Nabadeey

Nabad baa Macaanoo janna ah Naallo iyo Khayre
Waa Naruuro Lagu doogsadoo Naas la nuuga lehe
Nimco iyo barwaaqiyo Udgoon waa Naq aan go'ine
Naamuuska doogiyo iftiin Nuurka iyo Kaaha
Najam iyo Shamsada weeye iyo Nalal siraataaye
Nasteexada Aduunyadda jirtiyo Naafac iyo Quudka
Naxariista Roobkiyo Cirkoo Nurar Hilaacaaya
Ama Xoolohoo Najoxoo lagu Nagaanaayo
kun sifaale haddii aan naqoo kumana soo niibsho
Waa wax aan Niyadi sheegi karin Nooca ay tahaye
Nolol Weeye uu Eebbeheen Nooga dhigay tiire
Nimaan Iyada haysani Ma laddo Neeftu way'iyadda'e
Neecawdda Tii lagu hurdee Lagu Nastaa Weeye
Naafoobe qoomkii kibree Nabbadda diidaaye
Naskuna sheegyey Nabruud iyo kancaan siday u niiqmeene
Nabarkii ku dhacay waan ognahay Najis fircoonkiiye
Nadigaa ku dhaga kii is bida Nibiri xoog Wayne
Naxdin iyo dilbaa wa heliyoo Naadhku waa go'iye
Naalada Aduun waa iyadda Nicam illaahay'e
Ruux waliba ha naadiyo Jidhkay Nudaha beertaaye

Nabad baa Macaanoo janna ah Naallo iyo Khayre Waa Naruuro Lagu doogsadoo Naas la nuuga lehe Nimco iyo barwaaqiyo Udgoon waa Naq aan go'ine Naamuuska doogiyo iftiin Nuurka iyo Kaaha Najam iyo Shamsada weeye iyo Nalal siraataaye Nasteexada Aduunyadda jirtiyo Naafac iyo Quudka Naxariista Roobkiyo Cirkoo Nurar Hilaacaaya Ama Xoolohoo Najoxoo lagu Nagaanaayo kun sifaale haddii aan naqoo kumana soo niibsho Waa wax aan Niyadi sheegi karin Nooca ay tahaye Nolol Weeye uu Eebbeheen Nooga dhigay tiire Nimaan Iyada haysani Ma laddo Neeftu way'iyadda'e Neecawdda Tii lagu hurdee Lagu Nastaa Weeye Naafoobe qoomkii kibree Nabbadda diidaaye Naskuna sheegyey Nabruud iyo kancaan siday u niiqmeene Nabarkii ku dhacay waan ognahay Najis fircoonkiiye Nadigaa ku dhaga kii is bida Nibiri xoog Wayne Naxdin iyo dilbaa wa heliyoo Naadhku waa go'iye Naalada Aduun waa iyadda Nicam illaahay'e Ruux waliba ha naadiyo Jidhkay Nudaha beertaaye

Search