Wacdi

Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye
rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.

Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay
waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.

Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine
waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.

Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase
wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo
iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye
warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.

marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo
weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede
Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade. Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede. Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane. Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye. Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta. Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine. marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo weysaysi baa ila gudboon wuduu' salaadeede Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

Search