Hambaliyo Hoyga Maansada

Hadey muddo habsaantoo
Hugunka maanso la waayey
Iga hooya maanta
Halyeeya ukacoo
Hirgaliyey hoyga maansado
Yiri hal-doorkii
Hal abuurka hodanka ku ahaa
Muujiya hanaankiyo
Qiimaha afka hooyo.

Xilkay hagoogan yihiin iyo
Himilada hankooda
Hambalyaa u mariyoo
Ducaan u hurayee
Hiigsigoodoo rumooba iyo
Hawraarteydu waa
Hadafkiina gaara'oo
U hiiliya afka hooyo
Isagaa ma huraano
Huwan murtiyoo idilee.

Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Search