Afrikada Ilaahow

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda
Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo
Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga

Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa
Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday
Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay

Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh
Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay
Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo

Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin
Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere
Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye

Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane
Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh
Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge

Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata
Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye
Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane
Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna

Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey?
Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay?
Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday?
Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday?

Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne
Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane
Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye

Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene

Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye
Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye
Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene

Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo
Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba
Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu

Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e
Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e
Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye

Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule
Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye
Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye

Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle
Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane
Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye

Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne
Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye
Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku

Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay?
Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay?
Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?

Allahayow adduunyada markaad, taagtay udubkeeda Ama aad abuurtay khalqiga, Aadan iyo Xaawo Maalintuu Iblayskuna kufriyoo, diiday amarkaaga Imminkiyo ayaantaa maxaa, belo adeegeysa Imisaa ardaa fiican iyo, aqal madoobaaday Ubadkay siteen iyo maxaa, dumar agoonoobay Imisaa arwaax hoyatay oo, gaal iyo islaan leh Axmadkii la doortiyo maxaa, nebiyo loo ooyay Abuubakar Siddiiq iyo inuu, Caliba iil jiifo Inkastoon ogsoonahay inaan, axadba waaraynin Wadka Eebe soo diro wax baa, aniga ii dheere Ifka ruuxa joogaa kol uun buu, ku istareexaaye Kol uun bay anfaaciga macaan, iligga saaraane Ikhtiyaar kol uun bay helaan, uumiyaha kale eh Aasiyaba waxay leeyihiin aarmi iyo xooge Annagana Orobbaa sidii, awrta noo rarata Waaggii iftiimaba kun baa, lanaga aasaaye Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane Eygaa ciyaayana hadduu, dhaamo inankeenna Afrikadan Ilaahow maxaa, laga abuuraayey? Allahayow alhuumiyo maxaad, iinta ugu yeeshay? Allahayow awood iyo maxaad, aalad ugu diidday? Ummaddaada Eebbow maxaa, loogu kala eexday? Ingiriis ragguu laayey baan, cidi ilaaweyne Axmad Guray unuunkay jareen, ehel ha waayaane Oomaarna waad wada ogtihiin, uubtii loo qodaye Sayidkii addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye Waa kuwii Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye Halyeygii Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene Maxamuud sidii loo arjumay, aamus laga qaadye Imaam Cusmaan baa ku maqan, ololeheeniiye Ablay bay u quudheen nin ragi, kuma ataageene Eeddii gumaystaha haddaan, in yar ka faalloodo Axaddii bishii Maaris iyo, hore isniintiiba Eedaanka waaberi markuu, noo addimay sheekhu Waa kuwii intay ururiyeen, edeg ka buuxsheen e Waa kuwii awaaraha na tubay, aqab la'aaneed e Waa kuwii uqaylkii guriyo, kii arrimin lahaaye Waa kuwii hablaha ugub diliyo, Aaminiyo Luule Waa kuwii Aamaar iyo dugaag, oomman noo qubaye Immikana kuwaa talinayay, eebada u tumiye Isticmaarku ooduu dhigiyo, qodaxdii waa taalle Ma ilbixin kuwii aan lahaa, way ka aargudane Iglan baaba loo dhoofiyaa, weli addoontiiye Iib baa Amriik loogu diray, odayo waaweyne Almaaniyana kolay tahay, nala asqaysiiye Kol hadday abiid ii yihiin, oohintiyo ciilku Uurkii islaantii maxaan, uga abuurmaayay? Oofta iyo hooyaday maxay, adhaxda ii saartay? Allahayow awoowiyo muxuu, aabbe ii dhalayay?

Raadi