Jaamac Axmed ‘Jaamac Gacmadheere’

All poems by Jaamac Axmed ‘Jaamac Gacmadheere’

Dimuqraadi

Dacwad uu anfiyey wiil yarbaa, lagu dagaalaaye
Nin duqoobey wuu garanayaa, daw rag loo maro' e
Da'duu kugu gareeyaa haddaad, dood ku murantaane
Anna waxan Degree-ga u sitaa, deelka maansada'e
Deel-qaafka iigama tago, iyo dira-diraalayne
Dibnahaan ka dhawraa warkaan, la iga doonayne

Anigoo daliishii hayaan, daacad tiriyaaye
Ninkii iga dalbada waanadaan, ugu dadaalaaye
Hadduuse ruux dammiin yahay, dheguu uma daloolaane
Dalalawsi buu kuu maqlaa, kumana doogtaane
Qalbigaa wax laga daalacdaa, waa ka daar xidhan'e
Wax ka daran dalkii caasi, iyo Diinti la collow'e.

Nimankii dibbiray wiilashii, daribtu weynaatey
Nimankii sidii geel darmeed, dulundulcaynaayey
Nimankii hawada duulayee, daafta mari waayey
Dibjir iyo faqiir innamadii, hoos u deyi waayey
Durdur malaba dooxii Hodma, oo Dur iyo Yaaquud'a
Dixda lacaga nimankii lunsaday, Doolarkiyo jeegga

Hadba muunaddii soo degtiyo, daawashada dheeha
Anna ii dir baabuuraddii, laysku deyanaayey
Dahabkii la dhuray xoolihii, debedda loo saaray
Kuwii dawladaha reer galbeed, nagula daaweystey
Deeq iyo amaah maal wixii, loo daldalanaayey
Diir iyo sidii Koronkorray, dunida fiiqeen

Duuduub marbay noo liqeen, Daray sidiisiiye
Doqon dheregtey waayeel, ma oga diifta uu qabo'e
Derejada nin liitiyo haween, wax isma doorshaane
Inkastuu dallaco hoorri waa, kii ka sii dara'e
Goortuu digaashoow nimcada, daasan kari waayo
Daah igama saarnayn inuu degeyo Liilaafe.

Daruuraha nabsiga maalinbaa, lagu dul keenaaye
Waa kaas dalkeennii ka baxay, dib u hayaankiiye
Waataa dabayl caafimaad, laysu soo diraye
Dingaraaradii lagu dhuftiyo, dakharadii gaadhey
Dubbihii ku dhacay weerarkii, lagu daqiiqeeyey
Daad baa la tegey Leegadii, daallinka ahayde

Nimankii dulmiga beeri jirey, dabarka loo jiidye
Daartii Casayd iyo guryii, laysu dacareeye
In dhaweydba kama soo degeyn, Derejki dheeraaye
Kursigay ku doonyayn jireen, kuma dekeeyaane
Taxi-gii daboolnaa hablii, kulama daahaane
Deynkay galeen iyo Sharci baa, daaqadda u yaalle
Dimoqraaddi baa lagu beddelay dawlad magacdiiye.

Dayaxaaba lagu guurayaa, durugsey uunkiiye
Dammanaantu waa waxan khalqiga, uga danbaynaaye
Dunjigeedba soomali waa, ul iyo diirkeede
Abtirsiimadaa inna dishee, dumiya laynkeeda
Dadka kale dalkiisuu qotaa, tacab ka doontaaye
Duubiga laxaadkay wixii, dedan ku baadhaan

Dubbaha iyo Madaraqaa garoon, lagu dalooshaaye
Duurkiyo xaskaa laga guraa, dogobka yaal-yaalle
Meeshoo daleel laga dhigaa, Dibidu jeexdaaye
Goortay daqiiqaha tahay, Sarac ku daadshaane
Webiyada durdurayay biyaha, dacal ka siiyaane
Dalageeda soo baxay dhulbay, duud ku noqotaaye

Gortay da'daa kuu dhashay, darar ka maalaane
Danbarkeeda waa laga dhergaa, sida daruur roobe
Waa laysku daydaa haddaad, damacdo aasaase
Idinkuna derbaa seexataan, dheregna doontaane
Denbi iyo danseeg iyo xan baad, duhur ku gaadhaan
Idinkoo dhammaan diidayaad, kala dareertaane

Lacag samada laga soo dejey, baw wada dudaysaane
Dugsiyada cammira Jaahil, waa deero ka hal-qaade
Haddii kalese hay daalinina dheregi waa duufe.

Jaamac Axmed ‘Jaamac Gacmadheere’ in media

Search