Siyaasad

Sagaal midab baan arkaa,
Siddeed magac baa ku xiga,
Soddon hadal baan maqlaa,
Siddeed iyo toban af iyo
Saddex iyo toban wajoo
Saantoodu madowdahoo
Sidaa u wareegayoo
Silloon baan eegayay.

Waxaan ma siyaasad baa?
Subxaanyaa laga matalay;
Intaa way soconaysaa
Sal iyo baar bay xushaa
Dadkay kala soocaysaa
Wax bay soofeeyneysaa,
Intaa salaggay martaba
Sun bay ku afuufaysaa.

Wanaaggay saluugsantahay
Samaantay ka dhiidhidaa
Xumaantay saaciddaa
Beentey saaxiib la tahay
Qabiilkay la seexataa
Sirrow bay weheshataa
Sagsaaggay aammintaa
Mid saaqiday bay tustaa,
Siduu u danaysan laa.

Saciimkay ka leexataa
Waxay sarriftaa sharciga
Caddaaladday seegantahay
Xaqsoorkay suus ku tahay
Sinnaantay cudur ku tahay
Dulmiga inuu sare maro
Bay sallaanka u toosisaa
Eex bay ka sameeysantahay.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Dadkii wada suubbanaa
Ayuun bay sabab ibleys
Mar qudha ku dhex sayrisaa,
Markuu dhiig wada sunsumo
Iyadu subag buu u yahay,
Safayn goortay noqdaan
Sarriib bay qaadataa
Surgooyada laysu dhigo,
Naf iyo ruux la sugo
‘Sidiinnii u sii waday' dhahdaa
‘Saacaddii kastaba!'

Sedkooday qaadataa
Saadkooday iibsataa
Sawdkooday ku hadashaa
Santuuqyay buuxsataa,
Wixii seefo iyo quryo ah
Wixii sulub dhici lahaa
Si fudud bay ugu gaddaa,
Sidee loo joojiyaa?
Ujeeddadu waa sidaa.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Qofkii samir iyo dulqaad
Ku sugan bay colaadisaa,
Midkii salfudeedka neceb
Saf bay u kireeysataa
Inuu sandulle ugu kaco.

Silsilad bay daadisaa
Siriq iyo dabin bay dhigtaa,
Haddii aanu surinka gelin
Sagsaagga ka daacad yahay,
Xumaanta ka saafi yahay
Ka saahido saar ibleys,
Midkaasaa samatabbaxa,
‘Sirroow, ma hodmaa' la yidhi.

Siyaasaddu waa labee;
Middeer Soomaaliyeed
Sideedaba waa nuxuus.

Fal iyo sixir bay dhashaa
Sarciyo cudur bay dhashaa
Sun iyo boog bay dhashaa
Sakiimmo af lay dhashaa
Mindiyo sarayay dhashaa,
Mid aan sedku deeqinoo
Sibraarro watay dhashaa,
Sakhraan daran bay dhashaa
Saqiirro xun bay dhashaa
Sawaad durey ah bay dhashaa
Saxar iyo dembi bay dhashaa
Belaayo soke bay dhashaa
Subaacyo shishey dhashaa
Sas iyo halis bay dhashaa,
Dadkay sakaraadisaa
Wax bay sinji doorisaa,
Wixii seeddi iyo abti ah,
Sokeeyaha wada dhashay,
Saaxiibkay kala dhishaa.

Siyaasad wixii yaqaan
Caloosha wuxuu ku sido
Haddii uu sari lahaa
Ama uu saafsaafi laa,
Wixii soonaha ka dhow
Dadkuba wuu suuxi laa.

Wixii seeraheeda galaa;
Wax baa la saynsaabayaa
Sarbeeb buu riixayaa,
Isagu sogordaha gurracan
Wuxuu ku saleeynayaa
Inay saxan tahay middan.

Su'aashuu diidayaa,
Isagoon hadalkaaga sugin
Haddana laba sikin dhexdood
Wuxuu soo celinayaa
Mid aadan siddiqi karayn.

Sallaafi iyo waalli buu
Qarhaysta u saaran yahay,
Si buu wax u eegayaa
Seenyaaluu bixinayaa
Gacmuhuu sayrsayrayaa
Wax buu suuradinayaa,
Wuxuu saadaaliyaa
Middii loo soo sajalay.

Maxay sawir muujisaa
Saxiix maran qaadataa
Qoraallo sameeysataa,
Waxaa ummad laysa sudhay
Ayay sababtoodu tahay
Haddana sahal moodayaan.

Daacadi way samatabbixi,
Sigtaa waa nabad galaa,
Samraa waa helaa sedkii,
Sagsaag waa khasaarayaa,
‘Sirrow ma hodmaa' la yidhi.

