Suldaanoow

Suldaanoow addinkaaga Suldaanoow hal ammaana
Suldaanoow arrinteenna Suldaanoow arrintaada
Suldaanoow Ingiriiska Suldaanoow addinkaaga
Ilaal aad murantaan ‘Albaabkaan gelayaa’ ‘
Amar layguma siin’ Isimkaagu ka weyne
Xafiiskaa agihiisa Intaad joogto ilaali
Suldaanoow hal ammaana Horey kuugu idlaatayoo
Ka awow ka awow iyo Imminkoo lagu saaray
Wax imaaradda qaata Ingiriiska walaayiyo Inagowgu horreyney

Suldaanoow arrinteennu Halkii ay ka irdhowdey
Inagaysla ogaynnoo Inaan kuu alalaasiyo
Inaan tayda adkaysto Intaa waan tashanaayey
Haddaanan kaaga ilaawin Tolnimayga adkaataye
As-salaamu calayku Suldaanoow arrintaada Arabkaa garabkeenniyo
Awalkaa na colaadshiyo Inankaaga Rashiid Sidaasaad ku aslaaxiye
Garta haw kala eexan Suldaanoow
Ingiriisku Halkuu awr ku marinaayo Irbad buu ku dayaaye
Waa belaayo adduune Haddii aad af-nuglaato Odayaasha la shawr

Suldaanoow addinkaaga Suldaanoow hal ammaana Suldaanoow arrinteenna Suldaanoow arrintaada Suldaanoow Ingiriiska Suldaanoow addinkaaga Ilaal aad murantaan ‘Albaabkaan gelayaa’ ‘ Amar layguma siin’ Isimkaagu ka weyne Xafiiskaa agihiisa Intaad joogto ilaali Suldaanoow hal ammaana Horey kuugu idlaatayoo Ka awow ka awow iyo Imminkoo lagu saaray Wax imaaradda qaata Ingiriiska walaayiyo Inagowgu horreyney Suldaanoow arrinteennu Halkii ay ka irdhowdey Inagaysla ogaynnoo Inaan kuu alalaasiyo Inaan tayda adkaysto Intaa waan tashanaayey Haddaanan kaaga ilaawin Tolnimayga adkaataye As-salaamu calayku Suldaanoow arrintaada Arabkaa garabkeenniyo Awalkaa na colaadshiyo Inankaaga Rashiid Sidaasaad ku aslaaxiye Garta haw kala eexan Suldaanoow Ingiriisku Halkuu awr ku marinaayo Irbad buu ku dayaaye Waa belaayo adduune Haddii aad af-nuglaato Odayaasha la shawr

Search