Uma Kiilo Maansada

Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e
Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye
Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe
Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga
Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage
Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman
Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey
Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga
Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba
Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado
Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye
Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho
Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e
Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda
Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye
Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye

Uma kiilo maansada siddii, xuud kalluunsada e Kasha muran kuyaaleey xikmadu, kilinkilaysaaye Kulcubaha xiskay dooda iyo, kiishash laabta ahe Faalada kalyaha buuxisiyo, kubada uurkayga Kaah iyo iftiinkay baxshaan, kaaxi maan arage Kurka gabayga soo muujiyee, sheegidda u kaalman Ma kaakicine dhowr goor anigoo, kaalay odhan waayey Kud iyo mid karaysa ah afkana, kaabiga u jooga Geedada wuxuu kuuriyoo, saabka kuududuba Kol hadduu karsamay oo shidmayoo, aad u kululaado Lama kaydin karo maansadii, kaayaheed galaye Saakana karaamaa jirtee, bal aan tix kaynaansho Dumarna kaygu uma baahna iyo, daasas loo tumo e Dusha iyo haddaan saari jiray, duuda guradeeda Daldalaadii horre haatan waa, inaan ka daayaaye Gabayaddii aan duuduubi jiray, waan dabcinayaaye

Search