Poetry in Somali society: A brief history
![](https://www.hoygamaansada.com/wp-content/uploads/2021/05/IOM_TobinJones_-52-1024x682.jpg)
Waxay Soomaalidu ahayd, welina tahay Ummad aad u muuneysa aftahammada guud ahaan, gaar ahaanna maansada. Qoristii Afsoomaaliga ka horna, waxay maansadu ula meel joogtey buug-taariikheed ay ka ogaadaan waayihii ay soo mareen iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee noloshooda si taban amaba togan u saameeyey. Soomaalidii reer-miyiga ahayd markay dagaallo dhex-maraan, gabyaaga qabiilka ayaa tirin jirey maanso