liidarrada dib u heshiisiinta DAroogiyo qabyaaladi ka daran furuq iyo daacuune Dagaalada sokeeyuhuna waa dabar-go'eeniiye Dalkayaga burburay iyo fakhriga dawlada asiibay Degaanada nabaad-guuray iyo dahabka maaroobay Dilka aan ujeedada lahayn iyo deriska eedoobay Denbi nimaan lahayn oo sidii deero lagu tuujo Maatadiyo dumarkiyo ilmaha cadowga loo daadshay Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge Danqashaduba waa gobonimee dan u walaalooba Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta Intii diir madoow baa qabiil loogu daw galaye Dalkoo nabad ah diin lagu dhaqmiyo deris walaalooba Oo kala danbayntiyo amniga dhidibka loo duugo Oo danaha qarankiyo la sugo dawladnimadeena Oon daadah iyo daadah nahay ul iyo diikreeda ah Iyo waxay nafluhu doonayaan dib-u-heshiisiine Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta Daruur hoortay daad soo rogmaday tog iyo dooxooyin Oo doogga baarka leh xareed dacalka loo saaray Oo deris biyood waa rahee dananayoo reemay Oo daaqu meeshu ku yaal damacday laabtaadu Oo haadka keymaha dugsaday hoos u degi waayey Oo deeradiyo cawshu fadal dib igu soo tuurtay Oo aan dugaag lagu ogayn dacawo mooyaane Oo aan sebaankii la degin gu'iyo deyrtiisa Oo ubaxa dabayluhu ruxeen udug na deeqsiiyey Oo sahanku doorbiday inuu awrta kaga daadsho Oo daaqsin iyo saacd leh udubka loo duugay Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine Fursad dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta Cirkoo da'aya oo meel dalsan ah Daa'in ku abaaray Oo sagalku daafaha ka xidhay dirirka roobeeyey Oo seemaweydiyo dihin logu dul joogteeyay Oo dhibicdu danab iyo lahayn jac iyo duufaane Oo karartu darandoorisee datrey raadkeeda Oo kii hore u da'ay nimcadu dulundulcaynayso Oo dlagau noo soo baxayoo darar la maalaayo Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine Duf-kubaxa dheh kuwa diidanoow dib u heshiinta Duqoowdiyo wax-garadkoow fursadan dahabiga ah qaata Madaxdaanu soo dooranayoow shacabka daaweeya Aqoonyahankii lagu daalayoow daynta soo celiya Culimada dariiqooyinkoow daacad wax u sheega Dadweynihiyo shacabkooy ayida dib u heshiisiinta Dumarka iyo caruurtoow qalbiga nabad ka doondoona Jabhada dagaalamahayoow damiya baaruudda Deegaamada cadaawoobayoow dib u walaalooba Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye Tixduu calanka ugu deeqay iyo dib u heshiisiinta Iyo daacadnimaday nafluhu ugu duceeyaane Denbi dhaaf Allaha siiyo iyo darajo dheeraad ah Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta Inuu door ka galay baan hubaa doqoni waa mooge Waxba hadalku yuu ila durkine waxaan kusoo duubay Diirkiyo afkiyo diinta iyo dhaqanka deegaanka Iyo diir madoow baan dhamaan dib u wadaagnaaye Anigaa diraaseeyay ooo dabin ku howlaaye Hiddiyo deelkii duul wada dhashoo diriray weeyaane

Raadi