Sida Canabka Beeraha

Sida canabka beeraha
Ama kayn caleen liyo
Dhul cagaar ku simanyay,
Caad iyo Gar-Loo-Gubay
Cosobkii ku yaalloo
Cawshu gaardiyaysoo
Cidi daaqin baad tee.
Cawo waxaa lee
Ama ciil bixi lahaa,
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto kula wadaagoo
Deedna kula caweeysaa.
Cirka oo daruur liyo
Casar hogol darroortiyo,
Cadceed subax la-moodyow!
Waxaad iila cayn tahay,
Dayaxoo cawayskii
Carrigoo mugdi ahaa
Dhulka wada caddeeyee.
Cawo waxaa lee,
Cadraddii nasiib iyo
Calaf kuu aroostee
Carruur kuu xambaartee
Gogol kula cayaartaa.
Cabbaadhyaha korkaagiyo,
Cududaha ku yaalliyo
Caaddilkii ku uumaa
Qurux cayn la doonaba
Inanyahay tin iyo cidhib
Cadka kuu dhammeeyoo
Ceeb kaa ilaashee.
Cawo waxaa lee
Ama ciil bixi lahaa,
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto kula wadaagoo
Deedna kula caweeysaa.
Adba wiil codkar ahoo
Cilmi iyo aqoon loo,
Caaqil taliya baa tee
Mid aan caawa kula simo
Ifka cagaha soo dhigey
Cidi sheegi maysoo
Aduun bay cejebiyee.
Cawo waxaa lee,
Cadraddii nasiib iyo
Calaf kuu aroostee
Carruur kuu xambaartee
Gogol kula cayaartaa.
Sida ciidda weynoo,
Curubtiyo dhalliintii
Isku soo caddeeysoo
Golihii cayaaraha
Caweyskii isugu timi
Carfigiyo udgoonkana,
Caynkoodii baad tahay.
Cawo waxaa lee
Ama ciil bixi lahaa,
Calaf nimuu ku siiyoo
Cunto kula wadaagoo
Deedna kula caweeysaa.
Amba caashaqaagii
Waakan igu cuslaadee
Aan ka ciidmi waayee,
Sidaan kuu calool rabo
Caad kaama saarnoo
Amba caato iyo wayd
Caday waan ka dhuubtaye.
Cawo waxaa lee,
Cadraddii nasiib iyo
Calaf kuu aroostee
Carruur kuu xambaartee
Gogol kula cayaartaa.

Sida canabka beeraha Ama kayn caleen liyo Dhul cagaar ku simanyay, Caad iyo Gar-Loo-Gubay Cosobkii ku yaalloo Cawshu gaardiyaysoo Cidi daaqin baad tee. Cawo waxaa lee Ama ciil bixi lahaa, Calaf nimuu ku siiyoo Cunto kula wadaagoo Deedna kula caweeysaa. Cirka oo daruur liyo Casar hogol darroortiyo, Cadceed subax la-moodyow! Waxaad iila cayn tahay, Dayaxoo cawayskii Carrigoo mugdi ahaa Dhulka wada caddeeyee. Cawo waxaa lee, Cadraddii nasiib iyo Calaf kuu aroostee Carruur kuu xambaartee Gogol kula cayaartaa. Cabbaadhyaha korkaagiyo, Cududaha ku yaalliyo Caaddilkii ku uumaa Qurux cayn la doonaba Inanyahay tin iyo cidhib Cadka kuu dhammeeyoo Ceeb kaa ilaashee. Cawo waxaa lee Ama ciil bixi lahaa, Calaf nimuu ku siiyoo Cunto kula wadaagoo Deedna kula caweeysaa. Adba wiil codkar ahoo Cilmi iyo aqoon loo, Caaqil taliya baa tee Mid aan caawa kula simo Ifka cagaha soo dhigey Cidi sheegi maysoo Aduun bay cejebiyee. Cawo waxaa lee, Cadraddii nasiib iyo Calaf kuu aroostee Carruur kuu xambaartee Gogol kula cayaartaa. Sida ciidda weynoo, Curubtiyo dhalliintii Isku soo caddeeysoo Golihii cayaaraha Caweyskii isugu timi Carfigiyo udgoonkana, Caynkoodii baad tahay. Cawo waxaa lee Ama ciil bixi lahaa, Calaf nimuu ku siiyoo Cunto kula wadaagoo Deedna kula caweeysaa. Amba caashaqaagii Waakan igu cuslaadee Aan ka ciidmi waayee, Sidaan kuu calool rabo Caad kaama saarnoo Amba caato iyo wayd Caday waan ka dhuubtaye. Cawo waxaa lee, Cadraddii nasiib iyo Calaf kuu aroostee Carruur kuu xambaartee Gogol kula cayaartaa.

Search