Doorka Suugaanta Nabadda iyo Xuquuqda Dumarka ee Abwaan Nimco Aadan

Nimco Aadan Hurre oo ku caan  ku ahayd magaca Nimco Gabaydo sannadkii 1969 ayey ku dhalatay deegaanka Gudubi oo ka tirsan degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer. Sannadkii 1976 aey bilawday waxbarashada asaasiga ah  iyada oo ka bilawday dugsiga Suuqsade ee magaalo xeebeedka Berba.

Nimco-Gabaydo waxa ay ku barbaartay magaalada Berbera ee ay waxka baranaysay waxbarashada dugsiga dhexe-na waxa ay ku qaadatay Burco iyada oo dhammaysay Sannadkii 1983kii.  Sannadkii 1991 ayey bilawday curinta suugaanta iyada oo markaas ka bilawday inay ka gabaydo nabadaynta , waxayna markii u horreysay ka gabayday suugaan ka hadlaysa sidii ay u heshiin lahaayeen bulshadii deegaankeeda oo markaas colaado ay ka jireen, ka dibna waxay u istaagtay inay u ololayso nabadaynta iyo kala dhexgelida colaadaha beelaha wada degan, iyada oo adeegsanaysa suugaanta ay hibada u lahayd .

 

Gabaygu wuxuu ka dhashaa dareen, taasi oo ka dhigan in qofku markii uu wax dareemo ee ay hibaduna ku jirto uu wax curin karo , waana sababta luuqadda carbeed oo ay aad iskugudhawyihiin suugaanta Soomaalida ay qofkaas ugu yaqaanaan Shaacir oo ka dhigan kii wax dareemayey. Waana sida ay ii sheegtay Nimco Gabaydo oo ay sheegtay in dareen ay markaas u gaar ahaan kaasi oo ay ku bilawday curinta suugaanta ka dibna ay uga faa’idaystay inay ku muujiso doorka nabadaynta bulshadeeda iyo weliba u qareemidda dumarka dulman sida kuwa la faqooqo amaba aan si siman u helin waxbarashada  iyo shaqada “ Waxaan Suuganta in badna ugu dagaalamay oo aan garab ku siiyey haweenka waxaan tiriyey gayabyo aad u tiro badan oo aan midkasta ku cabbiraya dhib jirta oo xal u baahnayd sida dad walaalo ah oo isdagaalaya, gabar xaqeedii la siinwaayey, gabar la kufsaday amaba gabar iyada oo yar inta la guursadya ka dibna ubadkii lagu dayacay sidasina ku dhibaataysay, markasta waxaan leeyahay dumarka xaqooqa hala siiyo ha la garab istaago yaan la duminin’ ayey  tiri Nimco oo ka hadlaysay suugaanteeda iyo doorka  ay kaga jirto nolosha bulshada.

Waxay mar kale sheegtay Nimco “ Waxaan ugu jecelashay suugaanta aan tiriyey mid aan kaga hadlay xuquuqda dumarka oo magaciisu yahay saw naga maaha, kaasi oo aan curiyey sannadkii 2003 mar aan ka hadlaayey dumarka iyo siday dhankasta u buuxiyeen nolosheena.

Nimco kamay daalin inay haweenka ugu hiiliso suugaanteeda muddo dheer, waxay markasta haweenka ku boorin jirtay inay waxbartaan sidoo kalena ay markasta mudnaanta siiyaan  horumarkooda .

 

Nimco Aadan Hurre laba mar ayey ku guulaystay tartan gabayo ah waxayna markasta muujin jirtay siday hibadeedu suugaaneed u sarrayso.

Sannadkii 2015 ayey magaalada Hargeysa ku geeriyootay  waxayna dhashay afar caruur ah .

 

 

 

 

 

Nimco Adan Hurre, popularly known as Nimco Gabaydo, was born in 1969 in the Gudubi area of ​​ Togdheer in central Somaliland, but grew up in Berbera and completed secondary school in Burao. In 1991 she started composing literature, singing songs about peace, and writing poems about how to reconcile communities in a time of conflict. Throughout her career, she tried to use her literary gifts to resolve inter-communal conflict.

Poetry is born out of emotion, as a way to express a person’s feelings in writing. In Arabic, which has had a significant influence on Somali literature, poetry is known as Sha’ir, which means things that come from your feelings. This captures how Nimco started expressing her feelings through literature in an attempt to bring peace to her community as well as advocating for the oppressed and for marginalized women.

“I have fought many battles with the use of literature and supported women,” said Nimco in an interview with Omer Seerbiya in 2014. “Many of my poems focus on the issues women face and how they can be solved, such as girls whose rights are taken by their brothers, or young girls who are married to old men and girls who marry young and whose husbands leave them with children to look after with no support. I have always said that women should be given the right to stand on their own two feet and not be destroyed.

“In my opinion, the best piece of literature I have ever created is about women’s rights, and not about me. I composed it in 2003, when I was talking about women’s issues and how they permeate every sphere of our life and society.”

Nimco never tired of supporting women through her literature. Over many years, she consistently encouraged women to study and always prioritized their development. In 2013, Nimco Adan Hurre won an international poetry competition held in Tunisia for African poets, demonstrating her considerable literary talent. She died in Hargeisa in 2015 and is survived by four children.

Raadi