Asaxaabihii

Asaxaabihii iyo la laa, ehelu khayrkiiye
La idlee anbiyadii horee, aaminka ahayde
Wedkii Aadan iyo Xaawa diley, kuma illaawaane

Agoomoobe naagii kal hore, aqalka weynaaye
Waataan Ashkiro loo hanbayn, innamadeediiye
Ardaagii Cawado Aadan wakaa agaardamane

Arboow Mixile waataad ogeyd, uubti loo qodaye
Akhyaartii tolkay waxa ka nool aaran fiiga ahe
Arki waayey reer Samatar Nuur, odayadiisii

Idiin baan sadqeeyey iyo Riyii, Aybaxda ahaaye
Astaanleyda gawracay habruu ku ag wareegaane
Aammiintu mawleysey iyo Eebbe kuu sahalye

Ajal madhatayse lama ooriyoo, waa af kala qaade
Haddaad olosho, ood olosho, oo awda demin weydo
Arki maysid labadii nin, eed ku asturnaydeene
Ilaahay ka bari innamo kale, ubadku waa buuxe

Asaxaabihii iyo la laa, ehelu khayrkiiye La idlee anbiyadii horee, aaminka ahayde Wedkii Aadan iyo Xaawa diley, kuma illaawaane Agoomoobe naagii kal hore, aqalka weynaaye Waataan Ashkiro loo hanbayn, innamadeediiye Ardaagii Cawado Aadan wakaa agaardamane Arboow Mixile waataad ogeyd, uubti loo qodaye Akhyaartii tolkay waxa ka nool aaran fiiga ahe Arki waayey reer Samatar Nuur, odayadiisii Idiin baan sadqeeyey iyo Riyii, Aybaxda ahaaye Astaanleyda gawracay habruu ku ag wareegaane Aammiintu mawleysey iyo Eebbe kuu sahalye Ajal madhatayse lama ooriyoo, waa af kala qaade Haddaad olosho, ood olosho, oo awda demin weydo Arki maysid labadii nin, eed ku asturnaydeene Ilaahay ka bari innamo kale, ubadku waa buuxe

Raadi