Waar Tolow Colka Jooja

Maalintii Cumar Daahir
Is ku gooyay cayaartiyo
Nin Caloolacad joogay
Oo Meygaag Ciiden war qaatay
Waa cibaaro qabaayoo
Belaayuu curufkeediyo
Camalkeeda yaqaane
Waar tolow, colka jooja!
Nin habeenno casheeyay
Cadar aan hadh lahayn
Iyo ceeryaamays ugu toosta
Oo inuu caafiyaddiisa
Cabbaar meel la fadhiisto
Caqligaanay gelayne
Waar tolow, colka jooja!
Carabkaan ku hadlaayona
Nin callenti caddaatiyo
Caamadaan garanayn oo
Kolkay caruuri dhintaane
Cutub weyni cidlaataa
Lays canaanan haddhowe
Waar tolow, colka jooja!
Labadiinnan cuure
Is u coobe ridaayow
Cidna ways u xignaa
Ciilna ways u qabnaa
Canla na waa is ogayn?
Shantii Caadle lahayd
Iyo curadkii habartay iyo
Cali Fiin ma illaawin
Oo raggii ceeriga yiilla
Cabasaannu ahayn
Oo Jaamacii calmanaaye
Codkar noogu horreeyiyo
Rabjaan baydin cayaayir
Iyo caado dhaaf ku disheen
Oo haddii aad is cuntaan
Idin caabudan maayo
Oo waa intaan mid la ciidmi
Oo ka kaleeto ku ciiriye
Waar tolow, colka jooja!
Intii baad cantarteen oo
Cunkadaydin marteen
Oo meydkiinnii cammirraa ye
Candhadheerta dhurwaa
Iyo ciidda haaddu ku jiidday
Iyo cuqduudkii ka baxdeen
Oo cosobkii Balanbaal
Iyo caleentii Karamaan
Oo Cayn baa oo gudhsateen
Oo cambartii geela dhalaysiyo
Adhaa ceegan guryaa e
Waar tolow, colka jooja!
Nin carruur iyo maato
Iyo calli reero la yaal
Oo I coofaaya golaa
Oo cararaaya had dhow
Iyo nin colaad talinaaya
Oo caddaystaydinka buuxa e
War tolow colka jooja

Maalintii Cumar Daahir Is ku gooyay cayaartiyo Nin Caloolacad joogay Oo Meygaag Ciiden war qaatay Waa cibaaro qabaayoo Belaayuu curufkeediyo Camalkeeda yaqaane Waar tolow, colka jooja! Nin habeenno casheeyay Cadar aan hadh lahayn Iyo ceeryaamays ugu toosta Oo inuu caafiyaddiisa Cabbaar meel la fadhiisto Caqligaanay gelayne Waar tolow, colka jooja! Carabkaan ku hadlaayona Nin callenti caddaatiyo Caamadaan garanayn oo Kolkay caruuri dhintaane Cutub weyni cidlaataa Lays canaanan haddhowe Waar tolow, colka jooja! Labadiinnan cuure Is u coobe ridaayow Cidna ways u xignaa Ciilna ways u qabnaa Canla na waa is ogayn? Shantii Caadle lahayd Iyo curadkii habartay iyo Cali Fiin ma illaawin Oo raggii ceeriga yiilla Cabasaannu ahayn Oo Jaamacii calmanaaye Codkar noogu horreeyiyo Rabjaan baydin cayaayir Iyo caado dhaaf ku disheen Oo haddii aad is cuntaan Idin caabudan maayo Oo waa intaan mid la ciidmi Oo ka kaleeto ku ciiriye Waar tolow, colka jooja! Intii baad cantarteen oo Cunkadaydin marteen Oo meydkiinnii cammirraa ye Candhadheerta dhurwaa Iyo ciidda haaddu ku jiidday Iyo cuqduudkii ka baxdeen Oo cosobkii Balanbaal Iyo caleentii Karamaan Oo Cayn baa oo gudhsateen Oo cambartii geela dhalaysiyo Adhaa ceegan guryaa e Waar tolow, colka jooja! Nin carruur iyo maato Iyo calli reero la yaal Oo I coofaaya golaa Oo cararaaya had dhow Iyo nin colaad talinaaya Oo caddaystaydinka buuxa e War tolow colka jooja

Search