Sagaal midab baan arkaa, Siddeed magac baa ku xiga, Soddon hadal baan maqlaa, Siddeed iyo toban af iyo Saddex iyo toban wajoo Saantoodu madowdahoo Sidaa u wareegayoo Silloon baan eegayay. Waxaan ma siyaasad baa? Subxaanyaa laga matalay; Intaa way soconaysaa Sal iyo baar bay xushaa Dadkay kala soocaysaa Wax bay soofeeyneysaa, Intaa salaggay martaba Sun bay ku afuufaysaa. Wanaaggay saluugsantahay Samaantay ka dhiidhidaa Xumaantay saaciddaa Beentey saaxiib la tahay Qabiilkay la seexataa Sirrow bay weheshataa Sagsaaggay aammintaa Mid saaqiday bay tustaa, Siduu u danaysan laa. Saciimkay ka leexataa Waxay sarriftaa sharciga Caddaaladday seegantahay Xaqsoorkay suus ku tahay Sinnaantay cudur ku tahay Dulmiga inuu sare maro Bay sallaanka u toosisaa Eex bay ka sameeysantahay. Siyaasaddu waa labee; Middeer Soomaaliyeed Sideedaba waa nuxuus. Dadkii wada suubbanaa Ayuun bay sabab ibleys Mar qudha ku dhex sayrisaa, Markuu dhiig wada sunsumo Iyadu subag buu u yahay, Safayn goortay noqdaan Sarriib bay qaadataa Surgooyada laysu dhigo, Naf iyo ruux la sugo ‘Sidiinnii u sii waday' dhahdaa ‘Saacaddii kastaba!' Sedkooday qaadataa Saadkooday iibsataa Sawdkooday ku hadashaa Santuuqyay buuxsataa, Wixii seefo iyo quryo ah Wixii sulub dhici lahaa Si fudud bay ugu gaddaa, Sidee loo joojiyaa? Ujeeddadu waa sidaa. Siyaasaddu waa labee; Middeer Soomaaliyeed Sideedaba waa nuxuus. Qofkii samir iyo dulqaad Ku sugan bay colaadisaa, Midkii salfudeedka neceb Saf bay u kireeysataa Inuu sandulle ugu kaco. Silsilad bay daadisaa Siriq iyo dabin bay dhigtaa, Haddii aanu surinka gelin Sagsaagga ka daacad yahay, Xumaanta ka saafi yahay Ka saahido saar ibleys, Midkaasaa samatabbaxa, ‘Sirroow, ma hodmaa' la yidhi. Siyaasaddu waa labee; Middeer Soomaaliyeed Sideedaba waa nuxuus. Fal iyo sixir bay dhashaa Sarciyo cudur bay dhashaa Sun iyo boog bay dhashaa Sakiimmo af lay dhashaa Mindiyo sarayay dhashaa, Mid aan sedku deeqinoo Sibraarro watay dhashaa, Sakhraan daran bay dhashaa Saqiirro xun bay dhashaa Sawaad durey ah bay dhashaa Saxar iyo dembi bay dhashaa Belaayo soke bay dhashaa Subaacyo shishey dhashaa Sas iyo halis bay dhashaa, Dadkay sakaraadisaa Wax bay sinji doorisaa, Wixii seeddi iyo abti ah, Sokeeyaha wada dhashay, Saaxiibkay kala dhishaa. Siyaasad wixii yaqaan Caloosha wuxuu ku sido Haddii uu sari lahaa Ama uu saafsaafi laa, Wixii soonaha ka dhow Dadkuba wuu suuxi laa. Wixii seeraheeda galaa; Wax baa la saynsaabayaa Sarbeeb buu riixayaa, Isagu sogordaha gurracan Wuxuu ku saleeynayaa Inay saxan tahay middan. Su'aashuu diidayaa, Isagoon hadalkaaga sugin Haddana laba sikin dhexdood Wuxuu soo celinayaa Mid aadan siddiqi karayn. Sallaafi iyo waalli buu Qarhaysta u saaran yahay, Si buu wax u eegayaa Seenyaaluu bixinayaa Gacmuhuu sayrsayrayaa Wax buu suuradinayaa, Wuxuu saadaaliyaa Middii loo soo sajalay. Maxay sawir muujisaa Saxiix maran qaadataa Qoraallo sameeysataa, Waxaa ummad laysa sudhay Ayay sababtoodu tahay Haddana sahal moodayaan. Daacadi way samatabbixi, Sigtaa waa nabad galaa, Samraa waa helaa sedkii, Sagsaag waa khasaarayaa, ‘Sirrow ma hodmaa' la yidhi.

Search