Carays Ciise Kaarshe

All poems by Carays Ciise Kaarshe

Hooyo

Ha’ looxaa lagu dhigaa
Higgaad waa la akhriyaa
Hagaag waa loo socdaa
Hor waa loo sii hoydaa
Hadal waa la hindisaa
Ha’dii kale waxaan lahaa
Muddaan uurka hurrudnoo
Culays bey hayn jidhoo
Talaabtey la hakatoo
Xanuun bey la hingateye
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Habeen goor uu bartamay
Caanihii bey nagu habtoo
Horaadkey noo dhigtoo
Dharkii bey na huwiseye
Hooyadu waa lama huraan
Calooshaadoon hif oran
Adiga oon ka haqab bi’in
Hunguri ma haweeysatee
Hooyadu waa lama huraan
Habaaq goor aad tahayo
Talaabta aan la holi karin
Adoo ciiddii hambaday
Dhaqsaba waa ku hinjisaye
Hooyadu waa lama huraan
Afkaa aan ku hadalniyo
Hannaankeeniyo hub-qaad
Hagaag bey noo bartaye
Hooyadu waa lama huraan
Innaga oon haybad qabin
Hal beesa aan suubsan karin
Habaaskeey naga huftoo
Waa tii noo hiilisaye
Hooyadu waa lama huraan
Sidaanaan halis u gelin
Hungurigay suubisaa
Dhaqsaba hoo nama dhehdee
Intii ey ka hubsataa
Iyada yaa ku hormartee
Hooyadu waa lama huraan
Reerku hadduu yahay hayaan
Hayiinka aan saaran nahay
Hogaankeey haysatoo
Hoosbey kaala hadashoo
Intii aad ka huruddaa
Waa kuu heestaa haddane
Hooyadu waa lama huraan
Cilmiga shiikh ku hormariyo
Nin haamaan ah iyo hanad
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Haddii loo baahdo hiil
Geesiga loo habar wacdiyo
Fuleyga aan haadka hubin
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Deeqsi aad soo haybsatoo
Hamuuntii kaa ba’shiyo
Bakhaylka aan kula hadleyn
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Aabbuhu waa hawsha guud
Ayuna hoos bey hayaan
Habayntii guriga iyo
Hoygii bay noo huftaye
Hooyadu waa lama huraan
Geed yare kaa hooshay meel
Haddii aad ‘haah’ dhahdaa
Hubkii bey ka handaddoo
Iyada oon hagar lahayn
Haw waa tii soo dhahdee
Hooyadu waa lama huraan
Odagu waa haajiraa
Hawuu meel ugu kacaa
Hadduusan mawtku helin
Hortaadey taagan tehe
Hooyadu waa lama huraan
Habeenkaad soo dhaxdaa
Hurdada aad uma heshoo
Qalbiga waa ka hammidoo
Hilow bey kuu qabtaye
Hooyadu waa lama huraan
Horey adigoon ahayn
Dadkii bey u hanjabtoo
Halyeey beey kaa dhigtoo
Ammaan bey ku huwisaye
Hooyadu waa lama huraan
Abaarta hawaarsatiyo
Harraad meel loogu go’ay
Heyhaata uu dhaanku yahay
Cirkuna haawanahayaa
Halihi ey soo heshaa
Haddey hoo inna dhehdaa
Innaga oon soo hambeyn
Waatii aan heensannoo
Hamuunteedii horiyo
Dhib bey la hagoogateye
Hooyadu waa lama huraan
Sidii awr haamma wada
Dusheedaan halabsannoo
Hah goortaa nama dhahdee
Waa noo sii hoorsateye
Hooyadu waa lama huraan
Marada ay nagu hantiday
Haddaan hoos uga dhacnaa
Wadnihi bey ka hinqatoo
Calooshey ka halcateye
Hooyadu waa lama huraan
Alaabta horteeda taal
Haddaad laad ku hurguftaa
Habaar weyn kuma dhahdee
Inyar bey ka hifataye
Hooyadu waa lama huraan
Hilowlaha eey dhashaa
Haddii meel laga hayaa
Asuu haaraa habeen
Waa tii hoogeysatoo
Ilmadu ey hibitiqdee
Hooyadu waa lama huraan
Haddaan been lagu hadleyn
Wadnaha hawdiisa iyo
Halbowlaha dhiigga wada
Hareer baa laga dhigoo
Halkeey joogaan iyagu
Yaa loosoo wada hoydaye
Hooyadu waa lama huraan
Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan
Heddaadu haddey gashaa
Hog goortii lagu dhigoo
Wadaadduhu kula hadlaan
Aabbaha looma hal wecee
Waxaad tahay inna-heblee
Hooyadu waa lama huraan
Adduunyadu waa haween
Halkaa laskuma hayee
Nindoonaba ha hadlee
Hooyadu waa lama huraan
Hirar gaagaaban iyo
Hawada yaan ka hadlayaa
Waxba anigoon hambeyn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan
Hanfada ruuxii noqdaa
Hawraar kaama hantiyee
Waxba anigoon hambeyn
Hubaashiina an hayaa
Hoyadu waa lama huraan

Carays Ciise Kaarshe in media

Search