Tahriibka

Anigoon ku taag taagsanin'oo
Qar ka tuurin maansada
Toogteydi weeyee
Aan dhorw tuduc ka taabto
Tiiraanyo ooyo maantaba.

Dhib la'aan ma timaadee
Ilintan dhabankeyga taaliyo
Tabaalahan i heysta
Waxa igu talaalay
Tacadiga tahribka weeyoo
Anbiyey tiirkii qaranka iyo
Dhalintan tirsanaayey.

Murug baa is daba taaloo
Ilin hooyaa tif tiri
Kolkuu tamaniyey
Key ku tacab beeshay
Inuu hilibkisa u tuuro
Caddow tacadi bada naftiisa.

Haku taamin tahriibkoo
Ha tuhmin marnaba
Libintiisu in ay tahay
Tamshleyn iyo farxade
Tilmaantiisu waa
Tacdiyo dhiibaatee
Naftada ha u tuurin
Ma gafe tuug ahiyo
Cadaw tacadi bada naftaada.

tu'na haku tashanina
In ay ku baahi tirtoo
Taajir ku noqotaa
Tasiilaad dhaqaaliyo
Dhismo tayo lahoo
Nin kale tusmeysto
Dhidibada u taagtay
Ogow Tiisii weeyoo
Adaa kaagii ka tagayoo
Tashuus baday naftaadee.

Tolla'yeey dhalinyaroy
Darajo ma ahan tahriibke
isku geeya taaloo
Tufta qur'aankiyo
Imaankina toosiyoo
Qorshahaa Ka tanaasuloo
Baajiya tiiraanyada
Aan mar qura tilaabsano
Gurano tacabka beerahiinee.

Anigoon ku taag taagsanin'oo Qar ka tuurin maansada Toogteydi weeyee Aan dhorw tuduc ka taabto Tiiraanyo ooyo maantaba. Dhib la'aan ma timaadee Ilintan dhabankeyga taaliyo Tabaalahan i heysta Waxa igu talaalay Tacadiga tahribka weeyoo Anbiyey tiirkii qaranka iyo Dhalintan tirsanaayey. Murug baa is daba taaloo Ilin hooyaa tif tiri Kolkuu tamaniyey Key ku tacab beeshay Inuu hilibkisa u tuuro Caddow tacadi bada naftiisa. Haku taamin tahriibkoo Ha tuhmin marnaba Libintiisu in ay tahay Tamshleyn iyo farxade Tilmaantiisu waa Tacdiyo dhiibaatee Naftada ha u tuurin Ma gafe tuug ahiyo Cadaw tacadi bada naftaada. tu'na haku tashanina In ay ku baahi tirtoo Taajir ku noqotaa Tasiilaad dhaqaaliyo Dhismo tayo lahoo Nin kale tusmeysto Dhidibada u taagtay Ogow Tiisii weeyoo Adaa kaagii ka tagayoo Tashuus baday naftaadee. Tolla'yeey dhalinyaroy Darajo ma ahan tahriibke isku geeya taaloo Tufta qur'aankiyo Imaankina toosiyoo Qorshahaa Ka tanaasuloo Baajiya tiiraanyada Aan mar qura tilaabsano Gurano tacabka beerahiinee.

Search