Kii Goofiyee Jaray

Gar hadaan la eexayn
Gurigiis ninkii gubay
Gacalkiina Gawracay
Gablan Hooyadii baday
Maxaa libinta iyo guul
Iyo shafta gabigeed
Guudkiisa loo sudhay?

Gaajo Kii na badayee
Geedihii badnaa iyo
Nabaadkiiba gooyee
Gam ka siiyay badidood
Maxaa hees giraanliyo
Giblo loogu tumayaa?

Ugaartii u gaarkiyo
Gooni noo ahaydee
Laynagu garani jiray
Ninkii goofiyee jaray
Maxaa geesi loo yidhi
Garaadkiyo wax garashada
Maxaa gooni uga dhigay?

Midka dumarka gaadee
Boob ku gubay walaashii
Ee god ku riday ayaydii
Macooydiina gawraacay
Dhamaanteedba gobanimo
Maxaa gaar u siiyoo
Ugu soocay goonida?

Gaalka Ilaahay diidoo
Ku gafaya rasuulkoo (SCW)
Oo gabi quraankiyo
Gabdhihii rasuulkiyo
Guud ahaan saxaabada
Goldalooladood raba
Maxaa libin si gooniya
Loogu geeda waabaa?

Qalbi gabi ahaantii
Kaba maran garaadkiyo
Guud ahaan wax garashada
Gobo’ khayra aan wadan
Nina geed ma saaroo
Janadii ma geeyee
Garaadkaaga dhuuxoo
Bal garwaaqso xaajadan

Waxaan uga goleeyahay
Geedabhaba qaarbaa
Malabkaa la goostaa
Ku gaarayn macaankoo
Qaarna waa sun gubanoo
Gam ka siin makhluuqaba
Aadamuhuna gadaasuu
Midba gooniyahayee
Bal giraanta fahanoo
Garaad kaaga maaloo
Xaajada aan geed sudhay
Gunta meel u soo saar

Curiyay: © Fadumo Yusuf "Derbi"

Search