Ismaaciil Xayd Af-Low

All poems by Ismaaciil Xayd Af-Low

Amaan Geel

Macnuu gabaygu kala leeyahay iyo, gar iyo miidaane
Layskuma mardaafo e haddii aan, miimka ka abbaaro
Hadba xarafka kii muunad leh baan, madarka keenaye
Kolkii samada mayaygoo curtay iyo, mooya laga waayey
Ee adhi maqaar buu noqdee, lo'ina meermeertay
Maylaha go' qooqani kolkuu, micida ruugaayey
Margiyaalahaa weehadeey, kuu manfac ahaaye
Mulaax waxay fadhiday Jaamacow, madaxa tuureede
Iyada iyo maroodigu sudday, miri ogaayeene
Kolbase maangadii ooman yaa, may la tu'iyaaye
Kaliil murugtay hawd maakhira ah ayuu, magac ku yeeshaaye
Abaar mudhuxday jiilaal manqaxay, geedo midhif beelay
Ikhwaanow magaalada dhashiyo, waa macdaarada e
Miska dhabarka Caliyow haddii, maraqa loo saaro
Marko loo dhabaan dhabay kolkii, laga malaasaayay
Maydh dibada rooray dhashiyo, may ciskan irmaane
Minawaarka xooga leh kolkii, haanta lagu miisay
Moodhi kaar sidiisuu biyaha, mirir ku gaadhaaye
Mardabaanaduu dhaansadaa, milicda jiilaaale
Sidii ciil ma'awiya reerahuu, maasho qoyn jiraye
Maraykaanka waaguu xarbiga, mihindiska u saaray
Miyi kuma jihaadin ee kufriguu, miciinsadaye
Midaanka Sheekh iyo Burciyo, marinka Oodweyne
Marmar taaganlaw waa shan qaad, meel walba u kacaye
Kolbase moosinkuu qaadayaa, laga macaashaaye
Malkadii Hargeysiyo Jigjiga, moodka waxa keenay
Adari Maarsay ka dhigay, muranku waa ceeba
Waa muruq adoonlow ritiga, madaxa waaweyne
Murjinse lagama yeelin ee cididan, laysku wada maaray
Mudka iyo sakaarka iska baxay, maylinada hooray
Malkada lawga kuruskan mudha ah, maydhaq iyo duudka
Margiga taagan luqunta kolkuu, maagga fidinaayo
Isha madow dibnaha loo melmelay, dhegaha loo miiqay
Melmasaalka loo uumay ayaan, magane yaabayaaye
Moohaarse ma qaadeen cagtoon, mar u balaadhnayne
Intaas oo macnuu leeyahay, ood maanta caasidaye
Markab buuse aduunka u yahay, macalinow geele
Mulikaadka adigaa sitee, waa murkoo kale e
Musheekhdaba su'aal oo wixii, kaleba waa moode
Kol waxaan muquunaba galayn, sidigta maageedh e
Inaan nugulka laga maag baxayn, waa laguu marag e
Waxse naga maqnaa dhawr kun iyo, mi iyo dheerade
Nin waliba macniga loo dhaqduu, maanka ku hayaaye
Anagana maqaafo iyo colkaa, lagu malaystaaye
Riyaha macaan laga helaa, maradu goysaaye
Waxaase qalinka meemka iyo ra'dii, looxu marinaysay
Maqribka iyo aleylka waxaad, ugu madiixaysay
Mashaysii ardayda waa cilaan, inaad ku maashaaye
Muraadkaa ku toos Awgayow, ha i makeekiyine
Boqorka Geela- Ismaaciil Cali Shabeel ‘Cabeeye’
Bilic quruxsanleeyey iyadoo, boodh ku dhaashiyatay
Baar coodanleeyey markay, bari u sii jeedday
Ee Baarqabkeedii nirgaha, badan kaxeynaayey
Barbar socodka laafyaha markuu, kor ula boodaayey
Boqorkeeda weeye kolkay, bogga ku meereysay
Ees dhibida baarkiyo miskaha, bay isaga yeelay
Ees micida sida baaldi jabay, balaw ka siinaayey
Bishimaha hortoodiyo afkuu, buladku laallaado
Dhegta baarrinteediyo tawaad, labada baal qoysey
Boggoo xoodmay bay soo, baxdaa burunjidiisiiye

Waa boqorka geelee markuu, bulad shixaamaayey
Bishimaha kolkuu qawladda, buladku duulaayey
Ees doobta sida buunka iyo, ridayey baaruudda

Budhudhkeeda dhalay aarankii, boqol la moodaayey
Yaa Baha Wacaysaay kolkay, Yalax ku baaqaysay
Birmadkeeda oo Reer Isaaq, buurri dabajoogo
Oo Baashahoodii watoo, boqol nin dheeradaay
Baashaalba kaama ekeyn, bogga dharaartiiye

Alley lehe rag lagu beegsadaad, barigi hayseene
Basar caydhi leedahay nin ogi, kama baqeen geele
Sidii qaylo beel kale ka timid, yaad barbariseene
Ba’ayeeyda naaguhuna saw, idin ma beerqaaddo.

Akhyaarta aaminsan in Xarbi gabaygan tiriyey waxay ku daraan beydad
kale ooy ka mid yihiin:
Iyadoo bidhaan quruxsanleey, boodh ku dhaashiyatay
Iyadoo badh buu dhalay hayaan, baarqabka iyo foosho
Iyadoo badaha Raydablay,bidix ka daaqaysa
Barrigay fadhiday reer Amaan, weerar kaga baadhiye

Ismaaciil Xayd Af-Low in media

Search