Talo

Talo dihatay leegada markuu damacu ii geeyay.
Ee Aadan iyo ay dageen dawladu haystay.
Aniguba Dilaal waxaan ku helay darajadaydii.
Anigoo Dalkeenii fadhiyin Dagaladii saaxiil.
Oo Higilku ii yahay Dugsiyoo wehelka Doonaaya.
Diyaafad aan kariyayoo Duulna iman waayay.
Tolkuu ina xuseen iga didshee doobiga u tuuray.
Inaan Moodhi kaaro u diroo Diricna soo raacin.
Sidaa Maragu waa ii diyaar beeni duug ma leh.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin.
Dambigan iyo xilkan isaaran baa diray naftaydii.
Dalalkeena Maqan baan lahaa duudsi yaynoqon.
Dulmigii wajeer lagu hayay iyo dacas wixii gaadhay.
Dafirtay itoobiya intay daalac naga haysay.
Dekedii jabuutina sidii magaca loo doorshay.
Intaan soo dabarayay bay canaan igala daaleen.
Ay gudaha sii dumin jireen ani daraaday.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin
Tolkay iniga iimuu darnayn oo ima darbeeyaan.
Horaantaanu iga dooran jiray labbada daamood.
Aniguna abaalkii ma duwin mana doorsiin.
Kuwii dharaga iga doonaya foodka foodka dabadiisa.
Dabaal tobban bilood heshay simeen waanay dad ahayne.
Nebi yuusuf (CS) ceel dalab kusii kii dadka u xigay.
Nabad uga dembaysii illah diiq wuxuu badaye.
Durdur malaba, Daad wada jano ah, Dooxyo wada dhay ah.
Nimcada daadsan nebiyaal u digay dar illah siiyay.
Reer binu israiil ka dude deeqdii loo wacay.
Dembaab bay xambaarteen markay mahadnaq diideen.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin
Aan degdego, Daryeel ii samee, dhari dab aan saaro.
Idalici hadana aan ku dilo dabina kuu qoolo.
Idaadihi aan gaax darartay iyo dihini kaa maalo.
Cadaawahana meeshaada dagan daawo kula qaato.
Waa labba dal kala fog Dawna isku lahayne.
Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay.
Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana.
Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin.
Dhawaan baa dayuurad iyo faras lay dabaal degi.
Ha Degdegin ku dhaha hooyaday diiqna ha is gelin.
Caashana Ha dumaroobin dhaha waad ka daal tiran.

Talo dihatay leegada markuu damacu ii geeyay. Ee Aadan iyo ay dageen dawladu haystay. Aniguba Dilaal waxaan ku helay darajadaydii. Anigoo Dalkeenii fadhiyin Dagaladii saaxiil. Oo Higilku ii yahay Dugsiyoo wehelka Doonaaya. Diyaafad aan kariyayoo Duulna iman waayay. Tolkuu ina xuseen iga didshee doobiga u tuuray. Inaan Moodhi kaaro u diroo Diricna soo raacin. Sidaa Maragu waa ii diyaar beeni duug ma leh. Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay. Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana. Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin. Dambigan iyo xilkan isaaran baa diray naftaydii. Dalalkeena Maqan baan lahaa duudsi yaynoqon. Dulmigii wajeer lagu hayay iyo dacas wixii gaadhay. Dafirtay itoobiya intay daalac naga haysay. Dekedii jabuutina sidii magaca loo doorshay. Intaan soo dabarayay bay canaan igala daaleen. Ay gudaha sii dumin jireen ani daraaday. Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay. Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana. Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin Tolkay iniga iimuu darnayn oo ima darbeeyaan. Horaantaanu iga dooran jiray labbada daamood. Aniguna abaalkii ma duwin mana doorsiin. Kuwii dharaga iga doonaya foodka foodka dabadiisa. Dabaal tobban bilood heshay simeen waanay dad ahayne. Nebi yuusuf (CS) ceel dalab kusii kii dadka u xigay. Nabad uga dembaysii illah diiq wuxuu badaye. Durdur malaba, Daad wada jano ah, Dooxyo wada dhay ah. Nimcada daadsan nebiyaal u digay dar illah siiyay. Reer binu israiil ka dude deeqdii loo wacay. Dembaab bay xambaarteen markay mahadnaq diideen. Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay. Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana. Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin Aan degdego, Daryeel ii samee, dhari dab aan saaro. Idalici hadana aan ku dilo dabina kuu qoolo. Idaadihi aan gaax darartay iyo dihini kaa maalo. Cadaawahana meeshaada dagan daawo kula qaato. Waa labba dal kala fog Dawna isku lahayne. Walaalnimo ninkii dilay haduu cabasho deyn waayay. Xaajooyin duugoobay oo daalan baa imana. Waa lay damqayaa inaan furo ma doonaynin. Dhawaan baa dayuurad iyo faras lay dabaal degi. Ha Degdegin ku dhaha hooyaday diiqna ha is gelin. Caashana Ha dumaroobin dhaha waad ka daal tiran.

Search