Kala Uur

Naftan uubataynaysa
Ee kugu ag meeraysa
Qalbi baa af duubaaya
Addimadaa ku soo doonta,
Indhahaa ku eeg eega
Aragaaga xiiseeya
Wadnahaa abuuraaya
Caashaqa iniintiisa
unugyada ku beeraaya,
Inkastood irdhaynayso
Ama aad ilaaqayso
Ikhtiyaar naftii laashay
Kaa ooli kari weyday.
Anna ulasho deyn maayo
Adna digasho waa kuu ul,
Aniguna ilbixi maayo
Adiguna arxami maysid,
Anna aamusnaan maayo
Adna erey-san kaa waayey,
Anna ubaxyo kuu keenay
Adna odaxda ii dhiibtay.
Ma adoo qudhaa uuman
Ma adoo qudhaa aawan
Dadka kale ka maan awran?
Amran oo karaamaysan?
Aynigaa ka muuq fiican?
Mise waa ishaartayda
Ahlantiyo Salaantayda
Weedhaha Ammaantayda
Iyo eemamayntayda
Waxan ururka kuu qaaday
Kaa dhigay ilays kaahay.
Haddii aanan kuu eexan
Asaagaa ka soo leexan
Ama aanan kuu iilan
Arwaaxdayda kugu deeqin
Ama aanan kuu oommin
Ama aanan kuu ooyin
Ama Uurka kuu saafin
Ama erey-san kuu soocin
Ixtiraam ku siinaynin
Waad ii ilmayn layde
Aadmigu wuxuu haysto
Ma arkoo ma aabeeyo
Mana oga ma weyneeyo

Naftan uubataynaysa Ee kugu ag meeraysa Qalbi baa af duubaaya Addimadaa ku soo doonta, Indhahaa ku eeg eega Aragaaga xiiseeya Wadnahaa abuuraaya Caashaqa iniintiisa unugyada ku beeraaya, Inkastood irdhaynayso Ama aad ilaaqayso Ikhtiyaar naftii laashay Kaa ooli kari weyday. Anna ulasho deyn maayo Adna digasho waa kuu ul, Aniguna ilbixi maayo Adiguna arxami maysid, Anna aamusnaan maayo Adna erey-san kaa waayey, Anna ubaxyo kuu keenay Adna odaxda ii dhiibtay. Ma adoo qudhaa uuman Ma adoo qudhaa aawan Dadka kale ka maan awran? Amran oo karaamaysan? Aynigaa ka muuq fiican? Mise waa ishaartayda Ahlantiyo Salaantayda Weedhaha Ammaantayda Iyo eemamayntayda Waxan ururka kuu qaaday Kaa dhigay ilays kaahay. Haddii aanan kuu eexan Asaagaa ka soo leexan Ama aanan kuu iilan Arwaaxdayda kugu deeqin Ama aanan kuu oommin Ama aanan kuu ooyin Ama Uurka kuu saafin Ama erey-san kuu soocin Ixtiraam ku siinaynin Waad ii ilmayn layde Aadmigu wuxuu haysto Ma arkoo ma aabeeyo Mana oga ma weyneeyo

Search