Hooyo

Ha’ looxaa lagu dhigaa
Higgaad waa la akhriyaa
Hagaag waa loo socdaa
Hor waa loo sii hoydaa
Hadal waa la hindisaa
Ha’dii kale waxaan lahaa
Muddaan uurka hurrudnoo
Culays bey hayn jidhoo
Talaabtey la hakatoo
Xanuun bey la hingateye
Hooyadu waa lama huraan
Ha’dii kale waxaan lahaa
Habeen goor uu bartamay
Caanihii bey nagu habtoo
Horaadkey noo dhigtoo
Dharkii bey na huwiseye
Hooyadu waa lama huraan
Calooshaadoon hif oran
Adiga oon ka haqab bi’in
Hunguri ma haweeysatee
Hooyadu waa lama huraan
Habaaq goor aad tahayo
Talaabta aan la holi karin
Adoo ciiddii hambaday
Dhaqsaba waa ku hinjisaye
Hooyadu waa lama huraan
Afkaa aan ku hadalniyo
Hannaankeeniyo hub-qaad
Hagaag bey noo bartaye
Hooyadu waa lama huraan
Innaga oon haybad qabin
Hal beesa aan suubsan karin
Habaaskeey naga huftoo
Waa tii noo hiilisaye
Hooyadu waa lama huraan
Sidaanaan halis u gelin
Hungurigay suubisaa
Dhaqsaba hoo nama dhehdee
Intii ey ka hubsataa
Iyada yaa ku hormartee
Hooyadu waa lama huraan
Reerku hadduu yahay hayaan
Hayiinka aan saaran nahay
Hogaankeey haysatoo
Hoosbey kaala hadashoo
Intii aad ka huruddaa
Waa kuu heestaa haddane
Hooyadu waa lama huraan
Cilmiga shiikh ku hormariyo
Nin haamaan ah iyo hanad
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Haddii loo baahdo hiil
Geesiga loo habar wacdiyo
Fuleyga aan haadka hubin
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Deeqsi aad soo haybsatoo
Hamuuntii kaa ba’shiyo
Bakhaylka aan kula hadleyn
Iyadaa soo hayn jidhaye
Hooyadu waa lama huraan
Aabbuhu waa hawsha guud
Ayuna hoos bey hayaan
Habayntii guriga iyo
Hoygii bay noo huftaye
Hooyadu waa lama huraan
Geed yare kaa hooshay meel
Haddii aad ‘haah’ dhahdaa
Hubkii bey ka handaddoo
Iyada oon hagar lahayn
Haw waa tii soo dhahdee
Hooyadu waa lama huraan
Odagu waa haajiraa
Hawuu meel ugu kacaa
Hadduusan mawtku helin
Hortaadey taagan tehe
Hooyadu waa lama huraan
Habeenkaad soo dhaxdaa
Hurdada aad uma heshoo
Qalbiga waa ka hammidoo
Hilow bey kuu qabtaye
Hooyadu waa lama huraan
Horey adigoon ahayn
Dadkii bey u hanjabtoo
Halyeey beey kaa dhigtoo
Ammaan bey ku huwisaye
Hooyadu waa lama huraan
Abaarta hawaarsatiyo
Harraad meel loogu go’ay
Heyhaata uu dhaanku yahay
Cirkuna haawanahayaa
Halihi ey soo heshaa
Haddey hoo inna dhehdaa
Innaga oon soo hambeyn
Waatii aan heensannoo
Hamuunteedii horiyo
Dhib bey la hagoogateye
Hooyadu waa lama huraan
Sidii awr haamma wada
Dusheedaan halabsannoo
Hah goortaa nama dhahdee
Waa noo sii hoorsateye
Hooyadu waa lama huraan
Marada ay nagu hantiday
Haddaan hoos uga dhacnaa
Wadnihi bey ka hinqatoo
Calooshey ka halcateye
Hooyadu waa lama huraan
Alaabta horteeda taal
Haddaad laad ku hurguftaa
Habaar weyn kuma dhahdee
Inyar bey ka hifataye
Hooyadu waa lama huraan
Hilowlaha eey dhashaa
Haddii meel laga hayaa
Asuu haaraa habeen
Waa tii hoogeysatoo
Ilmadu ey hibitiqdee
Hooyadu waa lama huraan
Haddaan been lagu hadleyn
Wadnaha hawdiisa iyo
Halbowlaha dhiigga wada
Hareer baa laga dhigoo
Halkeey joogaan iyagu
Yaa loosoo wada hoydaye
Hooyadu waa lama huraan
Hantida aad leedihiyo
Wixii aad haabataa
Haddii loo siiyo hibo
Abaalkood lama helee
Hooyadu waa lama huraan
Heddaadu haddey gashaa
Hog goortii lagu dhigoo
Wadaadduhu kula hadlaan
Aabbaha looma hal wecee
Waxaad tahay inna-heblee
Hooyadu waa lama huraan
Adduunyadu waa haween
Halkaa laskuma hayee
Nindoonaba ha hadlee
Hooyadu waa lama huraan
Hirar gaagaaban iyo
Hawada yaan ka hadlayaa
Waxba anigoon hambeyn
Hubaashiina aan hayaa
Hooyadu waa lama huraan
Hanfada ruuxii noqdaa
Hawraar kaama hantiyee
Waxba anigoon hambeyn
Hubaashiina an hayaa
Hoyadu waa lama huraan

