Keyse Maxamed Xuseen Galaydh

All poems by Keyse Maxamed Xuseen Galaydh

Dowladnimo

Gayiyahaw ka gees iyo ka gees reerba dhinac goostay
Gobolyahaw garkaas iyo garkaas ciidan lagu gaadhay
Garaaddada askariyaw gashaday maantu garab belay
Godobyahay hal geed kala qarshee fiintu gami’wayday
Gumucyahow islaam lagu ganee khayrka lagu goobay
Godjeelyahaw nin-door lagu guree dhagarta loo goostay
Guddoonyahaw xilkiisii gabee mooday giniyaadka
Gacalyahaw qabyaaladi gashaye eexdu kala gaysay
Garnaqyahaw ninkii gini situun guusha dhaxalsiiyey
Guuryahow gayaan laba ahaa guri ku soo koobay
Gabanyahow gabaatiga baxshaye gaatay inantoodu
Gabadhyahay ninkii guurin jiray furay garayskeeda
Gargaaryahaw taswiir jeer la galo ruux ka gudiwaayey
Giblaneey gabbood labohadhlaay duni la gaafmeeray
Gommod iyo gun golosayn rabtoo ganafka taagaysa
Dabogalis gafuur-gunud is biday garar iswaydaarsan
Gurrac iyo gunnaaf iyo gannaaf goobbe dabo keena
Gunjufgaajuf guumays cirro leh geedxun saqajaana
Gunushgaanush guulwade ducfiya gocorro jaanjaaman
Gafaniyo gabaarrey goddo’ay shilincas gooraantay
Gol qaniin gujayn iyo giriif iyo shil iyo gaadh meersan
Gobogebo gumaad iyo god-dhow goorri iyo xaaqid
Gabawarid gidhaash iyo guhaan gooddi iyo baane
God abeeso good iyo qaniin malowyo goodaaddo
Golxob iyo gammuun wada socdiyo gudin haliilaysa
Gad cadaawe goonjaab dadcuna halaq wax gaadaaya
Gabangoobbi goob laga hinqaday guricas heemaalan
Afgaroocyo gaagaalayaal giirre midabbeeya
Gagabsane gabbaan xaaduq dhalay nacas gumaaadaa ah
Iyo geedismaris baan la galay god iyo booraane
Garbodhaca galaalxoorka tabay han iyo goyntiisa

Afartaa gigsiiyaye haddaan gulucda sii taabto
Guclojiif galgalad boodka iyo hurud garmaamaynta
Fadhi gama’a orod gaatankiyo socod galluubnaanta
Gob jeclaanta gun u xaydnidiyo libin gad guul moodka
Is guhaanka baryo goobistiyo balo ku gooraanka
Galbis ooyga gaaf bihinbihiyo iloxidh goobyaalka
Xumo gocadka eex gaadashada samo isgaadhsiinta
Nabad goobka xaqa goofintiyo godob sabaalaynta
Is gumaadka guluf saanyashada geeri sharafaynta
Goblan jamadka geesaas dugsiga goorri calansaarka
Giblo tumadka sacab giijintiyo buuq ka gabargaalka
Higsi gudidda yool gamashigiyo hadaf gatoobnaanta
Han gumaynta kal garoocashada garasho naanaabka
Habso galinta hiyi gawdhintiyo sahan gawaanraaca
Maskax gudhinta fikir gaaxintiyo aragti gaajaynta
Gaanyaynta xooggiyo gacmaha muruqyo gaabnaanta
Guryo-noqod gadaal raad u kaca horu guclayntayda
Naq-u-guur gawaan sahanshadkiyo gaawe culadkayga
Gayi duminta goosh dhiirrintiyo geedo sare waabka
Baqdin galinta hanjabaad gujada gumuc ku toodhaynta
Garbaduubka guud kaga fadhiga gacan ku hoos haynta
Dhaqan guurka hidde gaasirkiyo caado kala goynta
Isir gadidda gacan hoorsashada gaalo dabo jooga
Gees iyo gafuuraynta iyo juu ku ganacgoynta
Gardoceedka gaws dhaarshilkiyo guurti sacab leefka
Xog garooca maqal gaabintiyo dhago gufayntayda
Gayaxmaridda maankayga iyo hirasho gaashaynta
Gabogabada hoygaan dagiyo iibka gurigayga
Iyo garangar jiifjiifku waa dhaqan gayiilaaye
Galbidhabadka gooraanka dhalay han iyo goyntiisa.

