Macaan Iyo Qadhaadh

Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo maata daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye
Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e
Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise
Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye
Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
Malaa’iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye
Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne
ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode Midi waa martida soora iyo maata daadihise Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane Malaa’iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Search