Gabowga

Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga
Sidda wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey
Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga
Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday
Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda
Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda
Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh
Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah
Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise
Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah
Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye
Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele
Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane
Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay
Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay
Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane
Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede
Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay
Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay
Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay
Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey
Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga Sidda wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

Search