Aan Ooyee Albaabka Ii Xidha

Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.

Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.

Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.

Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.

Awawgay ninkii adoonsaday ninkii aabahay indhaha tiray ninkii anigana i iibsaday hadaan arkayoonan ka aarsan karayn hadaanan Aadanow unuunka jarayn aan ooyee albaabka ii xidha. Isagoo Iglan joogabuu i diloo ushuu soo fidshaa i iimaysoo waataa aramidii i oofa tirtaye itaal dari aan la eedaadoo aan ooyee albaabka ii xidha. Bal oggow isticmaarku abidkii iriduu marinaayo awr raran irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee Ragan aan arkayee u abasaxayow ninowna ha odhan soomaalaan ahee ordoo magacana ka iibsada. Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay Abu Riin Lo'da joogtabaa urisoo ooday jebisaa intay u dhacdoo amsaxuu ka guraa idiilkeede waakaa isticmaarkii ii daayee Ragan aan arkayee u abasaxayow in shaahiyo keegu waa urugee iimawdee axankaaga weynee. Ugaadha ninkii gatee urursada ka soo arkabaa aduun ka baxshee ninkaa imanaaya awgii waa kaa isticmaarkii ii daayee Ragan aan arkayee u abasaxayow ordoo magacana ka iibsada.

Raadi