Nux-Nux

Nasli gabay hadduu leeyihiyo naafac laga dhawro
Naxwihiisa anigaa bartiyo kiisa nuurka lehe
Nah-nahlaa waqay uma tirshiyo naytigaan garane
Niyadda shooqu maantuu galee naas cusubi joogo
Noociisu wuxuu gaadhayaa nudubka feedhaaye
Niishaanka ruuxaan la helo naarigaa diliye
Naafada danbeetuu sidii nabar kacdoomaaye
Rag-uun baa wax nuunaynayoon nooli ku hadlayne
Anse kayga nadarkaad ka garan naaxiguu yahaye
Nin baryadi naf la calaacalkiyo naago ku ammaanka
Niyadayda waxay daaranyiin nuqul sidiisiiye
Waxaan dhab ugu nuuxnuuxsadaa naaqadiidiga’e
Nux-nuxdiyo naxliga beena iyo naqalka Shayddaanka
Namiinshuhu warkuu keenayuu nacas rumaystaaye
Nu’da hadalka naasaca dibnaa nuuska dhegeheenna
Anna nadartu waxan soo arkaan nacam idhaahdaaye
Dhulko nabada weedh laysku naco naadi ma aqaane
Nashwaddiyo nasabad sheegadkiyo nabarradii baane
Mar hadduu tabtaa igu nekedo ama i niib keeno
Anna halu shisheeyuhu ka naxo naqay dharaartaase
Dadka waxaan is noqonaa midkay neeftu qabataaye
Abidkay iskuma sii nab-nabo kaan i naasibine
Nin i neceb nasteexiyo wanaag amase naamuuski
Waa horeeto nidar baan ka galay nuqusi mooyaane

Nasli gabay hadduu leeyihiyo naafac laga dhawro Naxwihiisa anigaa bartiyo kiisa nuurka lehe Nah-nahlaa waqay uma tirshiyo naytigaan garane Niyadda shooqu maantuu galee naas cusubi joogo Noociisu wuxuu gaadhayaa nudubka feedhaaye Niishaanka ruuxaan la helo naarigaa diliye Naafada danbeetuu sidii nabar kacdoomaaye Rag-uun baa wax nuunaynayoon nooli ku hadlayne Anse kayga nadarkaad ka garan naaxiguu yahaye Nin baryadi naf la calaacalkiyo naago ku ammaanka Niyadayda waxay daaranyiin nuqul sidiisiiye Waxaan dhab ugu nuuxnuuxsadaa naaqadiidiga’e Nux-nuxdiyo naxliga beena iyo naqalka Shayddaanka Namiinshuhu warkuu keenayuu nacas rumaystaaye Nu’da hadalka naasaca dibnaa nuuska dhegeheenna Anna nadartu waxan soo arkaan nacam idhaahdaaye Dhulko nabada weedh laysku naco naadi ma aqaane Nashwaddiyo nasabad sheegadkiyo nabarradii baane Mar hadduu tabtaa igu nekedo ama i niib keeno Anna halu shisheeyuhu ka naxo naqay dharaartaase Dadka waxaan is noqonaa midkay neeftu qabataaye Abidkay iskuma sii nab-nabo kaan i naasibine Nin i neceb nasteexiyo wanaag amase naamuuski Waa horeeto nidar baan ka galay nuqusi mooyaane

Search