Xasan Daahir Ismaaciil ‘Weedhsame’

All poems by Xasan Daahir Ismaaciil ‘Weedhsame’

Galiilyo

Ifkay gogoshiisu hawl tay
Ogow galab noolba waa shil.
Ma oge taladii u goostay
Ma oga gurigay furayso
Galiilyada moog dambaysa.

Naftana hunguraa gadh qaada
Cakuye damacaa ku guura,
Haddana godobtiyo lurkeeda
Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
Ogow garashaa u qoollan.

Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baajo
Ishaa gibidheed ma daaho
Qofnaba gabbalkii ma waaro
Wax aan hubo geeri kow dheh.

Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
War geediya oo i qooma
Geddaafo wacaal xambaarsan
Dhegtaydu maxay guddoontay?
Intaan tebay gaan la waayey
Maxaan murugada la goohay
Barbaartii iga gablooshay
Kuwaan guruxyada u beelay?
Markaan godobtooda raadshay
Gunaadiyo ciil gadhoodhay
Miyaan gocashada ku qoomay?

Bad gawliyo gacanka xeebta
Miyaan gooddiyey guhaadshay
Gartayda miyaan bilaabay?

‘Haddaad maxastayda gawrac
Badyahay kaga gooban weyday
Inaad bir ma geydadayda
Sidaa u gashaa gar maaha.
Alleylehe waad gumowday!
Geshaan kugu leeyey qaana
Gar qaado ha soo gignaane
Ilaah naaraha ku geeye
Adaa gadhmadoobahayga
Haweenkiyo gaaridayda
Ku gaasira meel go’doon ah.

Gudhoo galabtaba abaadso
Biyuhu gororoo ku gawdhshe
Gawaan noqo meel garoon ah
Dhul geeddigu galab carraabo.’

Intay guuxday gigleysay
Hirkiyo doobtay garaacday
Waxay tidhi ‘Guurowgaagu
Gefiyo waa igu geddaafo
Ma geyo godobtaad i saartay
Aweytida aad ganayso
Miyaan galabsaday? Bal kaadso!

Adoo geyigaagu liito
Hadduu sahankaagu gaabsho
Hadduu samirkaagu guuro
Qaneecaadkuna gabnoobo
Quustoo kugu geylamaysa
Garaad hirilaa ka seexdo
Miyaan geerida shinkeeda
Horteed geedigu ku geynin?

Hablaha guday ee tahriibay
Hir gaatamayaa idleeyey
Geed ay cuskadaanna waayey
Markii gacal baajin waayey
Shariidku miyuu gasiintay?

Intuu saxaruhu go’doonshay
Halyey lagu giirtay fiicni
Intee xabsi lagu gumeeyey
Gashaantimo wada Quraysh ah
Intee guuleed tisqaaday
Raqdiisii haad ku goohay
Dhashii guuluhu ku siiyey
Dugaagu muxuu ku guusay?

Markuu huudhigu geddoomay
Markay goglanayd barbaartu
Kalluunku miyuu galiilyo
Ilmada ciil gabbax ka siiyey?
Tiiyoo xeebaha goshooda
Meydkeenii galangalcoobay
Miyaad garan weyday? Kaadso!

Xasuuqa tahriibku geysto
Gummaadiyo geeri foolxun
Hooyooyinka weerka goostay
Shilkani kugu gaaf wareegay
Waxuun baa laga guntaaye.
Miyeydaan kaba gaboobin?

Gu’goo da’ay oo gadooday
Gudgude soo galab-carraabay
Markay galawgiyo jugleydu
Ka yuusaan gelida kaynta
Miyaan garashadu dhigaynin
Dasada gibillada ku giiji?

Geel iyo geesley lo’daada
Halkii gelmi iyo dugaag le
Gelgelin gawsaha hungaysa
Miyaan garashadu dhigaynin
Inaad waaberi ka guurto?

Adoo gurigaagi iibshay
Haddaad gabankiina weydo
Adoo geboggebo u yaala
Haddaad dhiillada guddoonto
Wedkaad gini siisataaye
Haddaad geerida la jaarto
Hadduu maalkaagu gooyo
Intuu aadmigu ka giigay
Kolay waa galabsigaaye!
Maxaad gocashada ka toosin?’

Garwaaqsaday inan taraaray
Guddoon xaal idhi bal qaado.

Sareedadu may guddeene
Barbaartuna may go’deene
Badweyn iskuma gureene.
Xil baan gubin kaad u dhiibtay
Xal muu garan aayatiinle
Xaq muu gudin aad sugaysay
Halkaad u golleyd ma geynin
Hayaankiyo geedigaaga
Guubaabana wuu ka seexday
Inuu galab nool tibaaxo.

Guulguulka naftaa ku oogan
Dhallaankani sii gurmaaya
Hankaa laga wada gumaystay
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu aadmigu u guuray
Rajada gibil baa ka saaran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahay baa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabaggabaysay.

Qof baad tahay guul abuura
Qof baad tahay guri yagleela
Qof baad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo is keena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaaggixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
Dalkaagan kama go’aysid
Galbeed Yurub kuuma yeedhin
Giriigguna kuuma baahna
Gob baad tahay moog inteeda.
Adiga geyigaagu waa kan.
Gargaara faray ka hoogtay.

Ku eeg gabargaal hortaada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhallaan baa kugu gedaaman
Gidaarrada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xil baa guudkaaga saaran
Ka weyn goosoo dhaqaaji.

Ha Derderin Carrada!
Haw dayrin naftayda!
Hay dhigin daleel nacab!
Duufaan jacayl iyo
Wahsi haygu dayrin!
Duulkaan la habaabiyo
Da'day hayga reebine!
Oo doqonka reeride,
Nabsi hayga doonnine!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Doofaarka ficil li'i baa
Dabka loogu ridayaa,
Daa'imo carruurtuna
Inay ficilka garatee,
Aniguna ku doortoo
Kuma dayn karaayee,
Nacas duunyo haystiyo
Qoqon hayga raacine!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Aniguba daraaddaa
Dibedaha wareegoo,
Dadku wayla yaabuu
Doqon ii maleeyee,
Qalbigii ku doortaa
Nabarkii damqanayaa,
Dumar haygu noqonnine,
Waa in aad dadaashaa!

Ha derderin carrada, ha duulin!
Ha degdegine joog, nala joog! / Iska joog!
Dalka lama nebcaadee,
Dibedaha lamaba jeclaadee.

Xasan Daahir Ismaaciil ‘Weedhsame’ in media

Search