Jaamac Kadiye Cilmi

All poems by Jaamac Kadiye Cilmi

Siyaasad

Sagaal midab baan arkaa,
Siddeed magac baa ku xiga,
Soddon hadal baan maqlaa,
Siddeed iyo toban af iyo
Saddex iyo toban wajoo
Saantoodu madowdahoo
Sidaa u wareegayoo
Silloon baan eegayay.

Waxaan ma siyaasad baa?
Subxaanyaa laga matalay;
Intaa way soconaysaa
Sal iyo baar bay xushaa
Dadkay kala soocaysaa
Wax bay soofeeyneysaa,
Intaa salaggay martaba
Sun bay ku afuufaysaa.

Wanaaggay saluugsantahay
Samaantay ka dhiidhidaa
Xumaantay saaciddaa
Beentey saaxiib la tahay
Qabiilkay la seexataa
Sirrow bay weheshataa
Sagsaaggay aammintaa
Mid saaqiday bay tustaa,
Siduu u danaysan laa.

Saciimkay ka leexataa
Waxay sarriftaa sharciga
Caddaaladday seegantahay
Xaqsoorkay suus ku tahay
Sinnaantay cudur ku tahay
Dulmiga inuu sare maro
Bay sallaanka u toosisaa
Eex bay ka sameeysantahay.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Dadkii wada suubbanaa
Ayuun bay sabab ibleys
Mar qudha ku dhex sayrisaa,
Markuu dhiig wada sunsumo
Iyadu subag buu u yahay,
Safayn goortay noqdaan
Sarriib bay qaadataa
Surgooyada laysu dhigo,
Naf iyo ruux la sugo
‘Sidiinnii u sii waday' dhahdaa
‘Saacaddii kastaba!'

Sedkooday qaadataa
Saadkooday iibsataa
Sawdkooday ku hadashaa
Santuuqyay buuxsataa,
Wixii seefo iyo quryo ah
Wixii sulub dhici lahaa
Si fudud bay ugu gaddaa,
Sidee loo joojiyaa?
Ujeeddadu waa sidaa.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Qofkii samir iyo dulqaad
Ku sugan bay colaadisaa,
Midkii salfudeedka neceb
Saf bay u kireeysataa
Inuu sandulle ugu kaco.

Silsilad bay daadisaa
Siriq iyo dabin bay dhigtaa,
Haddii aanu surinka gelin
Sagsaagga ka daacad yahay,
Xumaanta ka saafi yahay
Ka saahido saar ibleys,
Midkaasaa samatabbaxa,
‘Sirroow, ma hodmaa' la yidhi.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Fal iyo sixir bay dhashaa
Sarciyo cudur bay dhashaa
Sun iyo boog bay dhashaa
Sakiimmo af lay dhashaa
Mindiyo sarayay dhashaa,
Mid aan sedku deeqinoo
Sibraarro watay dhashaa,
Sakhraan daran bay dhashaa
Saqiirro xun bay dhashaa
Sawaad durey ah bay dhashaa
Saxar iyo dembi bay dhashaa
Belaayo soke bay dhashaa
Subaacyo shishey dhashaa
Sas iyo halis bay dhashaa,
Dadkay sakaraadisaa
Wax bay sinji doorisaa,
Wixii seeddi iyo abti ah,
Sokeeyaha wada dhashay,
Saaxiibkay kala dhishaa.

Siyaasad wixii yaqaan
Caloosha wuxuu ku sido
Haddii uu sari lahaa
Ama uu saafsaafi laa,
Wixii soonaha ka dhow
Dadkuba wuu suuxi laa.

Wixii seeraheeda galaa;
Wax baa la saynsaabayaa
Sarbeeb buu riixayaa,
Isagu sogordaha gurracan
Wuxuu ku saleeynayaa
Inay saxan tahay middan.

Su'aashuu diidayaa,
Isagoon hadalkaaga sugin
Haddana laba sikin dhexdood
Wuxuu soo celinayaa
Mid aadan siddiqi karayn.

Sallaafi iyo waalli buu
Qarhaysta u saaran yahay,
Si buu wax u eegayaa
Seenyaaluu bixinayaa
Gacmuhuu sayrsayrayaa
Wax buu suuradinayaa,
Wuxuu saadaaliyaa
Middii loo soo sajalay.

Maxay sawir muujisaa
Saxiix maran qaadataa
Qoraallo sameeysataa,
Waxaa ummad laysa sudhay
Ayay sababtoodu tahay
Haddana sahal moodayaan.

Daacadi way samatabbixi,
Sigtaa waa nabad galaa,
Samraa waa helaa sedkii,
Sagsaag waa khasaarayaa,
‘Sirrow ma hodmaa' la yidhi.

Jaamac Kadiye Cilmi in media

Search