Bakeyle

Adigaa Bakeyloow
Baqe geed ku dhuuntoo
Naf la baydadaayee
Baarruudan qarraxdaan
Beerka u dhigaayoon
Wed ku beegso leeyahay
Bi’iwaaye ma ogtahay
Burkii aad galeysaa
Cadaawahu u bu’ayaa
Boqorkii ugaadhow
Lama baraq nuglaadee
Birmad iigu deeqoo
Biciidkiyo dibtiigii
Cawshan bananka tooreyn
Ama goodir Buurreed
Bah intaad wadaagtaan
Guutooyin soo bixi
Iyo gaasas xoog badan
Axdi lagama baydhoo
Ballan lama fudeydshee
Marka buunku yeedhee
Safeyn loo balaadhee
Habar wacasho badatee
Boobuhu san-qadhayaan
Tagoogtada buuxdiyo
Laxaadkaaga baaluqay
Dakhso iigu soo biir
Baashaha an derisnoow
Adigeys ka baaddoo
Boholaha ku daahee
Waa horuu baraarugey
Badi habar duggaagoo
Qabsoo boowe haaduna
Igalama bakheyline
Kolaan baaqa sii faro
Waajibkood ka soo Baxe
Waaryaa baahi laawow
Baliyadaad cabeysiyo
Doogaad u baratoo
Colaad kuma bilaatide
Bilad aan ku siiyoon
Dhaqso kuu bogaadshee
Inta aad badheedhaan
Adigiyo ba’ ceeb laba
Bar-barkayga soo dega.
Waaryaa booda dheeroow
Markaan libinta bo’ganee
Ragga kala baqoolee
Cadawgeenu baaba’o
Weynu tegi badhii Herer
Adna boqol ku qaybow
Beertii xorriyadiyo
Toga baalihiisaad
Baashaali doontaa

Adigaa Bakeyloow Baqe geed ku dhuuntoo Naf la baydadaayee Baarruudan qarraxdaan Beerka u dhigaayoon Wed ku beegso leeyahay Bi’iwaaye ma ogtahay Burkii aad galeysaa Cadaawahu u bu’ayaa Boqorkii ugaadhow Lama baraq nuglaadee Birmad iigu deeqoo Biciidkiyo dibtiigii Cawshan bananka tooreyn Ama goodir Buurreed Bah intaad wadaagtaan Guutooyin soo bixi Iyo gaasas xoog badan Axdi lagama baydhoo Ballan lama fudeydshee Marka buunku yeedhee Safeyn loo balaadhee Habar wacasho badatee Boobuhu san-qadhayaan Tagoogtada buuxdiyo Laxaadkaaga baaluqay Dakhso iigu soo biir Baashaha an derisnoow Adigeys ka baaddoo Boholaha ku daahee Waa horuu baraarugey Badi habar duggaagoo Qabsoo boowe haaduna Igalama bakheyline Kolaan baaqa sii faro Waajibkood ka soo Baxe Waaryaa baahi laawow Baliyadaad cabeysiyo Doogaad u baratoo Colaad kuma bilaatide Bilad aan ku siiyoon Dhaqso kuu bogaadshee Inta aad badheedhaan Adigiyo ba’ ceeb laba Bar-barkayga soo dega. Waaryaa booda dheeroow Markaan libinta bo’ganee Ragga kala baqoolee Cadawgeenu baaba’o Weynu tegi badhii Herer Adna boqol ku qaybow Beertii xorriyadiyo Toga baalihiisaad Baashaali doontaa

Raadi