Carshigii Jamaalka

Ma cawaa ma caanaa
Ma ciirtaa ma calaf baa
Ma cuq baa ma cigashaa
Ma cisaa ma culuq baa
Ma daruur gu' curatoo
Cir caddaad an noqon baa
Ma cigaalka feleggiyo
Cirjiidkii mariiqaa
Ma magool cusayb baa
Ma cadceed arooryoo
Falaadhaha casuustaleh
Ku cabsiisay dheeggoo
Ceeryaantii didisaa
Ma xareed is celisaa
Ma habeen cadda ah oo
Balliyada cigaagani
Casuumeen xiddigahoo
Sida camal muraayad ah
Cirka dayaxi kaa jiray
Dhulka kaa cawaray baa
Cosob rayska xaadhiyo
Ma gargoorkii ceegoo
Calyayada barkaday baa
Alla sama cuddoonaa
Udugaa carfoonaa
Samsam caynka loo dhigay
Citibaaro badanaa
Calle ma aha liiti ah
Habac maaha ceebaleh
Qallef maaha camal ba'an
Coon maaha loo hoyan
Baali maaha caaryaleh
Cirir maaha toomama
Cawro maaha socod badan
Cayil maaha laga dido
Caatana u may bixin
Cid kastaba u geeyoo
Meel laga canaantiyo
Cillad loo ma heli karo
Cabdiyow tallaabada
Cutiyaan idhaahdaa
Timahay caweyskii
Cirifyada u saartee
Ku cayaara leydhee
Haldhaayaduna cawryaan
Indhaheeda cawsha ah
Mus cideedka midabka ah
Sanqadhoodhka caynaba
Timaheeda culayga ah
Ciridkeeda dhuxusha ah
Ilkahaa caddaanka ah
Camankeeda xaaddaleh
Dhexda caara dhuubta ah
Cududaha garaaraha
Kubabkay u culustahay
Cambarshaha sudhkeeday
Firirsheen cabbaaryadu
Waa Xuur al-Caynoo
Kolba anigu tin iyo cidhib
Cad aan quudho kuma arag
Cagfudayd u may dhalan
Cadho lagu ma sheegeyn
Waa canaadi lama odhan
Carrabkeedu beentiyo
Ma yaqaano caydaba
Wax ka cawda maan maqal
Ma cod dheera waa gabadh
Xishood baa u caado ah
Cimri waa u gaban weli
Caqli waa u waayeel
Cidhib baanay leedahay
Aniguna ma caasiyo
Cadraddii ammaan lehe
Carshigii jamaalkaan
U caleemo saaraye
Adna cadar Hadraawow
Hambalyada u soo curi

Ma Salguuro Caashaq
Ma salguuro caashaqe,
Ani sibiq ma igu yidhi?
Intuu samada ila tegey
Saxar-qaadka fooraha
”Dul-sabbee!” ma igu yidhi?
Dhalanteed ma igu sabay?
Soojeede maqan oon
Seexannayn ma iga dhigey?
Ma salguuro caashaqe,
Ani sahal ma igu heley?
Intuu soortii iga jaray
Suun adag ma igu xidhey,
Ma i saaray heegada?
Wax sanceeya ma u la’ay
Saaka maygu weynyahay?
Suxullada ma ii dhigey?
Ma salguuro caashaqe,
Ani salow ma igu ridey?
Sambabbadiyo feedhaha
Intuu surimmo kala baxay
Ma ku soofay xididdada?
Seediyo lafaha iyo
Wadnihii ma sarayoo,
Halistii ma suranyahay?

Ma cawaa ma caanaa Ma ciirtaa ma calaf baa Ma cuq baa ma cigashaa Ma cisaa ma culuq baa Ma daruur gu' curatoo Cir caddaad an noqon baa Ma cigaalka feleggiyo Cirjiidkii mariiqaa Ma magool cusayb baa Ma cadceed arooryoo Falaadhaha casuustaleh Ku cabsiisay dheeggoo Ceeryaantii didisaa Ma xareed is celisaa Ma habeen cadda ah oo Balliyada cigaagani Casuumeen xiddigahoo Sida camal muraayad ah Cirka dayaxi kaa jiray Dhulka kaa cawaray baa Cosob rayska xaadhiyo Ma gargoorkii ceegoo Calyayada barkaday baa Alla sama cuddoonaa Udugaa carfoonaa Samsam caynka loo dhigay Citibaaro badanaa Calle ma aha liiti ah Habac maaha ceebaleh Qallef maaha camal ba'an Coon maaha loo hoyan Baali maaha caaryaleh Cirir maaha toomama Cawro maaha socod badan Cayil maaha laga dido Caatana u may bixin Cid kastaba u geeyoo Meel laga canaantiyo Cillad loo ma heli karo Cabdiyow tallaabada Cutiyaan idhaahdaa Timahay caweyskii Cirifyada u saartee Ku cayaara leydhee Haldhaayaduna cawryaan Indhaheeda cawsha ah Mus cideedka midabka ah Sanqadhoodhka caynaba Timaheeda culayga ah Ciridkeeda dhuxusha ah Ilkahaa caddaanka ah Camankeeda xaaddaleh Dhexda caara dhuubta ah Cududaha garaaraha Kubabkay u culustahay Cambarshaha sudhkeeday Firirsheen cabbaaryadu Waa Xuur al-Caynoo Kolba anigu tin iyo cidhib Cad aan quudho kuma arag Cagfudayd u may dhalan Cadho lagu ma sheegeyn Waa canaadi lama odhan Carrabkeedu beentiyo Ma yaqaano caydaba Wax ka cawda maan maqal Ma cod dheera waa gabadh Xishood baa u caado ah Cimri waa u gaban weli Caqli waa u waayeel Cidhib baanay leedahay Aniguna ma caasiyo Cadraddii ammaan lehe Carshigii jamaalkaan U caleemo saaraye Adna cadar Hadraawow Hambalyada u soo curi Ma Salguuro Caashaq Ma salguuro caashaqe, Ani sibiq ma igu yidhi? Intuu samada ila tegey Saxar-qaadka fooraha ”Dul-sabbee!” ma igu yidhi? Dhalanteed ma igu sabay? Soojeede maqan oon Seexannayn ma iga dhigey? Ma salguuro caashaqe, Ani sahal ma igu heley? Intuu soortii iga jaray Suun adag ma igu xidhey, Ma i saaray heegada? Wax sanceeya ma u la’ay Saaka maygu weynyahay? Suxullada ma ii dhigey? Ma salguuro caashaqe, Ani salow ma igu ridey? Sambabbadiyo feedhaha Intuu surimmo kala baxay Ma ku soofay xididdada? Seediyo lafaha iyo Wadnihii ma sarayoo, Halistii ma suranyahay?

Search