C/Qaadir Xirsi Siyaad ‘Yam Yam’

All poems by C/Qaadir Xirsi Siyaad ‘Yam Yam’

Guur

Godkii aakhiree lagugu riday jeer uunbaan galiye
Naxariis gu weynbaan Rabigay kuu galiinsaday
Aw Yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka laaado
Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda
Gefefkiyo tilmaamihii cadaa iid ku gali waydey
Hadaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene

Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garab yaala
Cimrigiyo gabdhaha aan wakhtigan isku soo gaadhay
Aniguna intaan uga gabaday geed aan ka idhaahdo

Gablan iyo inaan ubad dhalaa wey gudboon tahaye
Madaxayga guudkaad cirada galayax moodaaye
Gabowgii waxaa iiga hadhay dhowr guyoo kale
Guumays waxa iga dhigoo doobka igu gaaxshay
Een dumar qaar uga gabaday geed aan ka idhaahdo

Guduud iyo adoon qurux hurayn gaari aad xulatay
Beri hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye
Geelana midii qaayibtaa loo gunayn jiraye
Intii aan bacow gaadan laa golo ku joog fiican
Mar haday gar dhalad wada noqdeen guur aan ka la’aado

Caadadii la gooyaaba waa geeri iyo ceebe
Guudkii badnaa iyo tintii gelefka aad mooday
Ee guur ninkii doonayaa muuqa garanaayey
Garoob iyo midii reerle iyo taan la guri gaysan
Gamboolay haday wada noqdeen guur aan ka la’aado

Gaabsiga xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin
Ee maro guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo
Ee naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa
Markay wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa
Ana geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado

Goobatada habaynkii gudeen goor walbaba joogsan
Gasiiriyo midii aan Jimcaha geedka laga waayin
Ee ina-rag kii nini wataa raaco gacanteeda
Marna tii aan gaagixin hadii gorofka loo qaado
Intay gaadhi iga raaci layd guur aan ka la’aado

Geerashkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa
Gogoshiyo falaasyadii midii kala dhex gowdiida
Ee jaa’ifada loo guree lagu habayn guuro
Ee labo gundoodoo nin kale galan galcaynaysa
Intay galab rag kale ii keeni layd guur aan ka la’aado

Garab rarato, meel kuma gabada, guura bahaleeya
Sida igadh gandaalkeed la sido niman ku gaaf meera
Gurashada sigaarkiyo shaxaad gees walba u baydha
Markaa googo’ kii siinayaba gacalsatee raaca
Waabaayaday gurubsataa taasuyee guur aan ka la’aado

Ta cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa
Goodaado beer dheer aan cunin dheefta gurigooda
Gidaarada habaynkoo badh tegey wiil garbaha haysa
Gorayada surwaalka leh midaan ruux u garan waayey
Xidin-xiitadaa aan gam’ayn guur aan ka la la’aado

Gunuus badan had iyo jeer gurxama deriska guul-guula
Garba qaawan wiinbaar gashada gogol ma loo doona
Gagabsiga yar mooyee marnaba guurka ma xusuusta
Dhaylada midaa loo gadee awlal kaga goysa
Xuurtaa aan hamuun goynahayn guur aan ka la’aado

Ta aqoonta loo gado baree garasho loo yeelo
Cilmigaa asaageedu gayo tii la garansiiyo
Gargaariyo markii reer tashigi gacal ka eegaayey
Hadii ay quraarado gashoo gaalo la ciyaarto
Gablan bay adoogeed ka tahay laguma goohaane
Cadho waalid bay galabsatee guur aan ka la’aado

Garoob maal leh oo dhawr sacaad waabka soo gelisay
Oo guri cariishiyo dukaan ganacsatee haysa
Caanaha gadhoodhka ah ninkay gelin dhexaad siiso
Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye
Intii lay guhaadayn lahaa guur aan ka la’aado

Mida guursatee guriga lee gabanadii tuurta
Ee baladka gaashgaashisee gaatin soconaysa
Ee goor qaboona ah baxdee godadka fiidmeerta
Guuguulka waa lagu yaqaan raro-gubyood ka ahe
Intay ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la’aado

Ta gugeedu weyn yajay asee gaanisada dheesha
Een da’deed la gooshinee gurbaysnimo kufaanaysa
Googoradda bowdada ka maqan xaluska giirgiiran
Waa cudur nasoo galay asii aan la garanayne
Gimrigeedii taa gabawartana guur aan ka la’aado

Ta jacaylka gaadada u sudhan meel walbaba gaysa
Ee dhawr nin guubaabisee laxawga gaadhsiisa
Adaan gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba
Markaad labada daarood gaftay kaa xamaan guran e
Dumaashiday intaan gocon lahaa guur aan ka la’aado

Midda ganaca weyn lee ibtilo aasha loo galiyey
Ee nabar la gaadhsiiyey iyo garac lasoo dhooftay
Ee gabanka aabihiina tidhi waygu gacan saydhay
Indha gudhay dhafoorada gotaad taa ku garataaye
Ceebteedu ima soo gashee guur aan ka la’aado

Guunyada middii aabaheed lagu galiimaysto
Waxay gocato taan waayinoo gaajo wali taaban
Ee gacanta maal ugu jiroo gaadhi dheer wadata
Nin qudhaad u gaar tahay yaan ruuxna galinayne
Intaan gaws libaax gali lahaa guur aan ka la’aado

Guddoonkaygii goortaan intaa gacan-togaaleeyay
Oon waliba soo gaabiyoo qaar u gali waayey
Gogol iyo sariir aan lahayn gaari raaliyo ah
Inaan galangalceeyaa tashiga iiga gow yidhiye
Maxaa kula gudboonaan lahaa taniba waa goor e

C/Qaadir Xirsi Siyaad ‘Yam Yam’ in media

Search