Ma Xayeesh Adhaan

Xarbi baari xayraan col iyo xeelad iyo tuugo
Waa ugu xad dhaafaa ninkay Xiis u dagantaaye
Xulufooyinkii horeba way kala xabbaadheene
Xasan iyo Xuseen baa ogaa xeeru leeyahaye
Xinkii Dheeho lagu gawracaan xiisaddii hadhine
Xijigeedu waa qaatil iyo xayn walaalo ahe
Xiitooy ma soo hoysan karo oday xagaystaaye
Meeshii xeryaha looga dhigo xoogsi loo qabaye
Wadaadkii Xadeed iyo fadhiyey Xalin Daraawiishta
Ee xarunta geyn jirey intuu Xamar u heenseeyo
Xaafidal Qur’aan buu ahaa soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq iyo baaddil wow kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay fardaha kuma xarraanseene
Xisaabaadka maantay tahiyo xaq iyo miisaanka
Xasanaad in laysaga qoriyo inuu xumaan doono
Xarafki Loox-Maxfuud lagu dhigiyo
Xaakinkaa werine Ifka lama xujeyn karo ninkii
Xiito weerara’e Xayaabada ka soofeenka iyo xuukadiyo goolka
Tan iyo Xaawa iyo Aadan waa u xumadaysnayne
Xoolaha xaddiidka ah naftaa Xiirayow jecele
Haddii laygu xidho geelu sow xubin rageed maaha
Ma xayeesh adhaan dhacay Burcaad ka xantamayseene

Search