Allahayow Nin Ii Daran

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay
Nin ii daaqsanaayana maxaan daafida u kariyey
Jidhku nin uunan doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay
Ma degdego’e xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay
Weji debecsan dayma’an dareen gelin dubaaqiisa
Dibna furan dabuub una ka didin deexashiyo muuso
Qosol dibadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda
Kanaan degey kanaan doorka biday kani dan baan mooday
Waxaan dood kaftana sheekadaa ugu daleeyaaba
Dabinkaan u dhigay maalintuu dacalka soo saaro
Intiyoon dawaarka u rogoon xeeladda u daadsho
Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyey!

Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay Nin ii daaqsanaayana maxaan daafida u kariyey Jidhku nin uunan doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay Ma degdego’e xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay Weji debecsan dayma’an dareen gelin dubaaqiisa Dibna furan dabuub una ka didin deexashiyo muuso Qosol dibadda yaalloon ka iman dhuunta dacalkeeda Kanaan degey kanaan doorka biday kani dan baan mooday Waxaan dood kaftana sheekadaa ugu daleeyaaba Dabinkaan u dhigay maalintuu dacalka soo saaro Intiyoon dawaarka u rogoon xeeladda u daadsho Isagoon digniin qabin maxaan kaga dayaan siiyey!

Raadi