Naciima Abwaan Qorane oo Gabay ka tirisay halista uu leeyahay cudurka Corona

Naciima Abwaan Qorane oo ah Gabyaa u ololeysa Nabadda ayaa ka mid noqotay Taageerayaasha sare ee Ololaha Wacygelinta Kahortaga Fayraska Corona ee hay’adda UNDP ka wado Soomaaliya.

Naciima oo kaashaneysa hay’adda UNDP ayaa waxay soo saartay Gabay xiiso leh oo ay uga hadleyso saameynta uu leeyahay cudurka Corona iyo sida looga hortagi karo.

“Sharaf bey ii tahay in aan haya’adda UNDP kala shaqeeyo soo saaridda gabaygan,” ayey tiri Naciima. “ Mar walba waxaan diyaar u ahay in aan ka qeyb qaato wax walba oo dadkayga wax loogu qabanaayo,”

Tixda ayaa ugu horeyn qeexeysa sida uu Fayrasku u jahawareeriyay wadamada waaweyn ee Yurub iyo Mareykanka iyo kuwa Aasiya. Taasoo tusaale u noqoneysa halista ay ku jirto Soomaaliya oo aad u tabar yar.

Gabaygan oo si heersare loo duubay ayaa waxaa maqal iyo muuqaal dadku kaga boganayaan tusaalaha qaabka loo xirto Af-gashiga (maaskiga) iyo Gacmo gashiga (galoofiskha) iyo sidoo kale gacmo dhaqashada.

Maadaama soomaalidu ay tahay buslho ku xeel dheer Suugaanta, ayna aad u xiiseyso gabayada, waxaa la aaminsanyahay in fariintan caafimaad ay dad badani wax ka faa’iidi doonaan.

“Tixdaan waxaan usoo diyaariyay qaab dadka weyn iyo dhalinyaraduba ay u fahmi karaan. Waxaana rajaynayaa in fariinta uu xambaarsanyahay ay anfici doonto bulsho weynta Soomaaliyeed,” ayey tiri Naciima.

Naciima Abwaan Qorane, a peace activist and poet, has become one of the top supporters of UNDP’s campaign against the spread of COVID-19 in Somalia.

Her latest poem looks at the impact of the coronavirus and explains how it can be prevented.

“It is an honor for me to work with UNDP in producing this poem,” Naciima said. “I am always ready to take part in anything that can help my people.”

The poem describes how the virus has disrupted countries all over the world, and describes clearly how the disease is even more dangerous for Somalia, which has limited capacity to handle it.

The poem and its accompanying video, shot by one of Somalia’s leading filmmakers, demonstrates by example how to wear facemasks and gloves as well as proper techniques for hand washing.

Poetry is immensely popular in Somalia, which has a rich and powerful verse tradition, so this kind of awareness raising has the potential to reach far and wide. Nearly 0.5m people have already seen Naciima’s posts just on UNDP’s Facebook account.

“I have prepared this poem in a manner that both adults and young people can understand easily. So it is my hope that this comprehensive awareness message will benefit the wider Somali community,” Naciima says.

Raadi