Mataanihii Gacmaha

Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine
Hadaanse madar ka sheegaayo oon walle ku maansoodo
Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda
Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka
Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye
Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka
Amase aan mashraqo lay surayn maalin ma hayeene
Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto
Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey
Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu
Mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye
Mereg baa la gooyaa cishqaan cidina maareyne
Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye
Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye
Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin
Waa waxa martiyo loogu xiray marada shaydaane
Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey
Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede
Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone
Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago’e
Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine Hadaanse madar ka sheegaayo oon walle ku maansoodo Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka Amase aan mashraqo lay surayn maalin ma hayeene Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu Mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye Mereg baa la gooyaa cishqaan cidina maareyne Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin Waa waxa martiyo loogu xiray marada shaydaane Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago’e Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

Search