Baadi-Sooc

Seehi geeloo
Sadex boqol iyo
Sagaashan habeen
Uu sid keed yahay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Baarqab suguloo
Maraq saarkiyo
Ilaa sararaha
Dhibidii simay
Sange shaal iyo
Sitaac quruxliyo
Laji sudhantoo
Sindiyaal lulay
Darmaan sebiyoo
Gaasabixinoo
Sidii wiil curad
Sixin lagu habo

Waa sadkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Sac irmaanoo
Weyl aan socod baran
U siyaaxiyo
Gadhoodh iyo subag
Dibi suudh loo
Sarar waynoo
Seero daaqoo
Geesku samay yahay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Orgi salawloo
Suurad bahalloo
Seenyo dhuuxeey
Sinsaaro udhigay
Sumal gooloo
Tiro suuriyo
Sabeenaha ugub
Jeeni wada sudhay

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Suuban boqor iyo
Saddex qayd iyo
Bafto sidatoo
Subeeciyad xidhan

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Barbaar seefiyo
Hooto samayliyo
Saddex geesiyo
Sita dhuugii

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Boqol sooniyo
Guurti sooftoo
Sama talisoo
Geedka lagu sugo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Seerma waydiyo
Dadkoo saxal baxay
Dhallin saxanoo
Sacab tumataa

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Surad iyo lool
Gaari soohdoo
Gabadh lala sugo
Dhibaad iyo sii

Waa sedkeeniyo
Sawraceeniyo
Sinjaan ulahayn

Marti socotoo,
Sama faliddeed
Sumal gooliyo
Sogob loo qalo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Sooryo xididoo
Xeedhyo saabliyo
Caanihii sulub
Habeen lagu sedo

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Baadi sooc iyo
Dhaqan suganoo
Soo jireenoo
Aan sal guurayn

Waa sedkeeniyo
Sawraceenoo
Sinjaan ulahayn

Rabaw saawiyo
Saxal cudur iyo
Aafo socotiyo
Sadho naga hay
Rabaw sigashiyo
Col saqaafiyo
Weerar siman iyo
Sumuc naga furo
Rabaw siigiyo
Abaar suruqdiyo
Soof idlaadiyo
Saban naga dhawr
Rabaw silic iyo
Saac fogaadiyo
Saba guurtiyo
Saymo naga kori.

Seehi geeloo Sadex boqol iyo Sagaashan habeen Uu sid keed yahay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Baarqab suguloo Maraq saarkiyo Ilaa sararaha Dhibidii simay Sange shaal iyo Sitaac quruxliyo Laji sudhantoo Sindiyaal lulay Darmaan sebiyoo Gaasabixinoo Sidii wiil curad Sixin lagu habo Waa sadkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Sac irmaanoo Weyl aan socod baran U siyaaxiyo Gadhoodh iyo subag Dibi suudh loo Sarar waynoo Seero daaqoo Geesku samay yahay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Orgi salawloo Suurad bahalloo Seenyo dhuuxeey Sinsaaro udhigay Sumal gooloo Tiro suuriyo Sabeenaha ugub Jeeni wada sudhay Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Suuban boqor iyo Saddex qayd iyo Bafto sidatoo Subeeciyad xidhan Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Barbaar seefiyo Hooto samayliyo Saddex geesiyo Sita dhuugii Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Boqol sooniyo Guurti sooftoo Sama talisoo Geedka lagu sugo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Seerma waydiyo Dadkoo saxal baxay Dhallin saxanoo Sacab tumataa Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Surad iyo lool Gaari soohdoo Gabadh lala sugo Dhibaad iyo sii Waa sedkeeniyo Sawraceeniyo Sinjaan ulahayn Marti socotoo, Sama faliddeed Sumal gooliyo Sogob loo qalo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Sooryo xididoo Xeedhyo saabliyo Caanihii sulub Habeen lagu sedo Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Baadi sooc iyo Dhaqan suganoo Soo jireenoo Aan sal guurayn Waa sedkeeniyo Sawraceenoo Sinjaan ulahayn Rabaw saawiyo Saxal cudur iyo Aafo socotiyo Sadho naga hay Rabaw sigashiyo Col saqaafiyo Weerar siman iyo Sumuc naga furo Rabaw siigiyo Abaar suruqdiyo Soof idlaadiyo Saban naga dhawr Rabaw silic iyo Saac fogaadiyo Saba guurtiyo Saymo naga kori.

Search