Afartaa gigsiiyaye haddaan gulucda sii taabto
Bulsho kaalinteedii gabtiyo goobxun doqon baa leh
Guyaad naqa in lagu guuro iyo sahanna geeddaa leh
Gobanimo ciddii saanyatiyo sharaf han gooyaa leh
Gaaliyo intii raacdaybaa galabsi naareed leh
Gadacninimo nin ragi dhiirranyahay guriga hooyaa leh
Raggu inu ku gamo meeshu rabo godob la'aan baa leh
Qosol gawska laga muuja iyo murug gumaystaa leh
In ay nacastu sida geed kortiyo gubasho laajaa leh
Qaxoontiga galbeed magangalaa baqiyo guulguulle
Kuwu Turambi soo guri ceshiyo galabsi dhoofbaa leh
In gacmaa filkii hoos dhigtaan libin nin gaadhaa leh
Gayigiisa ruux diiday iyo rarasho geelbaa leh
Dalkiisii nin gaas iyo kabriid galiyey baa diif leh
Dekeddii Berbera kii gadaa garasho daanyeer leh
Ummaddeennu goobtay fadhido godob sokeeyaa leh

Afartaa gigsiiyaye haddaan gulucda sii taabto
Halkan anigu geeddiga la rabay aan ku gabaxsiiyo
Galka naqa galgalimaa cadliga nolosha guusheeda
Hirka galacle gudgudaa hanqadhay waqalka gooreeyey
Guga hooray geedaha mudhbaxay xamashka gooshaasha
Guryasamo nin geeddiga kuraray baa gurtoo daga’e
Bulsho gees uwada jeesatoo goolal mida yeesha
Bulsho uu go’aankeedu yahay guul in lagu eerto
Bulsho wada garmaamaynaysoo hore uguuraysa
Bulsho aan sidii giindhay awr guudka laga fuulin
Bulsho aan gafuurculus ka dhigan kii axdiga gooyey
Bulsho aanay maahmaahdu galin madaxday goobayso
Saddexdii la yidhi guullaheen kuma gayeysiiyo
Saddex ruux hadduu kuu gartana kuma se gaaryeelo
Waalid-caasiyiin guulleheen kuma gayeysiiyo
Ilmaa curad hadduu kuu gartana kuma se gaaryeelo
Talo-xumo iyana guullaheen kuma gayeysiiyo
Gadh-hayaha hadduu kuu gartana kuma se gaaryeelo
Hunguriga qof gudin xiirta ku leh kuma gayaysiiyo
Gabadhuun hadduu kuu gartana kuma se gaaryeelo

Waxan uga golleeyahay haddaan soo gilgilo maandhe
Gadhwadeen gadhqaad lagu xushoo talis ku gaadiiday
Garyaqaan guddoonkana ku adag deeqsi gacan buuran
Indho-geelle galow taawileed garab ku hoodaale
Gob hanweyn halyeey gaaso baxay xeeladyahan guuna
Goonyaha gadaal iyo hareer geesi dhuganaaya
Gaaldiid go’aankiis ku adag aragtidii guure
Gayigiisa wiil gaata’oo horumar gaadhsiiya
Geeltoosiyaa nagu mamiyo gulufka wiil saara
Gaaraayacuunnada nimaan garaw u caanaynin
Dawladnimo haldoor gadayaqaan oon u baran guuto
Madaxweyne guud wiil noqdoon qolo ku gaaryeelan
Mid goshiisa galiyoo shacbigu gawdhe kaga dhuunto
Gurgurshaa guradu waasictoo guudka ku xanbaara
Gobolgobol mid aan kala gudbine deeqdo gibishiisu
Guudaanka wiil gubi yaqaan duulkan kala geeyey
Ajigiyo gabooyaha halyeey goob isugu keena
Mid hablaa u kala guuriyoo gacal walaaleeya
Iyo inan golyeed gaardiyaan go’a u haadshaaye
Ciddii aan midhkaas iga guntayn guulle farajkooda.

Keyse Maxamed Xuseen Galaydh in media

Search