Naima Abwaan Qorane

Biography

Naima Abwaan Qorane was born in 1991 in Hargiesa. Naima is one of the most popular young female poets in Somalia. She actively uses social media to reach out to young audiences across the country and diaspora. She uses her poetry to cross generations and connect older and younger poets. She now lives in the capital Mogadishu.

Naima Abwaan Qorane was born in 1991 in Hargiesa. Naima is one of the most popular young female poets in Somalia. She actively uses social media to reach out to young audiences across the country and diaspora. She uses her poetry to cross generations and connect older and younger poets.

She now lives in the capital Mogadishu.

All poems by Naima Abwaan Qorane

Ka Gaashaamo

Masiibadan geedigaa
Galbeed iyo gacanka bari
Adduunyada geeska gees
Karoonahan wada gilgilay

Giriig iyo reer jarmani
gadduu faransiis ku falay
Guryaa baarsiloona iyo
Isbayn galabtii dhawad
Intuu galin qudha ka dilay

Gudaa Jayne iyo Ruush
Intuu Aasiya gundhabay
Talyaani intuu ganbiyay
Iswiidhan dadkuu gondolay
Gabdhiyo doob gaamuriyo
Gashaanti intuu kadilay

Sidii guluf reero gubi
Markuu ingiriiska galay
Wuxuu gadh madoobe jaray
Hooyooyin wixii goblamay

Maraykan gufaacadii
Sidii adhi weere galay
Garoob iyo gabano iyo
Guutooyin intuu kacunay

Makhluuqa siduu u galay
Intuu gaban waalid tiray
Qalbigu way gubanayaa

Karoonuhu guurahiyo
Carraabaa galabnimiyo
Gudoodiga waa yaqaan
Dadkana waw kala gudbaa
Hadduu gayigeena yimi
Garaad baa lagu socdaa
Geerida lama baajiyee
Guullaha aan magal galnee
Gafuurka xidhaa la yidhi

Bahalku waa gaatamaa
Jidhkiinna intaanu gelin
Ka gaashaantaa la yidhi

Dawadii gaarka u ahayd
Muddaa loo goobayoo
Laguma guulaysannine
Dantiina gartaa la yidhi

Galoofiska soo gatoo
Faraa gashadaa layidhi
Nadaafaddu waa gundhige
Gacmaha maydhaa layidhi

Bulshadu ways garabsataa
Waxbay soo kala taggaan
Qofbuu arrin kaa galaa
Adoon sii gudo galayn
Dantada gudaa la yidhi

Dad waynahan geeddigii
Hadday kusoo gudbaan
Tallaabada geesta kale
Adoon cid guhaadinayn
Shacbiga guubaabiyoo
Gadaal u sikaa la yidhi

Dhaqaaalii giigsanaa
Gabaabsi hadduu ka dhigay
Afkaaga wixii galiyo
Gasiinka allaa hayee
Guryaa fadhiyaa layidhi

Gantaalkan rabbaaniga-ah
Aduun baa garanayee
Adduunka Rabboow gargaar

Wacdigu waa gabagabee
Murtida aan gaabiyoon
Gunaanado maansadee
Dadoow wanaada guntada.

Search