Bandhig Faneedka iyo Dhaqanka Soomaalida ee UK oo dib-u-bilowday ka dib hakadkii uu dhaliyay Covid

Sanadguuradii 13-aad ee Isbuuca Bandhig Faneedka iyo Dhaqanka Soomaalida (Somali Week Festival) ayaa lagu soo gebagabeeyay magaalada London, iyadoo lagu soo bandhigay munaasabado kala duwan oo isugu jiray gabayo, suugaan, qoraalo iyo muusig.

 

Bandhigga sanadlaha ah waxaa soo qabanqaabiyay Kaydka Fanka iyo Dhaqanka ee Soomaalida Kayd Somali Arts and Culture, oo ah hay’ad faneed oo fadhigeedu yahay dalka UK, taasoo sare u qaada dhaqanka iyo kala duwanaanshaha Soomaalida ee dhanka fanka.

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

“Kayd wuxuu aad ugu faraxsan yahay oo ku faanayaa in uu soo bandhigo xafladdan, annagoo ka sii gubeyna dhibaatadii Covid si aan ula wadaagno bulsho waynta Soomaaliyeed fanka, suugaanta iyo dhaqanka,” ayay tiri Hanna Cali, oo ah Agaasimaha Farshaxanka Kayd. “Waxaan u dabaaldegi doonaa halyeeyada nool, waxaan xusi doonaa kuwa aan hadda nala joogin, waxaana u quudareyneynaa kuwa soo socda mustaqbalka waxbarashada, dhaqanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.”

 

 

Bandhigga ayaa la qabtay lixdii maalmood ee ugu dambeysay ee  bisha Oktoobar iyada oo la soo bandhigay munaasabado ka dhacay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Maktabadda Ingiriiska, Jaamacadda SOAS iyo Aqalka Oxford ee Bariga London.

 

Ayaan Maxamuud, oo ah Aasaasaha iyo Agaasimaha Maamulka Kayd, ayaa khudbadeeda furitaanka, ku ammaantay qaar ka mid ah fanaaniinta waaweyn ee Soomaaliyeed sida Axmed Ismaaciil Xuseen Xudeydi – oo loo arko mid ka mid ah aabayaashii fanka casriga ah ee Soomaalida – oo u dhintay cudurka Coronavirus sannadkii hore.

 

 

“Halkudhegga sanadkan waa ‘Milicsiga wakhtiyadii la soo dhaafay, iyo U heelanaata Mustaqlabka’, waxaan dib u eegeynaa abwaanadeenii waaweynaa iyo kuwa taariikhiga ah [kuwaasi oo gacan ka geystay] fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,” ayay tiri. “Laakiin sidoo kale waanu sugi doonaa oo aan dhiirigelin doona dadka sida Nadiifa Maxamed – oo buuggeedii u dambeeyay, The Fortune Men, loo soo xulay liiska abaalmarinta the Booker Prize.”

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

Martida iyo aqoonyahannada suugaanta ee sanadkan waxay ka kala yimaadeen ilaa Kanada, Soomaaliya, Maraykanka iyo Yurub. Suugaanta iyo bandhiga buugaagta ayaa ah qaybaha ugu muhiimsan ee bandhigga sanadlaha ah, waxaana ka mid ahaa buugaagtii sida weyn loo sugayay ee lagu soo bandhigay xafladan buuga cusub ee uu qoray Maxamed Ibraahim Hadraawi oo dad badani u arkaan in uu yahay abwaanka Soomaaliyeed ee ugu caansan ee hadda nool.

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)
Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

 

 

Waxaa madasha furitaanka ka hadlay abwaannada da’da yar iyo kuwa soo koraya oo uu ka mid yahay Ibraahim Xirsi oo suugaantiisa lagu soo bandhigay Hoyga Maansada.

 

Hoyga Maansada Soomaaliyeed, wuxuu kaydiyaa maansooyinka Soomaalida ugu wanagsan si loo ilaaliyo dhaxal dhaqameedka Soomaaliya si uusan u lumin fursadna  loogu siiyo abwaannada cusub sida Xirsi oo kale in ay u soo bandlhigaan hibadooda akhristayaal iyo dhegaystiyaal ballaaran.

Si aad wax badan uga ogaato Hoyga Maansada Soomaaliyeed iyo Tartanka Gabayada Soomaaliyeed ee 2021, booqowebsite-ka ama nagala soco baraha bulshada: Twitter: @hoygamaansada, Facebook: @hoygamaansada, Instagram: @hoygamaansada, YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk

The 13th anniversary of Somali Week Festival has just concluded in London, with a series of cultural events, poetry, literature and music.

 

The annual festival is organised by Kayd Somali Arts and Culture, a UK-based artistic organisation that promotes Somali culture and diversity through arts. Kayd Somali Arts and Culture, oo ah hay’ad faneed oo fadhigeedu yahay dalka UK, taasoo sare u qaada dhaqanka iyo kala duwanaanshaha Soomaalida ee dhanka fanka.

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

“Kayd is immensely excited and proud to present this festival as we begin to emerge from the pandemic to share Somali arts, literature and culture as a community and with the wider society,” said Hanna Ali, Artistic Director of Kayd in a statement. “We will celebrate our living legends, pay homage to those no longer with us and look forward towards the future of Somali studies, culture and arts.”

 

 

The festival was held over the last six days of October through events in different locations including The British Library, SOAS University and Oxford House in East London.

 

In her opening speech, Ayan Mohamoud, Founder and Managing Director of Kayd, paid tribute to some of the leading Somali artists like Ahmed Ismail Hussein Hudeidi – considered one of the founding fathers of modern Somali music – who died of Coronavirus last year.

 

 

“This year’s theme is ‘Inspired by the Past, Inspiring the Future’, we are going to look back at our great poets and historical figures [who have contributed] to Somali arts and literature,” she said. “But also we are going to look forward and we are going to be inspired by people like Nadifa Mohamed – whose latest book, The Fortune Men, was shortlisted for the Booker Prize.”

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

This year’s guests and literary scholars came from as far as Canada, Somalia, the US and Europe. Poetry and book launches are key components of the annual festival and one of the highly anticipated books that were launched at the festival buuga cusub was a new book by Mohamed Ibrahim Hadrawi, who is considered by many to be the “greatest living Somali poet”. abwaanka Soomaaliyeed ee ugu caansan ee hadda nool.

Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)
Photo credit: Ali Naji (@Najivisuals)

 

 

Young and upcoming poets such as Ibrahim Hersi, whose poetry is featured on Hoyga Maansada, also performed at the opening event. Hoyga Maansada.

 

Hoyga Maansada, the Home of Somali Poetry, hosts a comprehensive archive of some of the finest Somali poetry to keep Somalia’s cultural inheritance safe and allow newer poets like Hersi to showcase their talent to a wider readership and listenership.

To find out more about the Home of Somali Poetry and the 2021 Somali Poetry Awards, visit the website or follow us on social media: Twitter: @hoygamaansada, Facebook: @hoygamaansada, Instagram: @hoygamaansada, YouTube: https://tinyurl.com/yxfrcnsk https://tinyurl.com/yxfrcnsk

Raadi