Kaana Siib

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa'ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay Rabbigayow naga saamax Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen Mid saaxiib la ahayne Sangalkii iska diidayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo Saraayaa dami weydey Kii laydhiisu na saaqdayow Kii sadqeeyey qabaa'ile Isu saaray gacmaa ee Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar

Search