Calanyahw Kumaa Tahay?

Calan yahaw kumaad tahay
Ciirsigaagu waa kee
Cudud aad ku faantiyo
Colka qaar la diririyo
Miyaad ciidan leedahay?

Bulsho aad ku culus tahay
Miyay kugu cawaysaa
Ma cir kaad u hoyataa
Dhulka cidhif ma leedahay?

Cawo qabe miyaad tahay
Mise ceel dunshaad tahay
Cilin iyo mid aayo leh
Labadaa car kee tahay?

Caku daadu badataye
Bal caddee warkaagoo
Calan yahaw kumaad tahay?

Caloolyawga maansada
Haddaad curisay inan yahay
Waydiimaha cajiibka leh
Aniguna ciraab fudud
Aan kaga hal celiyee
Magacaygu waa caan
Cimrigaan ku gaadhsiin
Anoo caadda marayee
Waxaan ahay cawaalaha
Cirka loogu magac daray!

Waagaan cusboonaa
Cisi iyo karaamiyo
Carfi baan lahaan jirey
Casrigani hayeeshee
Cidna ima daryeeshoo
Waxa aan qabaa ciil
Dushaydaa colaad iyo
Cadho lagu galaa badan
Cabashaan tirsanayaa

Walow aan caddilanahay
Ma car jabin hankayguye
Samir baan cuskanayaa

Waxba yaan cataabine
Cishadaydi baa iman
Sharaftaydi baa curan
Waxa soo rogaal celin
Maalmii cuddoonaa

Anay caalam koo idil
Badahaa cammiran iyo
Carradayda wada iman
Cirka sare ayaan tegi

Cagta kii ijiidee
I curyaanshay waa hore
Curadkiisi baa iman
Oo caddaalad ila raba

Kuwa maanta caasiyo
Igu sheegay caamana
Barray ii ciyaar tumi.

Calan yahaw kumaad tahay Ciirsigaagu waa kee Cudud aad ku faantiyo Colka qaar la diririyo Miyaad ciidan leedahay? Bulsho aad ku culus tahay Miyay kugu cawaysaa Ma cir kaad u hoyataa Dhulka cidhif ma leedahay? Cawo qabe miyaad tahay Mise ceel dunshaad tahay Cilin iyo mid aayo leh Labadaa car kee tahay? Caku daadu badataye Bal caddee warkaagoo Calan yahaw kumaad tahay? Caloolyawga maansada Haddaad curisay inan yahay Waydiimaha cajiibka leh Aniguna ciraab fudud Aan kaga hal celiyee Magacaygu waa caan Cimrigaan ku gaadhsiin Anoo caadda marayee Waxaan ahay cawaalaha Cirka loogu magac daray! Waagaan cusboonaa Cisi iyo karaamiyo Carfi baan lahaan jirey Casrigani hayeeshee Cidna ima daryeeshoo Waxa aan qabaa ciil Dushaydaa colaad iyo Cadho lagu galaa badan Cabashaan tirsanayaa Walow aan caddilanahay Ma car jabin hankayguye Samir baan cuskanayaa Waxba yaan cataabine Cishadaydi baa iman Sharaftaydi baa curan Waxa soo rogaal celin Maalmii cuddoonaa Anay caalam koo idil Badahaa cammiran iyo Carradayda wada iman Cirka sare ayaan tegi Cagta kii ijiidee I curyaanshay waa hore Curadkiisi baa iman Oo caddaalad ila raba Kuwa maanta caasiyo Igu sheegay caamana Barray ii ciyaar tumi.
Calan yahaw kumaad tahay
Ciirsigaagu waa kee
Cudud aad ku faantiyo
Colka qaar la diririyo
Miyaad ciidan leedahay?

Search