Ha’ looxaa lagu dhigaa Higgaad waa la akhriyaa Hagaag waa loo socdaa Hor waa loo sii hoydaa Hadal waa la hindisaa Ha’dii kale waxaan lahaa Muddaan uurka hurrudnoo Culays bey hayn jidhoo Talaabtey la hakatoo Xanuun bey la hingateye Hooyadu waa lama huraan Ha’dii kale waxaan lahaa Habeen goor uu bartamay Caanihii bey nagu habtoo Horaadkey noo dhigtoo Dharkii bey na huwiseye Hooyadu waa lama huraan Calooshaadoon hif oran Adiga oon ka haqab bi’in Hunguri ma haweeysatee Hooyadu waa lama huraan Habaaq goor aad tahayo Talaabta aan la holi karin Adoo ciiddii hambaday Dhaqsaba waa ku hinjisaye Hooyadu waa lama huraan Afkaa aan ku hadalniyo Hannaankeeniyo hub-qaad Hagaag bey noo bartaye Hooyadu waa lama huraan Innaga oon haybad qabin Hal beesa aan suubsan karin Habaaskeey naga huftoo Waa tii noo hiilisaye Hooyadu waa lama huraan Sidaanaan halis u gelin Hungurigay suubisaa Dhaqsaba hoo nama dhehdee Intii ey ka hubsataa Iyada yaa ku hormartee Hooyadu waa lama huraan Reerku hadduu yahay hayaan Hayiinka aan saaran nahay Hogaankeey haysatoo Hoosbey kaala hadashoo Intii aad ka huruddaa Waa kuu heestaa haddane Hooyadu waa lama huraan Cilmiga shiikh ku hormariyo Nin haamaan ah iyo hanad Iyadaa soo hayn jidhaye Hooyadu waa lama huraan Haddii loo baahdo hiil Geesiga loo habar wacdiyo Fuleyga aan haadka hubin Iyadaa soo hayn jidhaye Hooyadu waa lama huraan Deeqsi aad soo haybsatoo Hamuuntii kaa ba’shiyo Bakhaylka aan kula hadleyn Iyadaa soo hayn jidhaye Hooyadu waa lama huraan Aabbuhu waa hawsha guud Ayuna hoos bey hayaan Habayntii guriga iyo Hoygii bay noo huftaye Hooyadu waa lama huraan Geed yare kaa hooshay meel Haddii aad ‘haah’ dhahdaa Hubkii bey ka handaddoo Iyada oon hagar lahayn Haw waa tii soo dhahdee Hooyadu waa lama huraan Odagu waa haajiraa Hawuu meel ugu kacaa Hadduusan mawtku helin Hortaadey taagan tehe Hooyadu waa lama huraan Habeenkaad soo dhaxdaa Hurdada aad uma heshoo Qalbiga waa ka hammidoo Hilow bey kuu qabtaye Hooyadu waa lama huraan Horey adigoon ahayn Dadkii bey u hanjabtoo Halyeey beey kaa dhigtoo Ammaan bey ku huwisaye Hooyadu waa lama huraan Abaarta hawaarsatiyo Harraad meel loogu go’ay Heyhaata uu dhaanku yahay Cirkuna haawanahayaa Halihi ey soo heshaa Haddey hoo inna dhehdaa Innaga oon soo hambeyn Waatii aan heensannoo Hamuunteedii horiyo Dhib bey la hagoogateye Hooyadu waa lama huraan Sidii awr haamma wada Dusheedaan halabsannoo Hah goortaa nama dhahdee Waa noo sii hoorsateye Hooyadu waa lama huraan Marada ay nagu hantiday Haddaan hoos uga dhacnaa Wadnihi bey ka hinqatoo Calooshey ka halcateye Hooyadu waa lama huraan Alaabta horteeda taal Haddaad laad ku hurguftaa Habaar weyn kuma dhahdee Inyar bey ka hifataye Hooyadu waa lama huraan Hilowlaha eey dhashaa Haddii meel laga hayaa Asuu haaraa habeen Waa tii hoogeysatoo Ilmadu ey hibitiqdee Hooyadu waa lama huraan Haddaan been lagu hadleyn Wadnaha hawdiisa iyo Halbowlaha dhiigga wada Hareer baa laga dhigoo Halkeey joogaan iyagu Yaa loosoo wada hoydaye Hooyadu waa lama huraan Hantida aad leedihiyo Wixii aad haabataa Haddii loo siiyo hibo Abaalkood lama helee Hooyadu waa lama huraan Heddaadu haddey gashaa Hog goortii lagu dhigoo Wadaadduhu kula hadlaan Aabbaha looma hal wecee Waxaad tahay inna-heblee Hooyadu waa lama huraan Adduunyadu waa haween Halkaa laskuma hayee Nindoonaba ha hadlee Hooyadu waa lama huraan Hirar gaagaaban iyo Hawada yaan ka hadlayaa Waxba anigoon hambeyn Hubaashiina aan hayaa Hooyadu waa lama huraan Hanfada ruuxii noqdaa Hawraar kaama hantiyee Waxba anigoon hambeyn Hubaashiina an hayaa Hoyadu waa lama huraan

Search