Xuslnul Khaatumo

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.

Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.
Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye.

3. Rabaa Deeq Leh – Sayid Maxamed C. Xassan
Rabbaa deeq leh roobbaa qabow, raaxo nabad baa leh
Jannaa ruga raxmaan baa baryo leh, raacis Nebi baa leh
Werdaa ridis leh weli baa rilla leh, rabid shareecaa leh
Run baa fiican beenbaa rufucan, raran cadaab baa leh
Rataa xoog leh geel baa ruko leh, ramag haleelaa Ieh
Araa raxan leh reer baa raqsi leh, rogob wan weyn baa leh
Bad baa reen leh rays baa cunto leh, ruqa abaar leh
Goraa raan leh aar baa riddama, rooris faras baa leh
Jannaa udug leh jiic baa godgodan, jahanamaa qiiq leh
Jigraa ridis leh xoolaa Jigjiga, jooga anigaa leh
Wuxuu soo jibaadaba libaax, jees maraa mlcile
Allaa xoog leh diinbaa xarbl leh. tegid xajkii baa leh
Gobbaa xigid leh xoor baa dhanya leh, dhaqasho xiita leh
Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh
Aqal xeerar wayn xaal gobeed, xilasho gaaraa leh
Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid galbeed baa leh
Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal bari baa leh
Allaa weyn cirkaasaa wahdiya, waaya duni baa leh
Dayax iyo shamsada deyran baa, daalac iyo nuur leh.
Lo’ baa sixin leh ari baa sadaqo leh, xooryo ibil baa leh
Bir baa sulub leh soofaa wax jara, tamayo geed baa leh
Wax ciyoonba loo go’iyo … sumuc baa leh
Cashrigaa wax laga soo rogiyo, cagana Dhooddaa leh.

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede, Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye, Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye. Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede, Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska, jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga, Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye. Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe, Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye, Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye, Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye. 3. Rabaa Deeq Leh – Sayid Maxamed C. Xassan Rabbaa deeq leh roobbaa qabow, raaxo nabad baa leh Jannaa ruga raxmaan baa baryo leh, raacis Nebi baa leh Werdaa ridis leh weli baa rilla leh, rabid shareecaa leh Run baa fiican beenbaa rufucan, raran cadaab baa leh Rataa xoog leh geel baa ruko leh, ramag haleelaa Ieh Araa raxan leh reer baa raqsi leh, rogob wan weyn baa leh Bad baa reen leh rays baa cunto leh, ruqa abaar leh Goraa raan leh aar baa riddama, rooris faras baa leh Jannaa udug leh jiic baa godgodan, jahanamaa qiiq leh Jigraa ridis leh xoolaa Jigjiga, jooga anigaa leh Wuxuu soo jibaadaba libaax, jees maraa mlcile Allaa xoog leh diinbaa xarbl leh. tegid xajkii baa leh Gobbaa xigid leh xoor baa dhanya leh, dhaqasho xiita leh Xasad iyo xumaan laysku dilo, xiisad beled baa leh Aqal xeerar wayn xaal gobeed, xilasho gaaraa leh Xurmo iyo wanaag loo xishiyo, xidid galbeed baa leh Waxaan kaa xishoon iyo ximaar, xeewal bari baa leh Allaa weyn cirkaasaa wahdiya, waaya duni baa leh Dayax iyo shamsada deyran baa, daalac iyo nuur leh. Lo’ baa sixin leh ari baa sadaqo leh, xooryo ibil baa leh Bir baa sulub leh soofaa wax jara, tamayo geed baa leh Wax ciyoonba loo go’iyo … sumuc baa leh Cashrigaa wax laga soo rogiyo, cagana Dhooddaa leh.

Search