Qurbajoogta Soomaalida waxay dhaqankooda ku nooleeyeen Gabayga, kaasoo ay adeegsadaan meel waba ay joogaan.
Iyadoo ay wado doonista lahaanshaha iyo inay dib ugu xirmaan asalkooda ayaa waxaa soo kacay Abwaanno da’a yar oo qurbajoog ah, kuwaasoo gacanta ku haya suugaanta ay faraca u leeyhiin.
Maansayahnnadaan da’da yar waxay badanaa Maansadooda ku qoraan luuqada Ingiriiska iyo luuqadaha kale ee dalalka ay daganyihiin. Basle waxay ku dhex daraan luuqada Af Soomaaliga, taasoo farxad galisa dadweynaha daawanaya marka ay soo bandhigayaan.
Mar ay Gabay ka tirineysay xafladii 6-sano guurada Matxafka Soomaalida ee Minnesota ayaa Abwaanada Ifraax Xuseen oo dhalashada Canada haysata ayaa gabay ay uga hadlaysay dagaalkii sokeeye waxay ku aqrisay luuqadda Soomaaliga iyo Ingiriiska, , iskhu dhexdarka labada luuqad ayaa abuuray laxan cajiib ah oo dadweynihii soo jiitay.
Mowduucayada ay Maansayahannada qurbajoogta badanaa ka hadlaan waxaa ka mid ah Huwiyada, Colaada iyo qasaaraha ka dhasha. Waxay sidoo kale ka hadlaan midabka iyo siyaasadda iyagoo islamarkaa dalbanayaa inay aqbaalaan bulshada ree galbeedka ay la noolyihiin iyo kuwa dhulka Hooyo ku sugan.
“Gabaygu waxuu dib iigu soo celiyay ahaanshaha Soomaalinimadayda,” ayey tiri Ayan Aden, oo 20-jir ah kuna nool magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska. Soomaalinimada aad ayey qabligayga ugu weyntahay maadaama aan ku soo koray wadamada ree galbeedka oo aan la taacaallaa dhigayay huwiyadayda.
Mar ay gabay ka soo bandhigeysay xaflada Usbuuca Soomaalida ee London, Ayan waxay ka hadashay dareenkeeda ku aadan kamid-noqoshada bulshada ay ku soo dhex kortay.
“Markaan dhashay ilaa hadda waxaan la taacaallayay kamid-noqoshada laba bulsho; kuwa Ingriiska iima arkaan inaan ahay muwaadin Biritish ah maadaama uu midabkayga madow yahay, bulshada Soomaalida ku nool wadankana iima haystaan inaan Soomaali buuxa ahay maadaama aan luuqada garanaynin.” Ayey tiri Ayan, iyadoo labada luuqad ee Ingriiska iyo Soomaliga isku dhex daraysa sida lagu looga bartay Gabayadeeda.
Gabayga waxuu udub-dhexaad u yahay dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Maansayahannada da’da yar uma isticmaalaaan kaliya inay dib ugu soo xirmaan asalkooda, waxay sidoo kale u adeegsadaan inay ku dalbadaan xuquuqdooda.
Maansayahanada da’da yar ee qurbajoogta waxaa hormuud u ah abwaanadda Biritishka ah ee Warsan Shire. Gabaygeedii la magac baxay “Hoy” ayaa waxuu halkudhig u noqday dhaqdhaqaaqii loogu doodayay qaxootiga markuu Donald Trump xayiraadda safarka ku soo rogay. Dadkii mudaaharaadayay ee Mareekanka ayaa soo qaatay boorar ay ku qoranyihiin ereyo ku jiray gabaygeeda.
Kooxihii u doodayey qaxootiga ree Suuriya ee Yurub soo galay ayaa sido kale isticmaalay gabaygeeda. Ereyada ugu caansan ee la soo qaatay waxaa ka mid ahaa: “Ruux gurigiisa ka soo tagaayo ma jiro/ haduusan gurigaasi ahayn afka Yaxaas badeedka” iyo “Ruux caruurtiisa doon ku soo shubaayo ma jirto/ hadeysan badda ka amni fiicnayn barriga”.
Laga soo billaabo Melbourne ilaa Minnesota iyo London ilaa Nairobi, ururada qurbajoogta Soomaaliyeed waxay abaabulaan munaasabado lagu kobcinaayo abwaanada da’da yar ee ku dhashay qurbaha.
Matxafka Soomaalida ee Minnesota waxuu qabtaa barnaamijyo dhalinta ay ku soo bandhigaan, laguna baro maansada. Matxafku waxuu sidoo kale keydiyaa agabka lagu yaqaanno dhaqanka Soomaalida reer guuraaga ah, kuwaasoo ay wax ku baraan caruurta ku dhalatay qurbaha iyo dadweynaha kale ee Mareykanka.
Xafladda Usbuuca Dhaxalka Soomaalida ee Nairobi lagu qabto sanad walba oo ay soo qabanqaabiso xarunta dhaqanka ee Aw Jaamac, taasoo aad looga xiiseeyo bariga Afrika ayaa
waxaa qeyb weyn ka ah horumarinta gabayga Soomaalida.“Soomaalidu waxay dhaqan u leeyihiin Gabayga, marka waa muhiim in dhalinta lagu barbaariyo inay fikirkooda ku cabiraan maansada,” ayey tiri Raxmo Mire oo hogaamiso xafladdaas. “Gabayga waxaa si halabuur leh loo isticmaali karaa in wacyigelin lagu sameeyo. Waxuu sidoo kale qofka uu ku cabiri karaa fikirkiisa ku aadan bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha, taasina muhiim ayey u tahay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.”