Raxma Xuseen Huriye

All poems by Raxma Xuseen Huriye

Sooyaal

Dadkii saatir iga beerayoow samo, ku nooloow e
Sokeeyoow waxaan kuu wadaa, sooryo qaaliyahe
Waa saymihii roobka iyo, sagal arooryaade
Waa seer-ma-waydada cirkoo, galay sidkeediiye
Waa gugoon sagsaag yeelan iyo, dirir sagaaraade
Waa fadad dhibcaha saydhay oo, simay xareediiye
Waa kaymo saacliyo ugbaad, ubixi saarnaaye
Waa sixin udgoonkii leh iyo, subag laftiisiiye
Waa sararo geedaysan iyo, sumal lagiisiiye
Waa soobiroo days dhashiyo, sugul liskeediye
Waa dhay sibraar lagu shubiyo, caano saafiyahe
Waa sabo nabdoon oon lahayn, salaw colaadeede
Waa hadiyad aan kuu sidoo, siinna kuu huriye
Waa hadal intii saxarla een, cidi saluugayne
Hoos iyo saraan kuugu dhigi, sawdka maansada e
Sal u yeelo yuu kaaga dhicin, sud iyo haadaane

U jeedkayga waan saafayaa, sax iyo maankay e
Ummaduhu waxay suubsadaan, Kama siqoodaane
Sir iy caadba way jecelyihiin, mana sadheeyaane
Waa saancad duul wuxu lahaa, loo sasabayaaye
Sooyaalka dhaxalkeena iyo, seeska dhaqankeena,
Bulshadeena sumadeeda iyo, sooca dhaladkeena
Sumcaddiyo wanaageena iyo, suuban sharafteena
Baladkeena soomaali iyo, sabada ciiddeena
Xuquuqdeena soorkeeda iyo, wada sinnaanteena
Socodkiyo hayaankeena iyo, samirka guusheena
Saadaasha hiilkeena iyo, sahanka meesheena
Sunnihiyo kitaabkeena iyo, sahayda diinteena
Sarriigtiyo wax diidkeena iyo, xumo sifaynteena
Sugitaanka qarankeena iyo, nolol samaynteena
Sahashiga haddaan kaga tagnoo, saydhno wadarteenba
Jirrideenu way suuli oo, siidhku uu bi'iye
Sal halkaan ku leenahay, ayaan subax la sheegayne
Ceebaynu saaxiib la noqon, saban kastoo noole
Silic iyo shibaataynu mudan, saxal adduunyaade
Sadki uu illaah noo bushido, saamigaa lumiye
Ciil baa sadriga waayo iyo, saabka noo galiye
Caydh iyo sabool baynu noqon, soogan meelaha e
Soofdan habowgeena iyo, suudalkaa badane
Waa seef halbowlaha ku maqan, talo ku seegtaaye
Saakaba midday haysid baa laga sax keenaaye
Haddii kale mar ay siibatiyo, saa danbaad garane
Dadkaygoow wax suuree runtaan lagu safaadayne.

Raxma Xuseen Huriye in media

Search