Ka Gaashaamo

Masiibadan geedigaa
Galbeed iyo gacanka bari
Adduunyada geeska gees
Karoonahan wada gilgilay

Giriig iyo reer jarmani
gadduu faransiis ku falay
Guryaa baarsiloona iyo
Isbayn galabtii dhawad
Intuu galin qudha ka dilay

Gudaa Jayne iyo Ruush
Intuu Aasiya gundhabay
Talyaani intuu ganbiyay
Iswiidhan dadkuu gondolay
Gabdhiyo doob gaamuriyo
Gashaanti intuu kadilay

Sidii guluf reero gubi
Markuu ingiriiska galay
Wuxuu gadh madoobe jaray
Hooyooyin wixii goblamay

Maraykan gufaacadii
Sidii adhi weere galay
Garoob iyo gabano iyo
Guutooyin intuu kacunay

Makhluuqa siduu u galay
Intuu gaban waalid tiray
Qalbigu way gubanayaa

Karoonuhu guurahiyo
Carraabaa galabnimiyo
Gudoodiga waa yaqaan
Dadkana waw kala gudbaa
Hadduu gayigeena yimi
Garaad baa lagu socdaa
Geerida lama baajiyee
Guullaha aan magal galnee
Gafuurka xidhaa la yidhi

Bahalku waa gaatamaa
Jidhkiinna intaanu gelin
Ka gaashaantaa la yidhi

Dawadii gaarka u ahayd
Muddaa loo goobayoo
Laguma guulaysannine
Dantiina gartaa la yidhi

Galoofiska soo gatoo
Faraa gashadaa layidhi
Nadaafaddu waa gundhige
Gacmaha maydhaa layidhi

Bulshadu ways garabsataa
Waxbay soo kala taggaan
Qofbuu arrin kaa galaa
Adoon sii gudo galayn
Dantada gudaa la yidhi

Dad waynahan geeddigii
Hadday kusoo gudbaan
Tallaabada geesta kale
Adoon cid guhaadinayn
Shacbiga guubaabiyoo
Gadaal u sikaa la yidhi

Dhaqaaalii giigsanaa
Gabaabsi hadduu ka dhigay
Afkaaga wixii galiyo
Gasiinka allaa hayee
Guryaa fadhiyaa layidhi

Gantaalkan rabbaaniga-ah
Aduun baa garanayee
Adduunka Rabboow gargaar

Wacdigu waa gabagabee
Murtida aan gaabiyoon
Gunaanado maansadee
Dadoow wanaada guntada.

Masiibadan geedigaa Galbeed iyo gacanka bari Adduunyada geeska gees Karoonahan wada gilgilay Giriig iyo reer jarmani gadduu faransiis ku falay Guryaa baarsiloona iyo Isbayn galabtii dhawad Intuu galin qudha ka dilay Gudaa Jayne iyo Ruush Intuu Aasiya gundhabay Talyaani intuu ganbiyay Iswiidhan dadkuu gondolay Gabdhiyo doob gaamuriyo Gashaanti intuu kadilay Sidii guluf reero gubi Markuu ingiriiska galay Wuxuu gadh madoobe jaray Hooyooyin wixii goblamay Maraykan gufaacadii Sidii adhi weere galay Garoob iyo gabano iyo Guutooyin intuu kacunay Makhluuqa siduu u galay Intuu gaban waalid tiray Qalbigu way gubanayaa Karoonuhu guurahiyo Carraabaa galabnimiyo Gudoodiga waa yaqaan Dadkana waw kala gudbaa Hadduu gayigeena yimi Garaad baa lagu socdaa Geerida lama baajiyee Guullaha aan magal galnee Gafuurka xidhaa la yidhi Bahalku waa gaatamaa Jidhkiinna intaanu gelin Ka gaashaantaa la yidhi Dawadii gaarka u ahayd Muddaa loo goobayoo Laguma guulaysannine Dantiina gartaa la yidhi Galoofiska soo gatoo Faraa gashadaa layidhi Nadaafaddu waa gundhige Gacmaha maydhaa layidhi Bulshadu ways garabsataa Waxbay soo kala taggaan Qofbuu arrin kaa galaa Adoon sii gudo galayn Dantada gudaa la yidhi Dad waynahan geeddigii Hadday kusoo gudbaan Tallaabada geesta kale Adoon cid guhaadinayn Shacbiga guubaabiyoo Gadaal u sikaa la yidhi Dhaqaaalii giigsanaa Gabaabsi hadduu ka dhigay Afkaaga wixii galiyo Gasiinka allaa hayee Guryaa fadhiyaa layidhi Gantaalkan rabbaaniga-ah Aduun baa garanayee Adduunka Rabboow gargaar Wacdigu waa gabagabee Murtida aan gaabiyoon Gunaanado maansadee Dadoow wanaada guntada.
Masiibadan geedigaa
Galbeed iyo gacanka bari
Adduunyada geeska gees
Karoonahan wada gilgilay

Search