Muxubbo

Muxubbaay!
Muxubbo, Maxabbaay!
Sawjaddaydiiyeey!
Saxarlaay!
Jacaylkeennii saakaba
Soddon iyo labuu jirey
Waana soo socdaa wali.
Jacayl sugan, jacayl saxan
Saafiyoo qalbiga galay,
Jacayl aan ka suulayn
Sadriga iyo laabtoo
Ku sameeysan xididdada.
Intaan dunida saarrahay
Sed baan kaaga dhigayaa,
Samawada i deeqdaay!
Subax waaga barisiyo
Saacaddii aan joogaba,
Saatir waxaan ka tuugaa
Inaad samo ku waartoo,
Aadan seegin aakhiro
Sariida Fardowsoo
Safkii Nebiga raacoo
Salaamo uga dhigan taa.
Muxubbaay!

Muxubbaay! Muxubbo, Maxabbaay! Sawjaddaydiiyeey! Saxarlaay! Jacaylkeennii saakaba Soddon iyo labuu jirey Waana soo socdaa wali. Jacayl sugan, jacayl saxan Saafiyoo qalbiga galay, Jacayl aan ka suulayn Sadriga iyo laabtoo Ku sameeysan xididdada. Intaan dunida saarrahay Sed baan kaaga dhigayaa, Samawada i deeqdaay! Subax waaga barisiyo Saacaddii aan joogaba, Saatir waxaan ka tuugaa Inaad samo ku waartoo, Aadan seegin aakhiro Sariida Fardowsoo Safkii Nebiga raacoo Salaamo uga dhigan taa. Muxubbaay!
Share on facebook
Share on twitter
Share on print
Share on email

Search